Ergadii Golaha Guurtidu U Diri Lahayd Xalinta Shaqaaqadii Ka Dhacday Deegaanada Sool Oo U Xaniban Sahaydii Ay Ku Safri Lahaayeen Oo Xukuumada Ay Ka Sugayaan

0
Monday January 20, 2014 - 20:34:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergadii Golaha Guurtidu U Diri Lahayd Xalinta Shaqaaqadii Ka Dhacday Deegaanada Sool Oo U Xaniban Sahaydii Ay Ku Safri Lahaayeen Oo Xukuumada Ay Ka Sugayaan

    Hargaysa(xogreebnews.com-Golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay guddi dhexdhexaadin ah u dariyaan deegaanada Docmo ee gobolka Sool ee dhawaan iska horimaadka colaadeed ku dhexmaray labada beelood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay inay guddi dhexdhexaadin ah u dariyaan deegaanada Docmo ee gobolka Sool ee dhawaan iska horimaadka colaadeed ku dhexmaray labada beelood. colaadeed ku dhexmaray labada beelood.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan golahaasi ayaa sheegay in la qabanqaabinayo ergo waftiya oo loo dirayo deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool oo ay ka socoto xalinta shaqaaqadii labada beelood ku dhexmartay deegaanadaasi.
Weftigaasi Guurtida oo la filayey inay shalay u kicitimaan deegaanada Sool ee shaqaaqadu ka dhacday ayaa la sheegay inay u hakiyeen dhaqaalihii sahayda ahaa ee ay ku ambabixi lahaayeen oo aanay xukuumada ka helin.

Golaha Guurtida oo iyagu awood distooriya u leh inuu xukuumada ka gacan siiyo hawlaha nabadgalyada iyo xalinta isku dhacyada beelaha ayaan iyagu ilaa hada ergo dhexdhexaadin ah u dirin deegaanada gobolka Sool ee iska horimaadku ku dhexmaray labada beelood, iyadoo ilaa hadana la garan layahay asbaabaha ay golaha Guurtidu uga dib dhaceen ergada ay ku tagi lahaayeen deegaanadaasi.
xogreebnews.com-office Hargaysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured