Beesha Sacad Muuse Kulmiye Wuxu Ku Noqdey Libaax Laba Raqood Halaga Kiciyo Siilaanyana Wuxu U Badheedhay inuu Beeniyo Cahdigii uu Galey

0
Friday January 17, 2014 - 20:36:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Sacad Muuse Kulmiye Wuxu Ku Noqdey Libaax Laba Raqood Halaga Kiciyo Siilaanyana Wuxu U Badheedhay inuu Beeniyo Cahdigii uu Galey

    Marka hore, waxaan halkan ka salaamayaa dhamaanba bahda hadhwanaagnews iyo akhrisatayaasha qiimaha leh ee Bulshada Somaliland, inkastoo aanan maalmahan ka hadal qormooyinka aan inta badan kaga hadli jirey hadba wacyiga taagan, gaar ahaana Xukuumada i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore, waxaan halkan ka salaamayaa dhamaanba bahda hadhwanaagnews iyo akhrisatayaasha qiimaha leh ee Bulshada Somaliland, inkastoo aanan maalmahan ka hadal qormooyinka aan inta badan kaga hadli jirey hadba wacyiga taagan, gaar ahaana Xukuumada iyo Marka hore, waxaan halkan ka salaamayaa dhamaanba bahda hadhwanaagnews iyo akhrisatayaasha qiimaha leh ee Bulshada Somaliland, inkastoo aanan maalmahan ka hadal qormooyinka aan inta badan kaga hadli jirey hadba wacyiga taagan, gaar ahaana Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ee aan kamidka ahey taageerayaashiisa, waxaan qormadan kaga hadlayaa mowduucyada lasoo darsey Xisbiga Kulmiye maalmihii u dambeeyay kuwaas oo ah arimihii xambaarooyinka waaweyn ku ah Kulmiye, oo aan cidi isweydiin Karin in ay ka lib helayaan Xisbiyada Mucaaridka ah maxaa yeelay? Madexweyne Siilaanyo beelaha codka aqlabiyada ah siiyay Mey dooran mar kaliya haseyeeshee, waxey doorteen laba jeer markii uu soo baxey ee uu kursiga ku guuleystey iyo markii hore,ee la lahaa sideetan cod ayaa lagaga badiyay, ninkii hasha cilinkeeda saari waayey wuxu yidhi hashu maankeygii gadee ma maansaar bay liqdey kalidey ma aha yaabkani iyo yaabkiisa taagani waa mid ay igala siman yihiin Habarmagaadle oo dhami maxaa yeelay, waxa la wada ogaa Siilaanyo oo wareejiyay Xisbigii Kulmiye inta uu Madexweynaha yahey haku lahaado masraxiyad iyo talo waayeel laakiin, waxa xaaraan maqdac ah in uu Gudiyadan la sheegayo faragalinta intaa leeg kuyeesho, taas oo noqoneysa gunimo aan Siilaanyo laga fileyn, waxey aheyd in uu maanta ku calool adeygo hadey bada kula dhacayaan in uu u daayo Ragii uu talada Xisbiga ku wareejiyay, waxaanay taasi la macno tahey in aanu Muuse Biixi dhib gaadhsiineyn oo aanu waxba u diideyn haseyeeshee, waxa ay xaqiiqdu ku arooreysaa in aanu Madexweynuhu u ogoleyn Beelihii taageerada iyo codka badan siiyay ee kursiga ku fadhiisiyey,sida Beesha(Sacad-Muuse) in ay u madax banaanaato Hogaaminta Kulmiye oo cahdi lagula galey, iyo waliba beelaha Habarmagaado oo dhami in ay la wareegaan arimaha Xisbiga Kulmiye, iyo talada dalkaba, marka damaciisan loo eego xiligan.

Hadaba anigoo soo gunaanadaya nuxurka qoraalkan, waxaan leeyahey Siilaanyo waa Madexweynihii dalka Somaliland, waxa uu ku asturan yahey umad wadajirta iyo Shacbiga Kulmiye ku siiyey taageeradooda codkii uu kusoo baxey, waxa hubaal ah in uu qaawanaan doono oo ay marada sharafta iyo karaamada leh ee uu huwan yahey ka dhici doonto hadaanu u sinaan shacbigiisa oo uu mar walba ku koobnaado oo qaato talada beeshiisa ee is rogrogaysa iyo khiyaamada badan, Sikastaba aha ahaatee waxa hada muuqda waxyaabo badan oo daaha ka feydaya in Madexweynuhu u badheedhay, arin aan qeydka laga furi doonin godabta laga xambaarto iyadoo, ay hadaba jirto in aaminaad dambe cidna ka suurtoobin in ay la qaadato Siilaanyo iyo Beeshiisa Midna.
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland Tell:4466339




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured