Ma La Odhan Karaa Beesha Madaxweyne Siilaanyo Deegaamayntii Qarsooneyd ee ay ka Waday Berbera Wuu Hirgalay!

0
Tuesday December 31, 2013 - 12:10:39 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma La Odhan Karaa Beesha Madaxweyne Siilaanyo Deegaamayntii Qarsooneyd ee ay ka Waday Berbera Wuu Hirgalay!

    somaliland waa beelo isku tegay oo beelba meel ayuu ilahay ku abuuray oo tejiyey, sidaasina way ku wada nool yihiin guud ahaanba beelaha somaliland oo mid kastaa waxay iimaansatay meesha uu ilahay ku abuuray,sidaasina waxay ku dhisteen dawladooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

somaliland waa beelo isku tegay oo beelba meel ayuu ilahay ku abuuray oo tejiyey, sidaasina way ku wada nool yihiin guud ahaanba beelaha somaliland oo mid kastaa waxay iimaansatay meesha uu ilahay ku abuuray,sidaasina waxay ku dhisteen dawladooda somaliland waa beelo isku tegay oo beelba meel ayuu ilahay ku abuuray oo tejiyey, sidaasina way ku wada nool yihiin guud ahaanba beelaha somaliland oo mid kastaa waxay iimaansatay meesha uu ilahay ku abuuray,sidaasina waxay ku dhisteen dawladooda oo ku ilaalisa in aysan beeluhu isku soo xadgudbin si aysan nabadgalayadu khalkhal u gelin, balse tan iyo markii xukumada siilaanyo talada dalka la wareegtay waxaa sooif baxay dhaqano cusub oo ay la soo baxday iyadoo dhaqanadaasi ay ka mid tahay deegaameynta beesha madaxwyene siilaanyo ka wada magaaalda berbera oo hore xan uun lagu maqli jiray siilaanyo wuxuu doonayaa in uu berbera deegaameyn balaadhan ugu sameeyo beeshiisa balse taasi waxay rumowday markii la arkay sifaha sharci darada ah ee dadka ka soo jeeda beeshaasi loogu beerayo magaalada berbera , tusaale ahaan hadii aan idin soo gudbiyo siyaabaha deegaameyntu berbera uga socoto waxaa ka mid ah.


1: dhul si xowli ah loo siiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo oo weliba laga taageero sidii ay si dhakhso leh ugu dhisan lahaayeen dhulkaasi.

2: iyadoo goobaha ilaha dhaqaalaha si xawli ah looga shaqaaleysiiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyadoo xarumaha dawlada ee ugu dhaqaalaha badan ay ka shaqeeyaan dhalinyaro u badan beesha madaxweyne siilaanyo ,halka kuwii deegaanka laga hor joogsaday in laga shaqaalaysiiyo deegaankii ay ka soo jeedeen ,tusaale ahaan madaarka berbera dhalinyarada ka shaqeysa waxaa ugu badan dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo halka kuwii deegaanka ay ka joogaa ilaa 3 shaqaale ah oo weliba meelo hoose loo dhiibay taasi oo ay u sabab tahay wasiirka duulista oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo iyo dhiiri gelin uu ka helay gudida beesha habar jeclo ee uu gudoomiyaha u yahay, waxaasi oo kale wa yihiin wax la aqbali karo?

3: Dekeda oo ah isha ugu weyn ee uu dakhliga somaliland ka soo xeroodo ayaa hadaisku bedeshay goob shaqaalaheedu u badan yahay beesha madaxweyne siilaanyo sababtu waxaa weeyi bilishii ugu danbeeyey waxaa la shaqaaleysiiyey ilaa 35 dhalinayro ah oo ak soo jeeda beesha taasina waxaa cadaadis lagu saaray maareeyaha dekeda ,taasina waxay keentay in isku dhac ku yimaado maareeyaha deekda iyo aqalka madaxtooyada oo bar yahan aan isku wanaagsanyn.
4: caafimaadka ayaa is na ah goob hada faro ba’an lagu hayo oo waxaa la yidhi waxaa iska hor taagan dhalinyaro badan oo maamulka caafimaadka lagu siiyey in ay shaqaaleysiiyaan dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo balse ilaa hada dhawr qof waa laga shaqaalaeysiiyey basle ma badna.
5: waxbaarshada ayaa ina ka mid ah meelaha lagu soo qaaday weeararka la doonayay in lagu shaqaaleysiiyo dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo balse sida caafimaadkoo kale wey iska diideen in ay sifo sharciga baalmarsan u shaqaaleysiiyaan.
6: xarunta maaliyada ayaa inana ah meelaha sida xawliga ah looga shaqaaleysiiyay dhalinyaradaasi.
u fiirso hada dhalinyaradii gobolka ayaa joogta oo iyaga cidi u doodi mayso halka kuwan ka soo jeeda beesha madaxweynaha laag soo hadlayo aqalka madaxtooyada ee xarunat dalka looga taliyo ah, akhriste waxaasi waxaa ka sii daran iyadoo dhulkii dawlada lagu wareejinayo ganacsatada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo.
si kastaba haatee berbera waxaa la odhan karaa beesha madaxweyne siilaanyo way ku guuleysatay in ay deegaameyn ugu samayso dadka ka soo jeeda beeshaasi madaxweyne siilaanyo ka soo jeedo, dadka odoroosa arimaha deegaamada ayaa waxay arintaasi ku tilmaameen in cawaaqib xun ku yeelan doonta xidhiidhka walaaltinimo ee hore uga dhexeeyey beesha madaxweyne siilaanyo iyo beesha Ciise Muuse waayo waxaa loo adeegsaday deegaameynta lagu sameynayo berbera waa xoolihii umada oo sifo ka baxsan sharciga loo maamulayo taariikhduna way qori doontaa xishood la’aantaasi beesha madaxweyne siilaanyo ay ka wado berbera.
Qalinkii:C/raxamaan muuse Diiriye
axmed-1994@hotmail.com
Berbera/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured