Maxay Ku Qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya..Q.5aad

0
Wednesday January 15, 2014 - 21:29:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ku Qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya..Q.5aad

    Maxay Ku Qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya..Q.5aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Ku Qotontaa Dhex-dhexaadinta Turkiga ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya..Q.5aad Hadaan qormadii hore halkii ka sii amba qaado,waxaa inoo iftiintay inay aragtiyaha labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland aad u kala fog-yahiin oo aan odhan karo waa kaaf iyo kala dheeri.
Hadaba waxa is-waydiin mudan maxaa dawlada Jamhuuriyada Somaliland ee uu hogaanka ka yahay Madaxweyne Axmed-Siiraanyo ku qasbaaya inay fuliso himilada reer galbeedka ee Turkiga loo soo xambaariyay,kuna arooraysa midnimada Soomaaliya. Jawaabta waxa aan u dhaafayaa shacabka JSL.

Aan xasuusta dib u yara celiyo,dawladahii ka horeeyay xukuumadan Axmed-siiraanyo marnaba kamay baydhin go?aankii shacabka ee gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland ayadooy weliba reer galbeedku ku qasbi jirtay inay Soomaaliya la yeeshaan wada hadalo oo erayada ay adeegsan jireen ahaa(Aqoonsigiinu waxa uu ku xidhan-yahay Soomaaliya ee wada hadla).Markaa xukuumada Axmed-siiraanyo waxay indho isku qabad ku jiidhay mawqifkii ay xukuumadahii ka horeeyay ku adkaayeen,kadib-na ay xeer u ogolaanaya wada hadalada Soomaaliya ka ansixisatay golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland.Talaabadaa qaldan ee golaha wakiiladu duuduubka ugu ansixiyeen oo ka mid noqday qaladaadka dhabarka ka jebiyay isu dheeli-tirka 3da awoodood ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa u sahashay xukuumada Axmed-siiraanyo inay si qorshe la?aan ah ugu deg-degto wada hadalada Soomaaliya,tani ayaa dhinaca Somaliland ku keentay inay fuliso uun himiladii ay reer galbeedku ka lahaayeen Soomaaliya.Waxaanad moodaa inuu halkaa ku marin habaabay oo mad-maw galay rabitaankii shacabka Jamhuuriyada Somaliland ee ahaa in miiska lala tago madax banaanida dalkan JSL.
Tan iyo intay xukuumada Axmed-siiraanyo isteerinka u leexisay inay la hadasho Soomaaliya waxay si dad-ban u aqbashay inay qayb ka noqoto mashruuca raadinta in la helo midnimada Soomaaliya markay miis la fadhiisatay dawladii ku meel gaadh-ka ahayd ee waqtigaa ka talinaysay dalka Soomaaliya.Balse xukuumada Axmed-siiraanyo marnaba umay cadayn shacabka Jamhuuriyada Somaliland halkuu dalku u dhaawacan-yahay oo ah aqoonsi laga codsado walaala-heena Soomaaliya inay miiska gaysay.Waxaynu la soconaa shirarkii ilaa hada ay xukuumada Axmed-siiraanyo la gashay Soomaaliya inaan marnaba la soo qaadin aqoonsi ay labada iswaydaar-sadaan.
Arrinta keli ah ee ay xukuumada Axmed-siiraanyo u sheegto shacabka tahay(Si wayn ayaa naloo soo dhoweeyay,horumar ayaa ka soo baxay shirkii).Waxa intaa soo raaca qodobo ku aroora wax wada lahaan-shaha 2da dal oo ay ka mid tahay:
1.Hawada in 2da dal wada maamushaan.
2.Mucaawi-nooyinka inay qaybta J.Somaliland gaar u ahaato.
Qodobka hore waxa uu tilmaamayaa ku sii siqida ay J.Somaliland ka mid noqon karto federaalka Soomaaliya.Qodobka 2aad-na isna waxa uu muujinayaa surma seegtada lala gaadaayo J.Somaliland inay dib ugu laabato federaalka Soomaaliya.Markaynu ka duulo 2dan qodob iyo san-saanka ay xukuumada Axmed-siiraanyo ku tegtay shirarkii hore waxa muuqanaya inay jiraan wax-yaabo ay xukuumadu daah saarayso oo ay ka qarinayso shacabka J.Somaliland,waana arrinta ka dhawaajisay xisbiyada mucaarika ah ee shakiga keentay.
La Soco?..
Xuseen xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured