Madaxweyne Siilaanyo Oo Kaalintii uu Saddexdii Sanno ee La Soo Dhaafay U Hayay Wasiir Xirsi ku bedeshay Wasiirka Duulista iyo sababaha keenay?..Qormadii Koowaad

0
Wednesday January 01, 2014 - 16:37:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Kaalintii uu Saddexdii Sanno ee La Soo Dhaafay U Hayay Wasiir Xirsi ku bedeshay Wasiirka Duulista iyo sababaha keenay?..Qormadii Koowaad

    Tartan dhinaca siyaasada ah oo saddexdii sano ee ugu dambeeyay u dhaxeeyay Wasiirada Madaxtooyada iyo Duulista hawada ayaa hada u eeg mid gabogabo ku dhaw.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan dhinaca siyaasada ah oo saddexdii sano ee ugu dambeeyay u dhaxeeyay Wasiirada Madaxtooyada iyo Duulista hawada ayaa hada u eeg mid gabogabo ku dhaw. In kasta oo marka dhinaca siyaasada loo eego da?dooda aanay isku mid ahayn, hadana Wasiirka Fadalka dheer ee Madaxtooyada Somaliland ayaa ku haftay siyaasada isu boodada ah ee ka jirta dalka, taas oo dhaxalsiisay in uu magaciisu ka marag kaco xumaan iyo xiqdi.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo marka laga yimaado labadii xil ee uu ka soo qabtay xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo mar noqday Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka oo aan guul gaadhin, ayaa saddexdii sano ee ay xukuumadu jirtay ku dhiiqaystay siyaasada Somaliland.

Inta badan shacabka reer Somaliland ayaa marka magaciisa la soo qaado soo xasuusto hagar daamooyinka badan ee ay xukuumaddu gasho, kuwaas oo la isku raacay in uu isagu sabab u yahay.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, waa qof caynkee ah
In kasta oo ay abuuraha ilaahay tahay hadana waa nin gaaban, waxaana lagu naanaysaa Fircoonka Madaxtooyada, halkaas oo marka aad maqasho magaca Fircoonka Madaxtooyadu uu markaaba kugu soo dhacayo in uu yahay Wasiir Xirsi.
Intii uu madaxweynaha Hoos joogay waxa uu dhex dabaashay badweynta siyaasada Somaliland taas oo da? ahaan ka roon, waxaanu jibaaxay seereyaal ka caagan.
Madal il yartu is qabatay oo ay ku sugnaayeen qurbe jooga reer Somaliland ee dalka Ingiriisku ayaa waxa uu sanadkan hada sii dhamaanaya ee 2013ka badhtamihiisii ka tiriyay Gabay u eke, la sheegay in uu lacag dhaafsaday, kaas oo ay ku qaadatay in uu eray eray u fahmo muddo dhawr bilood ahi.
Waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay in uu yahay shakhsi hawl kar ah, waxaanu indho sarcaad u dhigay guud ahaanba shacabka reer Somaliland ee dhinaca kale ka taagan.
Wasiir xirsi waa shakhsi ku sifoobay in uu faano, waxaanu geesta kale noqday Masuulkii xil wasiirnimo ka haya Xukuumadihii dalka Soo maray ee haweenay xabsiga u dhiga way I cayday.
Kuma dhaafin intaas ee inta uu madal soo istaagay ayuu bulshadii jaho wareerka ka qaaday xadhigaasi u sheegay in ay isaga da? ahaan ka wayn tahay, waxaanu meesha ka saaray in haweenku ay yihiin kuwo ninka badhkii ah.
Marka la soo dhaafo taas waxa uu maalin maalmaha ka mid ah u jawaabay xubnaha wakhtigan siyaasadoodu ay tahay mida ay xukuumadu dhabarka kaga jabtay ee Madasha Wadatashiga, taas oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh qaranka Somaliland, waxaana weedhihii uu ku durayay ka damqaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaanu xasuusiyay in uu yahay layli, raga uu jawaabta siiyayna ay yihiin biyo ma daadshe yaal, taas bedelkeedana uu ku eekaado madaxtooyada iyo masaasada siyaasadu ku jirto uu afka u geliyay madaxweyne siilaanyo.
La soco Isbar bar dhiga Maxamuud Xaashi iyo Xirsi oo halkaas inooga sii socota??.
Daahir Ciise Jaamac
Hargeysa/Somaliland
mmfaarax2@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured