WEFDIGII Somaliland oo Addis Khubaro Uga Fureen Tabobar Lagu Fahansiinayo Wanaaga Faderaalnimada
Addis Ababa(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in Wefdigii Xukuumada Somaliland ee u baxay Wada-hadalada Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmi doona dalka Turkiga uu Caasimada Addis Ababa Addis Ababa(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in Wefdigii Xukuumada Somaliland ee u baxay Wada-hadalada Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmi doona dalka Turkiga uu Caasimada Addis Ababa uga socdo tabobar lagu fahansiinayo Casharo la xidhiidha nidaamka Faderaalnimada, ka hor inta aanay u amba-bixin Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Warkan oo Wargeyska “Yool” ka helay diblumaasiyiin ku sugan Bariga Afrika oo ula socda arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa lagu sheegay in duruusta nidaamka Faderaalka ay Wefdiga Somaliland siinayaan Khubaro ka tirsan hay’ad Maxali ah oo lagu Dynamic Crisis, kuwaasoo ku takhasusay habka ay u wada-xaajoodaan Dawladaha iyo sidoo kale Shirkadaha Caalamiga ah ee isku khilaafa nidaamka wax wada lahaanshaha iyo awood-qeybsiga. Sida iluhu xuseen khubaradani waxay waayo-aragnimo dheeraad ah u leeyihiin nidaamka wada-hadalada Dawladaha isku khilaafa hababka Faderaalka ama kom federaalka ah, kuwaasoo sida iluhu xuseen hay’adan ka sameysay meelo oo Afrika ah. Waxa kale oo wararku intaa ku dareen in sidoo kale hay’adani xubnaha Wefdiga siin doonto Casharo la xidhiidha nidaamka wadaaga dhaqaale iyo Deeqaha Caalamka ah ee dalalka raba inay kala baxaan iyo sidoo kale kuwa doonaya inay samaystaan nidaamka Faderaalka loo yaqaano. Sidoo kale waxay wararku xuseen in tabobarkani qaadan doono muddo Afar Maalmood ah, kadibna xubnaha Wefdiga Somaliland u amba-bixi doonaan dalka Turkiga. Inkastoo dadka qaarkood is weydiinayaan looga gol-leeyahay iyo faa’idada ku jirta tabobar muddadiisu sidaa u qaaban tahay, maadaama nuxurka dambe Wada-hadaladan bilowga ah looga gol-leeyahay uu yahay mid ku qotoma Masiirka umadda iyo Qaranimada Somaliland, sababta tabobar loogu qadaray sidaa u kooban, taasoo loo micnaysan karo marka la eego miisaanka Wada-hadalada iyo muddada kooban Siminaarka in ujeeddada Wada-hadaladu tahay mid ka baxsan waxa la moodayo oo maxsuulkoodu yahay nidaam Faderaal ah, oo ay jiraan ajendeyaal qarsooni. Hase-yeeshee, waxa arimihi kala cadaan doonaan marka wax weliba kalkooda gaadhaan. Leave a comment |
|
WEFDIGII Somaliland oo Addis Khubaro Uga Fureen Tabobar Lagu Fahansiinayo Wanaaga Faderaalnimada
Addis Ababa(xogreebnews.com--Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in Wefdigii Xukuumada Somaliland ee u baxay Wada-hadalada Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmi doona dalka Turkiga uu Caasimada Addis