Hargeysa: Dalladda Dhalinyaradda S/Land Ee Sonyo Oo Maayarka Cusub Ee Caasimadda Loo Doortey Ku Bogaadiyey Xilka Loo Igmaday, Baaqna U Diray Dhalinyarada Dalka

0
Monday April 15, 2013 - 19:03:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Dalladda Dhalinyaradda S/Land Ee Sonyo Oo Maayarka Cusub Ee Caasimadda Loo Doortey Ku Bogaadiyey Xilka Loo Igmaday, Baaqna U Diray Dhalinyarada Dalka

    “Hanashada Hogaanka Dalka Ee Dhalinyaradu Waa Talaabo Horumar Leh! Iyo Hiraalkii Sonyo Ee Mudada Dheer Iyo Midhaha Dadaalkii Dallada Dhalinyarada Heer Qaran”Guddoomiyaha Sonyo Mubaarik Taani Hargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Hanashada Hogaanka Dalka Ee Dhalinyaradu Waa Talaabo Horumar Leh! Iyo Hiraalkii Sonyo Ee Mudada Dheer Iyo Midhaha Dadaalkii Dallada Dhalinyarada Heer Qaran”Guddoomiyaha Sonyo Mubaarik Taani Hargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews- Hargeysa: Dalladda Dhalinyaradda S/Land Ee Sonyo Oo Maayarka Cusub Ee Caasimadda Loo Doortey Ku Bogaadiyey Xilka Loo Igmaday, Baaqna U Diray Dhalinyarada Dalka

“Hanashada Hogaanka Dalka Ee Dhalinyaradu Waa Talaabo Horumar Leh! Iyo Hiraalkii Sonyo Ee Mudada Dheer Iyo Midhaha Dadaalkii Dallada Dhalinyarada Heer Qaran”Guddoomiyaha Sonyo Mubaarik TaaniHargeysa, April 15, 2013 (xogreebnews- Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismaaciil Taani isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka Daladaas iyo ka dhalinyaradda dalkaba waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u diray Maayarka cusub ee Caasimadda shalay loo doortey C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ah duqii ugu da’da yaraa ee abid loo doorto Maayarka Magaaladda Hargeysa.Guddoomiyaha SONYO Mubaarik Taani waxa uu sidoo kale u rajeeyey Maayarka cusub ee Caasimadda dalka C/raxmaan Soltelco inuu Ilaahay u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, kaas oo xildhibaanada golaha deegaanka ee doortay Maayarka cusubna ku amaanay talaabada ay ku dhiiri-galiyeen in Maayar da’yari uu hogaamiyo Golahooda.Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uu sidoo kale dhalinyarada Somaliland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Maayarka dhalinyarada ah ee loo Cumaamaday Duqa Hargeysa, kaas oo ka codsaday in dhamaan Maayarada dhalinyarada ah eek u soo baxay doorashadii deegaanka oo dhan ay dhalinyarada Somaliland hiil iyo hooba la barbar istaagaan.Waxaana sidaas lagu sheegay Warsaxaafadeed kooban oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Heer Qaran ee SONYO Mubarak Ismaaciil Taani, kaas oo nuqul ka mid ah goor-dhawayd soo gaadhay Shabakada Caalamiga ah ee xogreebnews Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiranin waxa uu u dhignaa sidan:- “Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee SONYO oo matalaysa magaca dhalinyarada JSL oo dhan waxay soo dhawaynayaan, hambalyo iyo bogaadin diirana u dirayaan guddoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Caasimada JSL ee Hargeisa Mudane Abdirahman Maxamud Aidid (SOLTELCO) oo ay xubnaha Golaha Deegaanka Hargeisa si aqlabiyad ah ugu doorteen shalay in uu noqdo Duqa Caasimada JSL.Sidoo kale Dalladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ee SONYO Waxay Hambalyo taas la mid ah u dirayaan dhammaanba xubnaha Golaha Deegaanka Caasimada Hargeisa ee hal daba la’ ugu doortay Abdirahman Maxamuud Aidid (SOLTELCO) in uu ahaado Duqa cusub ee Caasimada Hargeisa, taas oo ka dhigaysa Abdirahman Maxamud Aidid Soltelco maayarkii ugu da’da yaraa ee abid u soo mara xilka Mayarnimo ee Caasimada dalka. Hanashada hogaanka dalka ee dhalinyaradu waa hankii iyo hiraalkii SONYO ee mudada dheer iyo midhaha dadaalkii Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO u gashay in dabarka sharci laga furo ka qayb galka dhalinyarada JSL ee dhinaca siyaasada si loo helo hogaan dhalinyaro oo dalkani yeesho. Waxaan u aragnaa doorashada aqlabiyada leh ee lagu doortay Gudoomiye Abdirahmaan Maxamuud Aidid (Soltelco) in ay sumad u tahay haybada iyo karaamada dhalinyaradu ku dhexleedahay golayaasha deegaanka ee la soo doortay iyo kaalinta haldoornimo ee ay kaga jiraan horumarinta deegaanada laga soo doortay, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Hargeisa, waana talaabo dhiirigalinaysa hanka iyo himilada dhalinyarada JSL si ay uga qayb galaan hogaanka dalkooda hooyo.Waxaanu Ilaahay uga baryaynaa Gudoomiyaha cusub ee Golaha Deegaanka Hargeisa Md Abdirahman Maxamuud Aidid (Soltelco) iyo ku xigeenkiisa Abdiaziz Maxamed Xaashi in uu u fududeeyo xilkaas culus ee ay u qaadeen dalkooda iyo bulshadooda. Dhammaan dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland waxaan ugu baaqaynaa in ay si buuxda u garab istaagaan dhalinyarada loo doortay hogaaminta deegaanadooda, gaar ahaan hogaanka cusub ee loo doortay Caasimada JSL, Mud. Abdirahman Maxamed Aidid, Duqa Caasimada Hargeysa iyo Ku xigeenkiisa Abdiaziz Maxamed Xaashi si ay u xaqiijiyaan hanka iyo himilada loo doortay”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured