Xubnaha Ugu Awooda Badan Beesha Siilaanyo oo la Xidhiidhay Xasan-ka Somaliya si Qof Beeshooda uu u Siiyo BOOSKII Foosiya

0
Friday January 10, 2014 - 15:36:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha Ugu Awooda Badan Beesha Siilaanyo oo la Xidhiidhay Xasan-ka Somaliya si Qof Beeshooda uu u Siiyo BOOSKII Foosiya

    Hargeysa(xogreebnews.com)-Warar Wargeyska “Yool” ka helay ilo-diblumaasiyadeed, ayaa sheegaya in xubno ka kala tirsan Xukuumada iyo Golaha Guurtida Somaliland ay Madaxweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)-Warar Wargeyska “Yool” ka helay ilo-diblumaasiyadeed, ayaa sheegaya in xubno ka kala tirsan Xukuumada iyo Golaha Guurtida Somaliland ay Madaxweynaha Hargeysa(xogreebnews.com)-Warar Wargeyska “Yool” ka helay ilo-diblumaasiyadeed, ayaa sheegaya in xubno ka kala tirsan Xukuumada iyo Golaha Guurtida Somaliland ay Madaxweynaha Dawlada Faderaalka Somaliya ka dalbadeen inuu Jagada Ra’iisal-ku-xigeenka loo magacaabo Md. Jaamac Axmed Maxamuud (Oday), taa haddii la waayo bedelkeeda ay ka bixi doonaan dhabaha Wada-hadalada ee u socda labada dal.
Waxa kale oo iluhu tibaaxeen in labada dhinac oo ku wada xidhiidhayey Khadka Telefoonka, iyagoo adeegsanayey Telefoono gaar ah, balse waxa iluhu ka gaabsadeen inay nooca Telefoonadaasi ahaayeen, waxanay intaa ku dareen in bilowga xidhiidhka wada-hadaladu ahaayeen kuwo ka yimi dhinaca Xukuumada Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan, inkastoo sida xogaha lagu sheegay markii dambe arinta dalabka Jagada Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenka uu soo galay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).


Labadan masuul oo Wargeysku isku dayey inuu xidhiidh la sameeyo, si uu arintaa wax uga weydiiyo, ayaa haba-yaraatee aan suurtogelin. Hase-yeeshee, Warar dhinacyo kala duwan aanu ka helnay, kuna saabsan xubnaha loollanka ugu jira buuxinta jagada Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenka Dawlada Fadeeralka Somaliya, ayaa sheegaya in Masuulka taageerada ka helaya Somaliland Jaamac Oday uu hadda yahay kan ugu rajada badan inuu qabto jagadaa, waxana wararku sheegayaan in tacliintiisa oo heerkii la rabay aan gaadhsiisnayn awgeed, la filayo in xilka Ra’iisal Wasaare-ku-xigeenka loogu ladho Wasiirka Warfaafinta.
Jaamac Axmed Maxamuud waxa uu Saaxada Siyaasada kusoo baxay 2010-kii markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegay, waqtigaasoo loo magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada, hase-yeeshee Md. Oday waxa uu xagada iska casilay badhtamihii 2012-kii, isagoo istiqaaladiisa xiligaa ku sababeeyey inay ku kelliftay inuu Waxbarasho dalka debadiisa u aadayo.
Is casilaada Oday oo xiligaa laga bixiyey aragtiyo kala duwan oo qaarkood sheegayeen inuu Madaxweyne Siilaanyo siiyey masuulkan lacag Cadaan ah oo masuulka xilka ka tegay ku fasiray ujeedada loo siiyey ahayd Sahaysiin la xidhiidha arimo Waxbarasho, balse markii dambe lagu war helay Ninkii Tacliinta u baxay inuu Xamar ka degay, kana mid yahay ergaydii Beesha Madaxweyne Siilaanyo ku metelayey Shirweynihii Beelaha Somaliya ee lagu soo dhisay Xukuumada Muqdisho, waxanu noqday ka mid ah Baarlamaanka Somaliya, markii Dawlada Faderaalka la dhisayna waxa uu Xukuumadii Ra’iisal Wasaare Saacid Wasiir ku xigeen.
Tan iyo intii ka dambeysay 18-kii May, 1991, waqtigaasoo ahayd markii Jamhuuriyada Curdinka ee Somaliland dib uga curatay dhulkii hore uga tirsanaa Maxmiyadii Boqortooyada Ingiriisku xukumi jirtay ee Somaliland Protectorate, hase-ahaatee ay madax-bannaanideeda ka qaatay 26 June 1960, taasoo markii dambe ku luntay midowga riyada ahaa ee ay la gashay Gobolkii Konfureed ee Talyaanigu gumaysan jiray.
Inkastoo maamuladii hoggaanka dalka usoo kala dambeeyey ku guuldareysteen inay hal dal oo Caalamka ka tirsan ku qanciyaan aqoonsiga Somaliland, balse hadana waxaan la dafirin Karin oo ay ku guuleysteen Saddex Xukuumadood ee ka horeeyey Madaxweyne Siilaanyo waxay Somaliland ka badbaadiyaan inay la mid noqoto qeybihii kale ee ay hore uga tirsanaayeen wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Somaliya, waxanay suurtogeliyeen inay nabad ku wada noolaadaan beelihii Shalay Colaadu ka dhexaysay, sidoo kale waxay abuureen haykal dawladeed.
Suurtogalnimada arimahan ayaa dadka Siyaasada faaqidaa, waxa ay fasireen inay kow ka ahayd Maamuladii hoggaanka Somaliland soo qabtay oo iyagu dalkooda Hangool faraaro kaga qabtay in Siyaasad dibadeed soo dhex gasho, isla markaana ay gudahooda ku xaliyaan wixii mushkilad ah eek u yimaada. Waxa kale oo la sheegayaa inay saldhig u tahay xasiloonida Somaliland arimaha Somaliya oo ay Geed iska xidheen Xukuumadihii hore.
inkastoo marka taariikhda dib loo raaco bulshada reer Somaliland Xukuumada talada haysa oo ah hoggaankii afraad ee talada qabta, waxa intooda badani ka filayeen inay dalka gaadhsiiyaan wax-qabad dhinacyo badan leh iyo horumar dhaqan-dhqaale, maadaama Xukuumadihii hore ay dalka ka hirgeliyeen Nabadgelyo, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo hirgelinta hanaanta Xisbiyada iyo Doorashooyinka, hase-yeeshee, marka la eego xaalada dalku Maanta taagan yahay, waxa hubaal tacabkaa iyo dedaalkaas oo dhami uu noqday ‘hal bacaad lagu lisay’.
Siyaasada Somaliland ee Arimaha Debada oo kusoo ururtay heshiisyo Ganacsi oo la Saxeexdo Sharaa’ig iyo Maal-qabeeno, isku millanka Somaliland, taasoo aynu ku weynay dalal jaal la ahaa iyo taageerayaal badan oo Somaliland Saaxiib la ahaa iyo Somaliya oo isna meesha ka saaray hadafkii iyo himiladii bulshadu ku naaloonaysay 20-ka Sanadood, uguna soo soo dhabar adaygayeen Cadaadis kastoo debabeed.
Haddaba, waxa dad badani Maanta is weydiinayaan sababta keentay in arimahani dalka la soo dersaan markii uu hoggaanka dalka qabtay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)?. Ma Sawirkii hore ee Md. Siilaanyo uu bulshada siiyey baan waxba ka jirin oo Sawirkiisa saxda ahi wuxuu ahaa kan Maanta?. Mise talada dalka ayaa gacmo badan oo kale ku weheliyaan, taasoo kelliftay in Siyaasadii dalku baahdo?. Maadaama marka mushkiladahan oo kale hoggaamada ku dhacaan ay meesha ka baxaan danihii Qaranku oo bedesho masxalado kooxeed iyo dano gaar ahaaneed.
Si kasba arimuhu ha ahaadaane, waxan shaki ku jirin in shakhsiyaad iyo kooxo dano gaar ah lehi aanay rabitaanka bulshada majaro habaabin Karin, keligood-na meel wax geyn Karin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured