Sifir Iyo M. Kaahin Oo Muuse Biixi Ka Baajiyey Shir Jaraa’id Oo Uu Damacsanaa Inuu Kaga Hadlo Mawqifka Madaxtooyada Ee Xiliga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Kulmiye
Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya Maxamuud Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya Maxamuud Cabdilaahi Sifir ayaa shalay galinkii hore Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ka baajiyey inuu qabto shir-jaraa’id oo uu damacsanaa inuu kaga hadlo mawqifkiisa dib u dhaca shirwaynaha 3-aad ee xisbiga Kulmiye ee la filayey inuu qabsoomo dabayaaqada bishan January oo markii 4-aad u muuqda inuu dib u dhac ku yimaado.
Muuse Biixi ayaa sida dad ku dhaw-dhawi ay sheegeen damacsanaa inuu ku soo bandhigo shirkaa jaraa’id sida uu arko hadalkii ka soo yeedhay madaxwayne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo iyagu aragtiyo isku mid ah ka bixiyey qabsoomid shirwaynahaas oo ay sheegeen inaanu suurta-gal ahayn inuu ku qabsoomo wakhtigii loogu talo-galay, iyaga oo ku sababeeyey wakhtigii oo dhaw iyo hawsha qaban-qaabadiisa oo aad u baaxad wayn. Sida ay xogaha laga helay arintaasi tibaaxeen Guddoomiye Muuse oo isaga ay warbaahintu ugu tagtay huteelka Guuleedka ee magaaladda Hargeysa ayaa markii ay ka codsadeen Maxamed Kaahin oo ay saaxiib isku dhaw yihiin iyo oday Sifir oo isaga la sheegay inuu ergo ahaa ayaa ka dalbaday inaanu la hadlin warbaahinta, kuwaas oo aakhirkii Muuse Biixi ku qanciyey inuu dib u dhigo shirkiisa jaraa’id, waxaana markii danbe wariye-yaashii huteelka la joogay uu u sheegay inuu wakhti kale ka hadli doono xiisada xukuumadda iyo xisbigeeda ka dhextaagan. Sidoo kale ilo wareedo mihiim ah ayaa sheegay inay hogaanka Kulmiye ay madaxwayne Axmed Siilaanyo u direen qoraal ay kaga hadlayaan muranka labada garab u qaybiyey xisbigaasi ee sababay inay qabsan kari waayaan shirwaynahoodii 3-aad, walow aanu jirin war rasmi ah oo qoraalkaasi ku saabsan oo ka soo baxay Kulmiye iyo madaxtooyada-ba. Dhinaca kale khilaafka ka dhex taagnaa mudooyinkii u danbeeyey Kulmiye iyo xukuumadooda ayaa sababay in habeen hore uu madaxwayne Siilaanyo magacaabo guddi nus-danbeed ah oo uu ugu talo-galay turxaan bixinta muranka wakhtigan ka dhex taagan hogaanka Kulmiye ee sababtay in shirwaynahoodii 3-aad uu markii 4-aad dib u dhac ku yimid. Source Haatuf Leave a comment |
|
Sifir Iyo M. Kaahin Oo Muuse Biixi Ka Baajiyey Shir Jaraa’id Oo Uu Damacsanaa Inuu Kaga Hadlo Mawqifka Madaxtooyada Ee Xiliga Uu Qabsoomayo Shirwaynaha Kulmiye
Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya Maxamuud