Weriye maalintii shanaad u xidhan maayarka gabiley oo uu faalo ka bixiyey heeso guul wadayn ah oo wuu samaystay maayarku…………faalo mubaarik careef

0
Monday April 15, 2013 - 17:56:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye maalintii shanaad u xidhan maayarka gabiley oo uu faalo ka bixiyey heeso guul wadayn ah oo wuu samaystay maayarku…………faalo mubaarik careef

    faalo mubaarik careef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

faalo mubaarik careef Xaska dabada maan gelin,
Derejada ilhaamkiyo,
Hibadii dalaysneyd,
Uma dhiibin duudduub,
Weli Dalawadaydii,
Doobigeedi may dhimin,
Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay may dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”
Daalacan (Deelleeydii 2aad), Hadraawi, Muqdisho 11/12/1979kii,

Weriye cabdikariim maxamuud cadde (qaamuus) oo ah suxufi ka hawl gala gobolka gabiley ayaa ayaa maalintii shanaad u xidhan maayarka gebiley Shucayb Maxamed Muuse oo samaystay heeso guul wadayn ah oo lagu amaanayo kuwaas oo wuu faalo ka qoray suxufigan waxa kale oo wuu wax ka qoray khilaaf soo kala dhex galay maayarka iyo xoghaya dawlada hoose oo khilaaf xoogani soo kala dhex galay ka dib markii maayarku guursaday kuna amray xoghaya inuu bixiyo lacag aad farabadan oo loogu talo galay inuu ku aqal galo taas oo uu ka biyo diiday xoghayuhu halkaana ka bilaabay khilaafka labad dhinac Waxa kale oo uu wax ka qoray suxufigani oo jirtay in miisaniyadii golaha ku jirtay in la soo iibiyo cagaf wayn SHAYWAL wuxuuna soo iibiyey maayarku cagaf yar oo xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee gebilay ii xaqiijiyey in ay xumaatay hadaba faaladan wuu qoray weriye qaamuus oo ciwaankeedu ahaa (XILDHIBAAN AAN LUGAHA ISKU TAAGIN OO HADABA ISKU SACABO TUMAYA Hadaba suxufigan iftiimeyey xaqiiqooyin jira ayaa maayarku amray in xabsiga loo taxaabo loona xidho talaabadan maayar ee ay ku jirto digtaatooriyadu ayaa waxay ka turjumaysaa in aan isaga cidi waxba ka sheegi Karin maayar ayaa waxa kale oo uu kharash ku bixiyey in uu iibsado shabakad website ah loona balaadhiyo si isaga oo kaliya loogu guul wadeeyo waxayna tani niyad jab ku tahay bulshadii soo dooratay ee wax qabad ka sugaysay oo isagu isku cajabiyey sidii loogu guul wadayn lahaa waxayna tani u horseedi kartaa inuu iskaba ilaabo xilkii loo dhaariyey ee qarankan iyo gobolkaba Talaabadan uu kacay maayarku ayaa waxay ku xasuusinaysa qaabkii guul wadaynta ahaa ee kaligii teliyihii maxamed siyaad bare oo dadka ku amri jiray in ay qadaan heesaha ubaxa kacaan Waxaan kula talin lahaa maayar laguma dooran in aad is cajabiso ee waxa lagaag fadhiya in aad qarankan iyo bulshadan ku soo dooratay aad wax ugu qaban lahayd kuna dayato maayarkii kaa horeeyay marwo khadra xaaji gaydh oo waxqabad muuqda kaga tagtay gobolka ilahay ha ka abaal mariye waxaaan ka mid ka ahayd ka jecel wax qabad kaaga laakiin ku tusaya dhaliiishada


Mubaarik Careef
suxufi madax banaan
Mubaarikcareef@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured