Xafladd Lagu Caleemo Saarayo Hoggaanka Maamulka Jubba Oo Kismaayo Ka Dhacdey

0
Monday January 20, 2014 - 20:23:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafladd Lagu Caleemo Saarayo Hoggaanka Maamulka Jubba Oo Kismaayo Ka Dhacdey

    Kismaayo(xogreebnews.com--Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacaaya Xaflad lagu caleemo saaraya Hogaanka maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo sidoo kale dhowaan la dhameystiray Golaha Wasiirada ee maamulka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com--Waxaa maanta magaalada Kismaayo ka dhacaaya Xaflad lagu caleemo saaraya Hogaanka maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo sidoo kale dhowaan la dhameystiray Golaha Wasiirada ee maamulka. iyadoo sidoo kale dhowaan la dhameystiray Golaha Wasiirada ee maamulka.
Tan iyo shalay waxaa magaalada ku qul qulayay wufuud kala duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka, waxaana kamid ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicklas Kay, Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif. Sidoo kale waxaa isla shalay gaaray Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland C/xakiim Camay iyo Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Wefdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramaaya in ay gaareen saaka sidoo kale magaalada, waxaana la adkeeyay ammaanka guud oo Ciidan la dhigay dhamaan wadooyinka.
Maamulka Jubbaland ayaa la dhisay Bishii May ee sanadkii tegay balse dhisitankiisa ayaa dhalisay muran xoogan iyadoo Dowladda Federaalka markii hore kasoo horjeesatay.
Xafladda gadaal ayaan idin kasoo gudbin doona Insha’Allah
xogreebnews.com-office Kismaayo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured