Xoriyaddu ma ahaa in Dalka Qas la galiyo, Hassan Maal–

0
Monday January 20, 2014 - 19:26:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoriyaddu ma ahaa in Dalka Qas la galiyo, Hassan Maal–

    Waxa aaney laba Cali iyo saddex-toona ku wada murmeyn xaqa uu qof walba u leeyahey sidii uu u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aaney laba Cali iyo saddex-toona ku wada murmeyn xaqa uu qof walba u leeyahey sidii uu u sheegi lahaa ra'yigiisa iyo fikirkiisa uu ka qabo arrin guud oo markaa taagan ama la filayo mustaqbalka dhaw ama ka fogba, waxa aan se xoriyadda iyo domoqiraadiyaddu aaney qofna ka yeeleyn wixii xadka dhaafsan ee aflagaadada iyo ceebeynta bilaa daliilka ah ee lagula kaco madaxda sare ee qaranku ka mid tahey.
Xoriyatal qawlka wadama aan haysanin wey burburaan:
Hadii aaney jirteen xoriyatal-qawlka aynu haysanaa waxynu ku noolaan laheyn habkii xumaa ee cabsida iyo sirta badnaa ee fariimaha la isugu gudbin jirey xiligii dawladii Afweyne ee ay SNM ridey oo laga yaabo in maanta dadka inta badani aaney garaneynin. Fariimaha iyo firkradaha sida sirta ah bulshadu isugu dirtaa marka laga baqanayo dawladaha aan ku dhaqmin dimoqiraadiyadu waxay ugu danbeynta dadka iyo dalkaba ka tuuraan meel daran oo aaney ka soo waaqsan karin waxaana tusaale wanaagsan ah dalalka carabta ee ku jira guga rasaata iyo ilmadu ka hooreyso ku jira sida Suuriya, Liibiya, Ciraaq, Tuunis iyo Masar.Waxaynu dalkeena ku dhex haysanaa xoriyad aan inagu cusbeyn oo soo jirtey ilaa sagaashanaadkii, waxaana uu qof walba fikradiisa ku sheegi karaa habka uu doono kii oo aan cid kale wax yeelin, waxaana xoriyaddaa inoo qiraya distoorkeena, waana xaqiiq aynu ku nool nahey oo aan cidina dafiri karin.

Qof walba waa in lagula xisaabtamaa ra'yiga uu bulshada u soo gudbiyo:
Albaabada xoriyadda Somailand waxay u furanyihiin saxaafadda iyo warbaahinta kala duwan.
Qof kasta waxa uu sheegi karaa waxa uu doono ee aan ka baxsaneyn dhaqanka, aadaabta iyo anshaxa u yaala warbaahinta dalkeena. Waxa lagaa ilaalinayaa in aan fikradaadu sanka ka jiidhin xoriyadda qof kale si adigana aan laguu waxyeeleyn oo la isu wada xaq dhowro.
Waxa hore loo yidhi hadalku inta uu Afkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahey, sidaa awgeed waa in laga fiirsadaa hadalka iyo qoraalada intaan loo soo gudbin ummadda waana in qof walba xamilaa wixii kaga soo noqda warka beenta ah ee uu baahiyo.Ceebeynta madaxda qaranka ee aan cadeynta lahaynin waa fariin sheydaan oo lagugu qoolayo: Dad baa si badheedh ah u diidan in ay wax dabar iyo xanaf-ka-saar ah u yeelaan qoraaladooda hadaladooda. Sida ay doonan bay wax u qoraan ama se u hadlaan iyaga oo cidda ay doonaan cirka amaan ku geeya kuwa ay doonaana mariya burushkii lahaa bahalkii magaca xumaa.
Masuulka ay doonaan bay masabidaan, waxayna u ridaan dhan walba iyo dhinacii farta loogu fiiqo iyaga oo aan waxba xeerin, taas oo aan qofna laga yeeleyn si aynu dadkeena iswada jecel uuga
dhowrno in ay kala shakiyaan.
Waxa la ogaadey in marka aay madaxda dalkaagu magac iyo haybabadi u koradhaba in muwaadiniintana gudo iyo debedba ay sameyn weyn ku yeelato oo ay wada farxaan. Marka la doonayo in dal la wax yeeleeyo waxa marka hore la ceebeeyaa madaxda ay doortaan, sidaa awgeed, ha la dhawro sharafta madaxda qaranka iyo dadka bir-ma-geydada ah sida, madaxda beelaha, caarka ama marwooyinka iyo wixii kale ee saameynaya sirta iyo amaanka guud ee dalkeena quruxda badan ee Somaliland.

Cayda iyo ceebeynta aan cadaynta laheyn ee madaxda dawladda iyo laamaha qaranka laguma tilmaaami karo xoriyad, laakiin waa qas iyo xaalad abuur; waa fariimo sheydaan oo laga yaabo in lagu doonayo in lagu dumiyo qarankan aad naftiina, maalkiina iyo cimrigiiniiba aad u soo hurteen ee ay hada soo dhawaatey goosashada midhihii aad beerateen.
Mucaaridku waa in uu shaqadiisa qabsado oo aaney xukuumadda ku qabsan shaqadeeda:
Xoriyad kasta oo aan lala xisaabtamini waxay abuurtaa (fawdo) ama qas iyo qalaanqal. Dawladaha soo jireenka ah ee ku gaamurey dimoqiraadiyadda ayaa ka maarmi waayey in ay sameystaan sharci ay ku ilaalishaan oo ay ku dabraan xoryadooda waxayna cadeeyaan ciqaabta la marinayo qof kasta oo ka baxa xadkiisa, si loo wada dhowro nidaamka guud iyo wada noolaashaha bulshada.
Masuuliyadda xoriyaddu waxay ina bareysaa, in marka ay (ishaaradu) casaato aynu is taagno. Waxay kale oo ay in bareysaa in xusbiyadda muaaridku ay xukuumadda ku dhaliilaan markey xukuumaddu shaqadeeda qabsan weydo sida biyaha iyo nabadgelyo ku maamulka mudaharaadada dadka lagu dilo. Waa in aan se xusbiyada mucaaridku ku qabsan xukuumadda shaqadeeda sida wadahadalada aynu la leenahey Somalia oo ah hawl ay xukuumadda la doortey leedahey.
Waxa kala jira xuquuq iyo waajibaad dadku ay xoriyadda ku leeyihiin:Waxa kale oo ay xoriyaddu ina bareysaa, in aynaan galin guryaha dadka ka hor intaan la inoo fasaxin. Waxay masuuliyada qof walba saarani faraysaa in aynu garano waxaynu xoriyadda xaq uugu leenahey iyo waxa qof walba waajib loogu leeyahey, taas oo fulinteedu ay khasab qof walba ku tahey, si sharciga loogu wada sinaado.Kaftanka iyo hadalada la isla dhex qaado warbaahintu waa qayb loo baahanyahey oo ka mid ah xoriyadda dadka, laakiin hadii ay dar jiidho oo ay xadkeeda ka baxdo waa in aad xamishaa wixii sharciga kaaga soo baxa.Waa in aad ogaataan in dawladaha reer Yurub ee qarniyada badan haysatey dimoqiraadiyaddu aaney qofna ka yeelin in uu ka baxo masuuliyadda ka saaran ilaalinta xoriyadda dadka kale, sidaa awgeed, qof kasta oo qaan gaadh ah oo miyir qaba, waxa hor yaala marka uu qaldamo sharciga dalka. Qofkii moodaya in uu dadka wax dheeryahey oo aanuu sharcigu qabaneyn ha tago kalidii meel cidla ah oo ha ka dhisto taalo dhalanteed ah oo uu ku xuso islaweynidiisa aan loo ogeyn. Waxaan ogahey in dadka reer Somaliland ay 95% yihiin dad sharciga iyo nidaamka dalka u hogaansan waxaana ka markhaatiya caalamka dalkeena u bixiyey mucjisada AFrica ugudanbeyntiina, waxaanan sanadkan idiin rajeynayaa shidaalkii oo soo baxa iyo dalkeena oo haela aqoonsiga caalamigii aynu sugeyney mudada dheer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured