ftida Shacbiga Ee uu ku Dhawaaqay WASIIR BIIXI, Waa mid ka Turjumaysa Tira Koobkii UN-ku ku Sheegeen in Boosaaso ka Dad Badan Tahay Hargeysa Macnuhuna waa MIDNIMO.
Istanbul(xogreebnews.com-Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii u horeysay waxa uu Shaki iyo mad-madow geliyey gooni-isu-taaga iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaaday Aftidii Shacbiga Somaliland ku go’aansadeen la soo noqoshada Dawlad-nimadooda.
Sidaana Wasiirku waxa uu ku sheegay Wareysi uu siiyey Warbaahinta Caalamka waqti uu ku sugnaa Magaalada Istanbul dalka Turkey-ga, halkaasoo uu joogo Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi; “..Wey dhici kartaa [Afti Dadweyne] siday u eg-tahay, Caalamkuna siduu ku kala baxaa waxa weeye dadka talada goostay ee masiirkoodii gooyey in la weydiiyo waxay doonayaan, waxaanan filayaa inat taasi [Afti] iman doonto haddii Walaalnimada iyo wanaaga aanu wax ku wadno isla fahmi weyno in Caalamku na soo dhex galo oo sida Dunida Wadamada kala tegaya oo kuwii ugu horeeyeyna noqon mayno, kuwii ugu dambeeyeyna noqon mayno sida aad sheegtay Afti Dadweyne in la qaado ama qorsheyaal kale oo lagu kala baxo la sameeyo..”.
Hadalkan Wasiirka u qarsoonaa ee dhawaaqihiisa ilaahay kasoo saaray waxa uu si toos ah uga hor-imanaya Aftidii Dadweynaha reer Somaliland u codeeyeen 2001-dii taasoo natiijadii kasoo baxday ahayd mid boqolkiiba todoba iyo Sagaashan (97%) Shacbigu ku go’aansaday Madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland, hase-ahaatee waxa tallaabadani ay banaanka soo dhigtay tuhuno badan oo hore loogu xidhiidhinayey mawqifka Madaxweyne Siilaanyo ee ku aadan Madax-bannaanida Somaliland, kuwaasoo qaarkood lagu sheegay qoraal uu Axmed Siilaanyo u diray Golaha Amaanka, kaasoo uu ku qeexay asbaabaha lagu mideyn karo Somaliland iyo Soomaaliya, sida in la dhiso Dawlad Faderaal ah oo ka kooban Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne awoodahooga la isu dheelitiray. Waxa kale, oo Dadweyne tiro badani walaac ka qabeen saameynta uu Mustaqbalka ku yeelan doono Somaliland go’aamada iyo ajendihii laga lahaa kulankii Madaxweyne Siilaanyo 16thJanuary, 2010 uu la qaatay Donald Payne waqtigaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda Baarlamaanka Mareykanka, oo isagu si weyn ugu ololeeya midnimada Somaliya. Kulanka Donald Payne iyo Siilaanyo waxa dad badani rumaysan yihiin inuu ahaa madashii u horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo lagu aqbalsiiyey inuu wada-hadal u furo Somaliland iyo Soomaaliya, taa bedelkeeda uu Xildhibaan Donald Payne u balan-qaaday in Dawlada Mareykan kala shaqeyn doonto sidii uu hoggaanka dalka ugu guuleysan lahaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo waqtigaa ahaa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Wada-hadaladaas oo maxsuulkoodu ahaa mid dabada ku haya sida Maanta muuqata in Shaki, mad-madow iyo mugdi la geliyo madax-bannaanida Jamhuuriyada, kadibna inta la iska indha tiro Aftida Dadweynaha oo isagu ka turjumayey rabitaanka bulshada wada-hadalada lagu soo ururiyo in Shacbiga laga qaado Afti dambe oo aan maxsuulkeeda la garan Karin waxa uu noqon doono. Geesta kale Aftida Shacbiga ee uu ku baaqay Wasiir Maxamed Biixi tiroobkii Golaha Amaanku ku sheegay in Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ka dad badan tahay Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, taasoo macnaheedu yahay in Caalamka Sawir khaldan laga siiyo tiro-koobka Shacbiga reer Somaliland, si tira-koobkaa khaldan loogu meel mariyo Aftida Riyada ah ee la damacsan yahay in mugdi lagu gelinayo Dawlad-nimada Somaliland, markay soo oodmaan Wada-hadalada gacmo daaliska ahi soo oodmaan. Dhinaca kale, arimahan hadda soo shaac-baxay, waxay marag u yihiin sida Siyaasiyiinta Siilaanyo hormoodka u yahay aanay weligood u aaminsanayn goon-isu-taaga Jamhuuriyada Somaliland tan iyo intii ka dambeysay 1991-kii, waqtigaasoo ahayd markii Somaliland dib uga la soo noqotay Dawlad-nimadeedii, kadib midowgii riyada ahaa ee ay la gashay Gobolkii Koonfureed ee Talyaanigu gumeysan jiray, hase ahaatee ay waayeen meel ay rabitaanka bulshada ka dhaafaan, balse waxa hubaal ah in Nin kastoo wax is bidaa uu isagu quusan doono, Qarankuna la xisaabtami doono, madax-bannaanida Somaliland-na uu yahay go’aan umadeed aan gorgortan geli Karin. Yool Leave a comment |
|
ftida Shacbiga Ee uu ku Dhawaaqay WASIIR BIIXI, Waa mid ka Turjumaysa Tira Koobkii UN-ku ku Sheegeen in Boosaaso ka Dad Badan Tahay Hargeysa Macnuhuna waa MIDNIMO.
Istanbul(xogreebnews.com-Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa markii u horeysay waxa uu Shaki iyo mad-madow geliyey gooni-isu-taaga iyo madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalena waxa uu waxba kama jiraan kas