Suldaan Xukuumadda Uga Digay Seeraha Aroori Ee Konfurta Burco In Loo Xidho Shirkadda Al-Jaabiri Dhaleecayna Ujeediyay Wasiirka Madaxtooyadda

0
Thursday January 09, 2014 - 09:03:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Xukuumadda Uga Digay Seeraha Aroori Ee Konfurta Burco In Loo Xidho Shirkadda Al-Jaabiri Dhaleecayna Ujeediyay Wasiirka Madaxtooyadda

    Hargaysa(xogreebnews.com- Suldaan Maxamed Jaamac Cabdilaahi (Jikaar) oo ka mid ah salaadiinta gobolka Togdheer ayaa Xukuumadda uga digay qorshe uu ku sheegay in ay ku dooneyso Seeraha bananka Aroori ee duleedka magaaladda Burco in ay ugu xidho Shirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com- Suldaan Maxamed Jaamac Cabdilaahi (Jikaar) oo ka mid ah salaadiinta gobolka Togdheer ayaa Xukuumadda uga digay qorshe uu ku sheegay in ay ku dooneyso Seeraha bananka Aroori ee duleedka magaaladda Burco in ay ugu xidho Shirkadda Al-Jaabiri ee dhoofinta Xoolaha Kootadda loogu xidhay . Sidoo kale Suldaanka oo Magaaladda Burco kula hadlay Saxaafadda ayaa Wasiirka Madaxtooyadda ku eedeeyay in uu gobolka Togdheer iyo Oodweyne u yimi in uu xaalad-abuur ka rido si Xukuumadu arintaasi Cimri-dherer uga dhigato ,waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaaya.
“ Waxaan halkan ka sheegayaa wiigii inadhaafay markii Wasiirka madaxtooyadu tagay Oodweyne kulan la qabtay waxa isyidhi ka hadal Xildhibaan bulshadu dooratay oo ka warbixinaayay xaalada deegaankaasi ,waxaanu wasiirku ku yidhi ma hadlikartid ,waana lagu xidhayaa ,halkaasina waxa ka dhacay dhibaatooyin ay shicib lagu dhaawacay oo Wasiirka iyo kooxihii la socday gaysteen .

Waxa kale oo ku xigay markii Wasiirku Burco yimi xadhigii loo gaystay Guuleed Daahir Samatar ee Labada habeenimo gurigiisa loogu dhacay sida argagixisada iyadoo haduu danbi galay aayar loo yiidhi-karo ,arimahaasi oo dhami waxay cadaynayaan sida bulshadda loo kicinaayo ee xaalad-abuurka loo samaynaayo si mudo kordhin xukuumadu u hesho ,markaa si weyn ayaan u cambaareynayaa falalkaasi waxaanan Xukuumadda usoo jeedinayaa in ay joojiso “ Sidaasi ayuu yidhi Suldaanku ,waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata mar’uu ka hadlaayay Seeraha Aroori .
“ Iyaddoo aynu ka warhayno in Xoolaheenii oo dhan gacanta loo galiyay ninka carbeed ee Al-Jaabiri oo uu mawaadiniintii ganacsatada ahaa ee reer Somaliland meesha ka saaray ka dib markii uu dhan-walba cuna-qabatayn ka saaray ee ay la tartami kariwaayeen ayaa hadana ninka caynkaas ah ,waxay Xukuumadu u xidhaysaa Seeraha Aroori ee duleedka Konfureed ee magaaladda Burco marka waxaanu leenahay Wasiirka Xanaanadda Xoolah iyo Xukuumadda kale-ba waar ma yeelayno in Al-jaabiri Koodadii xoolaha loogu daro Seeraha Aroori waananu ka horimanaynaa arintaasi “Sidaasi ayuu marlabaad yidhi Suldaan Maxamed Jaamac .
Sidoo kale Suldaankan ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ay shicibka ka dhinto cashuurta xad-dhaafka ah ee ay ku soo rogtay ,taasi oo uu xusay in ay tahay waxaan la aqbalikarin..
xogreebnews.com-office- Hargaysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured