“Anigu askari baan ka bilaabay shaqadaydii ugu horreysay waan aqaanaa sida niyadda askarigu uga duwan yahay dadka kale waa ninka ugu farxadda badan leh askarigu waa lagayaabaa inuusan helin nolosha baahideeda badan helin,wasiir waran-cadde"

0
Monday January 20, 2014 - 20:17:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Anigu askari baan ka bilaabay shaqadaydii ugu horreysay waan aqaanaa sida niyadda askarigu uga duwan yahay dadka kale waa ninka ugu farxadda badan leh askarigu waa lagayaabaa inuusan helin nolosha baahideeda badan helin,wasiir waran-cadde"

    Hargaysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in ciidamada jiida hore ee Gabadha ay yihiin xaydaabka shacabka Somaliland, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay ka soo baxdeen hawlo-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in ciidamada jiida hore ee Gabadha ay yihiin xaydaabka shacabka Somaliland, isla markaana waxa uu ugu baaqay inay ka soo baxdeen hawlo-badan. Wasiirka arrimaha gudaha oo shalay khudba u jeediyay ciidamada jiida hore ee Gambadh, waxaanu yidhi, “Quruxda halkan ka muuqata iyo qiimaha ciidanka qaranka aaga hore ee uu leeyahay waxaanuu jecelahay inaanu idiin soo gudbinno sida aanu raalli uga nahay hawlaha aad ummadiina iyo qarankiina u haysaan waxaad tihiin xayndaabkii Somaliland waxaad ka soo baxdeen hawlo farabadan iyo dhib fara badan oo ay idinku qaadatay inaad dalka Somaliland halkii ugu danbeysey immika ay ka hadhsan tahay wax yar oo cabbiro ah oo insha allaahu aan jecelahay inaan nabad iyo wanaag ku gaadhno xuduuda aynu la leenahay Soomaliya oo ah dal aynu walaalo nahay.” Waran-cade waxa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaan aad iyo aad idiinku bogaadinayaa sida aad u fahansantihiin masuuliyadda ballaadhan ee aad u haysaan dalkiina waxaa jira oo runtii dadku aanu aqoonin qiimaha ninka askarigi leeyahay in yar mooyee askarigu waxaa weeyey ninka ugu qiimaha badan bulsahda,waayo nin kastoo bulshada ka tirsani wuxuu ka masuul yahay oo uu ilaaliyaa in yar oo qoyskiisa ka mid ah oo uu ka ilaaliyaa dhibka, Laakiin idinku waxaad ugudatateen dalka intaas leeg iyo ummadda intaas leeg inaad ka ilaalisaan khatarta. xumaanta, cadowga iyo dawlddanimada Somaliland waa masuuliyad ballaadhan oo qiimo leh
.” Sidoo kale waxaa uu ka hadlay wasiir warancadde inuu ka soo bilaabay askarinimo “Anigu askari baan ka bilaabay shaqadaydii ugu horreysay waan aqaanaa sida niyadda askarigu uga duwan yahay dadka kale waa ninka ugu farxadda badan leh askarigu waa lagayaabaa inuusan helin nolosha baahideeda badan helin laakiin wuxuu ku faraxsan yahay inuu dadka ilaaliyo oo isagu ilaaliye yahay oo lagu seexdo oo wuxuu u yaqaanaa dadku inay yihiin caruurtiisii iyo ummaddiisii taasaa keentay inaad dhaxanta u adkaysataan, kulaylka, qabowga iyo mararka qaarkood hadday gaado xabbad cadowga oo qaar badani Allaha u naxariistee ay ku shahiideen iyagoo ilaalinaya nolosha ummaddooda iyo qaranimadda dalkooda.” Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay u mahad-celinayaan ciidamada, waxaanu yidhi, “Waxaan kaloo idiinka mahad celinayaa muddo dheer oo ay dalka ka jirtay dhibaatooyin badan oo aad dalkiina xuduudiisa u ilaalinayseen muddo dheer,sida ay idiinka mahadsheegtaan shacabka reer Soomaaliland ee aagagan degan oo idinku sifeeya ciidamo idinkuma sifeeyaanee waxay idinku sifeeyaan inaad tihiin safiiro Somaliland ah. Inaad tihiin kuwo cadowga ku adag shacabkoodana u dabacsan,oo timirta,biyaha bariiska,dawada,xanaanada iyo hadday wax dhacaan gurmadka intaba ay qireen shacabka kunool Sool , Sanaag iyo meelo kale oo badan oo aan maray.”
xogreebnews.com Hargaysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured