Wasiirka Duulista Oo Ku Hawlan Qorshe U Shaqada Kagaaga Joojinaayo Hay’adda Nasha Lana Doonaayo Shirkad Wiil U Adeer U Yahay.

0
Tuesday January 14, 2014 - 22:23:48 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista Oo Ku Hawlan Qorshe U Shaqada Kagaaga Joojinaayo Hay’adda Nasha Lana Doonaayo Shirkad Wiil U Adeer U Yahay.

    Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland maxamuud xaashi cabdi ayaa wadaa qorshe uu doonaayo in shaqaada kagaaga wareejiyo,shirkadda Nasha isla markaasna uu doonaayo,in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland maxamuud xaashi cabdi ayaa wadaa qorshe uu doonaayo in shaqaada kagaaga wareejiyo,shirkadda Nasha isla markaasna uu doonaayo,in

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland maxamuud xaashi cabdi ayaa wadaa qorshe uu doonaayo in shaqaada kagaaga wareejiyo,shirkadda Nasha isla markaasna uu doonaayo,in shirkad kale oo magaceeda lagu sheegay AL CARAABIYA oo u leeyahay wiil ay quffo hoose yihiin wasiirka.

Wasiir maxamuud xaashi ayaa hore lacago ugu guran jiray magaaca shirkada Nasha,asaago hadiiga lacagtaasi ay aad u badneyd,waxaanu marar badan wasiirku sheegi jiray in shiirkadaasi ay dalka wax weyn ka qaabato,lama garan kar sababta hadaa keentay in khilaaf ka dhex curto wasiirka ayaa la sheegay in u hadaa ku hawlan yahay,sidii u daaqada uga saari lahaa adeega ay qabaato hayada nasha,oo ka hawl geli jirtay madaarada dalka,ariintan ayaa haduu wasiirku ku dhaqaaqo noqon karto,mid waji-qabyaaladeed leh,isla markaana u wasiirku sheer ku leeyahay shirkada kale ee la yidhaahdo al-caraabiya,waxaana khal-khal geli doona adeegi ay qaban jirtay hayada Nasha.

Shirkada nasha ayuu wasiirka magaceeda ku guraan jiray lacago u magaacyo badan u xibiyay asaago marar badan ka hadlayna waxaa uu yidhii,

NASHA waxay qaaddaa adeeg madax bannaan oo ay samaysaa, tacaariifadna diyaaradaha imminka kaga qaaddo markay adeegga u samayso, baarlamaankuna ma ansixiyo oo waa adeeg madax bannaan oo ah heshiis ka dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo NASHA, annugana garsoor uun baannu ka nahay oo hadday imminka yidhaahdaan tacriifaddii baannu kordhinaynaa aannu diyaaradaha shandadaha kaga rogaynay, baarlamaanka laga ansixin maayo oo waa adeeg madaxbannaan. Awoodda ay shaqadan hadda ku hayso annagaa xukuumad ahaan siinnay NASHA, waxaanan u arkaynay adeeg madaxbannaan oo ay u qabanayaan shirkadaha diyaaradaha iyo rakaabka, annagaana awoodda u siinnay inay lacagtaas qaadaan.



Markaa arrintaas ku murmi maynee iyada oo sharci ah ayaannu Golaha Wakiillada keenaynaa si loo ansixiyo… Lacagtaas ($10 doollar) waxa qaadda hay’adda la yidhaa NASHA, waxana loo qorsheeyey inay ku maamusho daryeelka mishiinnada dhinaca ammaanka qaabilsan ee alaabooyinka rakaabka lagu baadho, markaa haddii mishiinnadaasi xumaadaan si aynu u soo iibsan karo kuwo cusub ayaa lacagtaas loo qaadaa, $10ka doollar ee dadka laga qaadana $2 doollar oo ka mid ah ayaa mishiinnadaas meel loo dhigaa,”. Aayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Hawada.

Shirkada n kale ayaa la sheegay in inaanka leh la yidhaahdo magaacisa cabdi salaam xaaji axmed oo wakiil ka ah shirkada al-caraabiya airline .

Wasiirka duulista ayaa ah shiikhsi daneeystee ah asaago wasiirka lacag faro badan ayaa uu wasiirka ku urursan jiray,lama garan karo sababta iyo halkeey iska khilaafeen wasiirka iyo shirkada Nasha.

Qalinkii

Cabdi khaaliq Cismaan Cartan

Hargeisa/Somaliland

Cabdikhaliq125@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured