Xukuumada Siilaanyo iyo Xeerarkii Dastuurka ee ay u-badheedhey in ay si-cadaan ah u-buriso una baalmarto. qalinkii A/raham fidhinle UK.–

0
Thursday January 02, 2014 - 08:31:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Siilaanyo iyo Xeerarkii Dastuurka ee ay u-badheedhey in ay si-cadaan ah u-buriso una baalmarto. qalinkii A/raham fidhinle UK.–

    Tirsigii 57-aad Xukuumada Siilaanyo waxa ay kursiga haleeshay iyada oo wadanka S/land uu yahay wadan nabdoon oo u-baahnaa uun in dimuqraadigii lagu taami jirey in la kool-kooliyo oo la naaxiyo maa-daama ay shacabkiisu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirsigii 57-aad Xukuumada Siilaanyo waxa ay kursiga haleeshay iyada oo wadanka S/land uu yahay wadan nabdoon oo u-baahnaa uun in dimuqraadigii lagu taami jirey in la kool-kooliyo oo la naaxiyo maa-daama ay shacabkiisu Xukuumada Siilaanyo waxa ay kursiga haleeshay iyada oo wadanka S/land uu yahay wadan nabdoon oo u-baahnaa uun in dimuqraadigii lagu taami jirey in la kool-kooliyo oo la naaxiyo maa-daama ay shacabkiisu wax qabsadeen oo nabadoodiina ilaa shadaan. Wadaagayaal waxaa wadan wax kadhiga waa dawladiisa iyada oo la kaa shaneysa shacabkeeda. Sidaad ogtihiin wadan wuxuu taabo galaa oo uu horumar la-taaban karo ku ta-laabsadaa markuu helo samo-talis, madax daacad ah oo ku-hagta dastuurka u-yaala iyo toobiyaha toosan kuwaas oo ummadda u-shaqeeya iyaga oo ixtiraamaaya oo ilaa linaaya xeerarka iyo dastuurka u-yaala. Hadaba wadaagayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa xeerarkii iyo qodobadii dastuurka wadanka qaarkood oo ay xukuumada Siilaanyo si cadaan ah ubaal martey mudadii ay hogaanka inoo haysey ee ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey ee ay doontey in ay wadanka ku maa-musho qar-qarsi iyo qoor-qabadka iyada oo isticmaaleysa ciidanka RRU-da , taas oo ay weliba ku caanbaxey musuq-maasuq xadhkaha goostey, qaraabo kiil qaawan, iyo boob cadaan ah oo ay gacanta marisey hantidii iyo amaanadii ay ummadda uga masuulka aheyd.


Xukuumada Siilaanyo ee is-nuuga ahi waxay ku tumatey qodobo tiro badan oo dastuurka ku daabancan waxaana ka mid ah qodobka 53-aad oo cadeynaaya awooda ay golaha wakiiladu uleeyihiin ansixinta heshiisyada ay xukuumadu la gasho shirkadaha shisheeyaha ah iyo kuwa maxaliga ahba waxay xukuumadani qol-madow heshiis aan bireysneyn kula gashey shirkadahan hoose oo liisano uwadda haysta in ay shidaalka ka sahamiyaan degaan
ka Somaliland waxaana ka mid ah shirkadahaa: Genel Energy, Assante oil, Ras-Gass LLC, DNO international,Ophin Energy,Jacka Resource, Sterling Energy, Petrosoma iyo East African resource group, Waxaa xukuumada Siilaanyo looga fadhiyaa in shirkadahaa la xalaaleeyo oo barlamaanka laga ansixiyo.

Qodobka 8aad , farqiisa 1-aad ee Dastuurka S/land wuxuu cadeynayaa in muwaadiniinta S/land ay u-siman yihiin ilaha dhaqaalaha iyo manaafacaadka wadanka, xuuquuqda iyo sharciga wadanka u-yaala,waana in aan lagu kala saarin ayuu qodobkani leeyahay qabiil, degaan, dhalasho, lab iyo dhedig iyo mud-naantaba ee ay si kastaba iyo mar-kastaba ay shuruucda wadanka ugu-siman yihiin. Faraqa labaad ee Qodoka 8aad ee dastuurka qaranku wuxuu si adag isna u reebayaa isir-raaca , kal sareynta, qaraabokiilka iyo qabyaalada ay xukuumadani caadeysatey, waxaa marag-madoonto ah in Xukuumadani ay ku-sibirixootey xeerkan iyo faraq-yadiisaba ka-dib markii Liisamadii iyo qan-daraasyadii kheyraadka ma-guuraanka ah ee wadanka ay u-qaybisey hab-cadaalada baal-marsan oo dhinac ka-raran iyo qaabkii ay uqeybisey qandaraasyada maxaliga ah iyo Ceelashii biyaha oo ay u qaybisey qaab qariban oo qusum iyo qoon ah oo baal-marsan qodobkan iyo faraq-yadiisaba.Waxaa iyana laga dhawaajiyey in habka shaqo qorista guud ee wadanku uu yahay hab aan ku dhisneyn cadaalad iyo sinaan ee uu yahay isna hab dhinac u-ciirey. Xukuumada Siilaanyo waxay shacabka u-cadeysey in ay beeluhu kala xigaan yuhuunta iyo lahaanshaha qaranimada iyo dawladnimada.

Waxaa isna ay xukuumadu Siilaanyo ay ku-gel-gelimeysatey Xeerka Lr-17 ee dhulka danta guud oo isna ay si-joogto ah ay ugu tumatey oo maalin walba la arkaayo dhulkii danta guud ahaa ee 30% laga soo jarey mulkiilayaasha beeraha lahaa oo xubno hawl-wadeeno ka ah xukuumada oo Budh-cad-dhuleed ahi ay caadeysteen in ay u-sadqeeyaan una-caseeyaan si baal marsan xeerkan ganacasato ay gacan wadaag togan leeyihiin. waxaa kale oo ay xukuumadani baalmartey Xeerkii Lr 23 , qodobkiisa 34 farqiisa 10aad kaas oo timaamaaya in golaha degaanka ee doorashada ku yimi iyo gudi hoosaadkiisa loo doortey ay maamulkeeda iyo maareynteeda leeyihiin dhulka danta guud iyo dhulka la bixinaayaba, xeerkaa ayaa isna ay xukuumadu si cadaan ah u-baal martey kadib markii ay golihii degaanka ee gobolada qaar ku bedeshay una wakiilatey cid kale oo metesha soona saartey Digreeto aan lagala tashan golihii degaanka ee hawshaa lahaa.

Waxaa kale oo dastuurka qodobkiisa 42 aad far
aqiisa 3aad uu qeexayaa in shuruucda keliya ee doorashada loo-Joojin karaa ay tahay oo keliya hadii ay wadanka ka-jiraan duruufo adag sida dagaalo, abaaro iyo wixii la mid ah.Markaas uun-baa golihii wakiilada ee hore waqtiga loo kordhin karaa ayaa dastuurku qeexayaa.hadaba iyadoo dhibaatooyinkaas oo dhami aaney wadanka ka jirin ayaa xukuumada Siilaanyo ay si cadaan ah u baalmartey qodobkaa oo ay goysey cayntii iyo baydii usu hayey faraqyada qodonkan iyada oo xukuumadu ku raajicineysa jebinta qodobkan cimri dherersi ay dooneyso in ay kursiga ku sii negaato mudo ka badan waqtigii loo doortey ee 5-ta sanadood ahaa.

Qodobka 39-aad dastuurka qaranku wuxuu cadeynayaa in golaha wakiiladu ay yihiin xubno ka wakiil ah dadweynaha waana qeybta 1aad ee xeer-dejinta dalka ee ansixisa xeerarka, kuwaas ka masuul ah ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasada guud ee hogaaminta dalka. Xeerkani wuxuu isna ramiimka noqdey ka dib-markii xukuumada siilaanyo ay si-ba'an u-fara-gelisey isku-dhellitirnaantii awoodii dawladnimo taas oo ay ku milantey oo ay shidhka u-gashey oo ay ku fasaqantey golihii xeer-deginta iyo gar-soorkii halkaasana uu qodobkaasi ku-bur-burey oo ay meesha ka baxdey is-xisaabintii iyo xil-gudashadii la isku kantarooli jirey. halkaas oo maanta ay xukuumadii Siilaanyo noqotey gaadhi-bilaa-bireg ah oo aan cidina odhan karin (stop) oo cid-walba jiidhaaya.

Waxaa kale oo ay isna ku-turun-turootey xukuumada Siilaanyo Qodobka 129 aad ee dastuurka qaranka oo ah qodobkii ay ku dhaarteen ee ay yidhaah-deen inta ay kitaabka quraanka gacanta saareen " waxaanu ilaahay ugu dhaaraney in aanu daacad u-noqon-doono shacabkayaga, diintayada, iyo dalka-yaga kuna maa-muli doono sinaan iyo cadaalad inta aanu xilka hayno" halkaas oo ay dhaartiina ku-jebiyeen ka dib markii ay buriyeen qodobadan iyo xeerarkan badan ee aan kor kaga soo dhawaajiyey.

Guntii iyo Geba-gebadii qormadan: Maanta jiritaankii qaranimada Somaliland wuxuu ku soo ururay in shaqsiyaad kooban oo qaar shirkado sheegtaan in lagu laa-luusho laguna naasnuujiyo intii u-soo dhafartey, u-soo dheemaashey ee dhididka, dhiiga iyo dheecaankaba usoo daadiseyna in la-takooro,la bahdilo oo ay indhaha ka daawadaan filimkaa aan u-dha-dhameyn ee ay hore usoo daawadeen taasina xaq-maaha?? Intii nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay uu qabtey hogaanka S/land, Waxaa ramiimka noqdey oo baaba'ay oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo,kala sareyntii, kala-danbeyntii, kartidii,karaamadii maa-mul iyo maareyntii dawladnimo. hamigii,higsigii, horumarkii iyo habsami u-socodkii himilooyinkii qaranimo ee la higsanaayeey ee lagu taamaayey oo iyana wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka reer Somaliland la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dood Cilmiyeeda Qaranka ee ay xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro xukuumadan dheelidey ee dhiilihii awrka u-saarnaa ay dhinaca u-sii ciirayaan.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured