Xukuumadda Oo Ergo U Dirtay Xamarje In Uu Ka Noqdo Iscasilaadiisii,Iyo Xamarje Oo Ku Gacan Saydhay Ergooyinka Ay Xukuumaddu U Soo Dirtay
Hargaysa(xogreebnews.com-Badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed X Cumar C/laahi (Xamarji) ayaa la sheegay in uu diiday Ergo ay xukuumaddu u soo dirtay, kuwaas oo doonayey in ay ku qanciyaan inuu ka laabto istiqaaladdii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gudbiyey.

Xamarji ayaa si toos ah u sheegay in aanu marnaba aqbalayn in uu ku noqdo xilkaasi, waxaana la sheegayaa in uu Ergada go’aankaas ku qanciyey isla markaana ay tiraba dhawr jeer isku kala bed bedeleen Ergooyin kale oo isla arrintaas uun ugu socday. Xukuumadda ayaa doonaysa in ay isku shaan-dhayn ku samayso Badhasaabyada taasoo ay suurtogal tahay qaarkood in ay meesha ka baxaan oo shaqada laga eryo, hase yeeshee lama hubo in Xamarji kuwaas ku jiray oo uu ka hor dagay istiqaalada markii uu ogaaday iyo inkale. Is-tiqaalada Xamarji ayaa ka dhalatay duufaanada Siyaasadeed ee xilligan u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiga Wadani, kuwaas oo aad moodo kuwo loo abaabulayo qaab qabiil. Sidoo kale, Kacdoonkii rabshadaha khasaaraha keenay watay ee Taliyihii Qaybta Booliiska ee la bedelay iyo xadhiga Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Hargeysa ayaa sababay in xaaladu sii cakiranto isla markaana Xamarji uu ka diday khatartooda. Si kasta, ha ahaatee Xamarji ayaa wali ku adkaysanaya Mawqifkiisa Istiqaalada waxaana laga yaabaa in aanu aqbalin Ergooyinka isku weydaaranaya. Leave a comment |
|
Xukuumadda Oo Ergo U Dirtay Xamarje In Uu Ka Noqdo Iscasilaadiisii,Iyo Xamarje Oo Ku Gacan Saydhay Ergooyinka Ay Xukuumaddu U Soo Dirtay
Hargaysa(xogreebnews.com-Badhasaabkii Gobolka Togdheer Axmed X Cumar C/laahi (Xamarji) ayaa la sheegay in uu diiday Ergo ay xukuumaddu u soo dirtay, kuwaas oo doonayey in ay ku qanciyaan inuu ka laabto istiqaaladdii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u gu