Somaliland iyo Qaadhaan bixiyayaasha oo berri ku kulmaya Addis ababa Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiir dawlaha Maaliyadda oo ka qayb galaya

0
Monday April 15, 2013 - 08:14:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Qaadhaan bixiyayaasha oo berri ku kulmaya Addis ababa Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiir dawlaha Maaliyadda oo ka qayb galaya

    Hargeysa(xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa manta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa manta Somaliland iyo Qaadhaan bixiyayaasha oo berri ku kulmaya Addis ababaWasiirka Qorshaynta iyo Wasiir dawlaha Maaliyadda oo ka qayb galaya

Hargeysa(xogreebnews) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire iyo Wasiiru dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan C/laahi Saxardiid ayaa manta u dhoofaya Dalka Itoobiya caasimadiisa Addis ababa halkaas oo ay kaga qayb geli doonaan shir ay la yeelanayaan qaar ka mid ah dalalka Qaadhaan bixiyayaasha ah.Shirkan ayay labada dhinac kaga wada hadli doonaan Sanduuqa Horumarka ee ay Dalalkaasi Somaliland u sameeyeen ee ay ugu magac dareen Somaliland Trust Fund, kaasoo ay sanadkan soo marin doonaan wixii mucaawino ah ee ay Somaliland siinayaan.Sanduuqa Somaliland Trust Fund ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay Qadhaan bixiyayaashu ku soo ridaan mucaanidii ay horeSomaliland u siin jireen oo ahayd mid kooban, hase yeeshee qorshaha loo dajiyay waxa uu noqon doonaa mid Horumarineed oo wax ka tara baahiyaha Bulsho.Sida ku cad siyaasadda Miisaaniyadda Qaranka ee sanadkan dhaqaalaha Sanduuqan lagu soo rido waxa uu noqon doonaa mid toos u gala Dakhliga Dawladda isla markaana waxalagu darayaa Miisaaniyadda qaranka.“waa in Wasaaradda Qorshayntu soo gudbiso lacagta Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Trust Fund), si loo raaciyo Miisaaniyadda 2013.Sidoo kale, isla Siyaasadda Miisaaniyadda waxa lagu sheegay in Deeqaha Tooska ah iyo kuwa dadban-ba waxaay ka muuqan doonaan Miisaaniyadda “waa in deeqaha tooska ahee Caalamiga ah ee Dawladda la siiyo ay ka muuqdaan Miisaaniyadda Dawladda Dhexe. Sidoo kale, deeqaha Caalamiga ah ee dadban waa in lifaaq loo raaciyaa Miisaaniyaddaqaranka, si loo ogaado dhamaan Dakhliga dalka soo gala nooc kasta oo uu yahay.Dhinaca kale Wasiiradan oo uu wehelin doono Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ayaa shirka kadib u duuli doona Dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga biiri doonaan weftiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured