Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inay Ergadii Somaliya Ka Socotay Gool Ka Dhalisay Ergada Somaliland

0
Tuesday January 21, 2014 - 19:57:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inay Ergadii Somaliya Ka Socotay Gool Ka Dhalisay Ergada Somaliland

    Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland waxii ku dhacay uu ahaa xasuuq isir sifayn ah, balse aanu ahayn dil cadaawadeed, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay in hadii ay wada hadaladaas sii wado dalka meel xun ay marinayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland waxii ku dhacay uu ahaa xasuuq isir sifayn ah, balse aanu ahayn dil cadaawadeed, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay in hadii ay wada hadaladaas sii wado dalka meel xun ay marinayso. Hargeysa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa foolxumo dalka ku dhacday ku tilmaamay sida loo dhigay qoraalka qodabkii ku jiray wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee sheegayey canbaaraynta dhibaatooyinkii uu gaystay taliskii malatariga ee Somaliya.
Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland waxii ku dhacay uu ahaa xasuuq isir sifayn ah, balse aanu ahayn dil cadaawadeed, waxaanu xukuumadda ku eedeeyay in hadii ay wada hadaladaas sii wado dalka meel xun ay marinayso.

Sida oo kale waxa uu guddoomiye Faysal dalka Turkiga ku tilmamay mid aan dhexdhexaad wada hadalada ka ahayn oo u xaglinaaya dhanka Somaliya. Waxaanu sidan ku sheegay isaga oo warbaahinta xafiiskiisa ugu waramaayay waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu yidhi“Waxii ka soo baxay wada hadalkii waa wax aan la liqi karayn, ugu horayntii waxa ka muuqatay in uu ahaa kulan aan habaysnayn, dawlada Somaliya iyada oo aan jirin ayay dawladeenu wafti iska dirtay,iyaga oo filaayay in inta ay fadhiyaan Addis dawlad la soo dhiso, markii la soo dhisi waayayna waji ay ku yimaadaan ayaa la garan waayay, iyagii ayay baryeen oo ay yidhaahdeen ma noqon karnee cid noosoo dira, nin wasiir ah oo aan wali la magacaabin iyo waxa loo soo diray dhawr xildhibaan,hogaanka kooxdeenan iyo inta badan ee xubnuuba way cusbaayeen, waxaanan filayaa in aanay waxii horee lagu heshiiyay xataa sidan.”
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa muhiim ah oo wada hadalkaas ka soo baxay waa eedayntaas, inaga waxyaabaha in aynu gooni isku taagno inoo fududaynaaya ee xaqa inoo siinaaya waxa ka kaw ah xasuuqii, halkan waxa lagu qoray dhibaatadii iyo xanuunkii ay gaysatay dawladii malatariga ahayd, waxa lays kala mid dhigayaa Siyaad iyo dawladiisii markay dhaceen qabaa’ilkii is dilay ee 1991-kii bilaabmatay ee qolana la lahaa dawladaad gacan siinayseen kuwana ay wax tirsanayeen iyo inageenii dawlada dhami ay ina dishay ee diyaaraduhu ina garaaceen ee qoxoontigii Itoobiya lagu hubeeyay,calooshooda u shaqaystayaasha la keenay, ee xabaalo wadareedyada aad arkayso Ceerigaabo ilaa Gabilay, oo aduunkuna uu ogyahay taas.in laga dhigo xasuuqii mid fudud oo dil cadaawad ah inta laga dhigo la saxeexo wax aan aqbalayn weeye.waxaan u arkaa in hadii inta dawladaas Siilaanyo jirto wada hadalo la si galo in dawlad gobaleed uu sibiq inagu gali doono.”
Ugu danbayntii Faysal Cali Waraabe waxa uu eegaymo u jeediyay dalka Turkiga oo isagu marti galiya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya“Maxaa Turkiga dusha inaga saaray, maxaa looga soo cararayaa lixdii wadan ee barigii London aanu ku heshiinay inay wadaan arinkee. Turkigu inooma sina oo 360 milyan ayuu Xamar galinayaa,wadooyin iyo dekedo ayuu u dhisayaa, 1200 o arday ayuu u qaaday, inagu waxaynu ugu habranayno ee uu ina siiyo ee shirkeenii dunidu gacanta ku haysay Turkiga loo leeyahay hala deganaado, waxaan u arka inay xeeladi ku jirto.heshiiskii hore ee wada maamulida kaantaroolka hawada ee qodabadan imikana ka mid ah waxa ka danbeeyay go’aan qaramada midoobay oo xilkii ku wareejisay dawlada Somaliya oo la yidhi idinkaa awood u leh deegaanada kale waxa aad siin karaysaan, go’aan qaramada midoobay ah ayaa jira oo waxan lagu heshiiyay baabi’iyay, waxaana meesha ka muuqata in aynu inagu daba ordayno. Waxaan ku soo gunaanadayaa in la simo xasuuqii inagu dhacay iyo barkadii dadka qaarkood laga burburiyay iyo qabaa’ilkii Muqdisho isku dilay oo aynu sidaas saxeexno waxaan u arkaa inay tahay fool xumo inagu dhacday iyo gool laynaga dhaliyay,dalkan xasuuq ayaa ku dhacay ee cadaawad dilkan laga dhigay kumuu dhicin aduunkuna sidaas waa uu ogyahay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured