Magacaabiddii Safiir Sifir iyo Wasiir M.Cabdilaahi Waxay Fadaraysay Siyaasaddii Dibadda ee Somaliland Qore cali Dool Axmed ”Ex C.Qoryoley” 30.12.2013

0
Tuesday December 31, 2013 - 08:14:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacaabiddii Safiir Sifir iyo Wasiir M.Cabdilaahi Waxay Fadaraysay Siyaasaddii Dibadda ee Somaliland Qore cali Dool Axmed ”Ex C.Qoryoley” 30.12.2013

    Maqaalkani kuma imanin,shaqsi neceyb laakiin waa xaqiiqo sheegid ku qotonta,rabitaan ah in la citiraafo jamhuriyadda Somaliland iyo inaan uga digo,una tilmaamo madaxweyne Siilaanyo dhaliilo muuqda oo siyaasadeed oo taariikhdiisa dambe madoobayn kara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maqaalkani kuma imanin,shaqsi neceyb laakiin waa xaqiiqo sheegid ku qotonta,rabitaan ah in la citiraafo jamhuriyadda Somaliland iyo inaan uga digo,una tilmaamo madaxweyne Siilaanyo dhaliilo muuqda oo siyaasadeed oo taariikhdiisa dambe madoobayn kara,hadaba aan ku horeeyee,ninka odayga ah ee lagu Maqaalkani kuma imanin,shaqsi neceyb laakiin waa xaqiiqo sheegid ku qotonta,rabitaan ah in la citiraafo jamhuriyadda Somaliland iyo inaan uga digo,una tilmaamo madaxweyne Siilaanyo dhaliilo muuqda oo siyaasadeed oo taariikhdiisa dambe madoobayn kara,hadaba aan ku horeeyee,ninka odayga ah ee lagu naanayso Sifir,waxa aragtidiisa iigu horeysay 1998dii horaantiisii,maalin aan fadhiyay,madashii golaha afraad la dhan jiray,ee xaafadda Indiyanlineka ee badhtamaha Hargeysa ku taalay, ee ay waayeelka reer Somaliland ee faraha badan iyo diblimaasiyiintii madaxweyne Cigaal uu kolba mid u yeedhan jiray ay ku kulmi jireen,madashaasoo ay odayaddii fadhiisan jiray kusoo hiran jireen,qammaamuur reer Hargeysa ah oo ay ka midka ahaayeen,maayarkii hore ee Hargeysa oday Xaashi Muuse, Maxamed Cumar Isteeliya (M.Dhuux ), Good Abees,Ismaaciil Bakayle iwm. Goobtaasi waxay ahayd, madal la isku waraysto,islamarkaana wararka siyaasadeed lagu kala qaato..


Maalinmaalmahaas ka mid ahayd,ayuu Sifir oo Hargeysa ay wakhti dheer ugu dambeysay uu madashaas soo fadhiistay,illleen rag waaayeel ah oo meel isugu yimid, hadal iyo iswaraysi dayn maayaane,markii salaaddii casarka la tukaday ayaa Sifir oo madasha ku cusbaa dadkii la wada baray,kadibna isagii ayaa saaxaddii lagusoo dhoweeyay,oo bal noo warran lagu yidhi,waxana la su,aalay,sideebay diblimaasiyiinta jemciyadda quruumaha ka dhexeysa iyo madaxda dowladda Maraykanku u arkaan?,maxayse ka qabaan citiraafka jamhuuriyadda Somaliland?.

Meeshii xog waran odaynimo laga sugayay ayuunbuu hadalkii ku bilaabay,horta anigu waxaan la shaqeeyaa,xoghaynta guud xarunta jemciyadda quruumaha ee New York,laakiin haddaad wax iga weydiiseen,sideebaa New York looga arkaa qaranimada Somaliland?,waxaan idiin sheegayaa,in marka New York aanu joogno,aanu ka khajilo, inaanu sheegano,oo aanu u dhalanay dalka Somaliland,maxaayeelay,waxaad noqonaysaa nin meeqaan ahaan aad u hooseeya ama waxaba laguu arkayaa, nin caqli gaab ah oo aad u liita oo caadifad aan micno lahayn iyo shay dhalanteed ah sheeganaya.markii uu hadalkii meelahaas marinayay,ee uu weliba dhaliilo badan iyo yasid caqliga reer Somaliland uu kusii indho adag yahay,ayuu nin gooobta fadhiyay oo mujaahidiintii SNMta ka mid ahaa,cadhooday oo uu ku yidhi,ma adiga ayaa ka khajila inaad Somaliland sheegatid?,markaasuu haayoo,saddex magacbaa isku mid ah,oo aan ka khajillaa sheegashadooda waana,magaca Isaaqa,magaca SNM iyo magaca Somaliland,saddexdaasi waa isku mid oo waa waxyaalo yaryar oo musqaan bay igu noqonaysaa soo hadal qaadka Somaliland,.mana sheeganno.markaasuu,mujaahidkii aad u cadhooday,oo uu ku yidhi Sifir,horta waxaad noo sheegtay inaad Badhiwali tahay,oo aad warraaqa xoghaynta UNta aad kolba safiir u geysid,alleyle adigaa ayaa wax laga khajila ka shaqeeya,adiga ayaana meeqaankaagu liitaayoo,badhiweli xoghaneed ku faanaya.nin maskaxda ay qayrkii ka gumaysteen ayaad tahay,shaqo gummeedbaad haysay,hankaagiibay dilleen,wiilashii reer New York ee ay aabayaashood,madowga addoonsan jireen,waxay ku badeen inaad dhalashadaadii iyo dalkaagiiba aad ka khajishay,imikana aragaagu nactarye naga hor kac ayuu mujaahidkii Sifir ku yidhi,weliba inuu u gacan qaado ayuu holladay,waase laga qabtay,Sifirna isaga oo yaaban ayuu iska kacay goor dambe,laakiin dhalinyaradii muwaadiniinta ahayd ee maalintaas fadhiday madashaas,waxay waayaddii dambe isku caayi jireen,hebelow ma waxaad la nooc noqotay,karraanigii ay xoghantii UNtu hankiisa dishay,ee ceebta moodayay haddii uu sheegto, dhalashadiisii iyo waddankiisii jamhuuriyadda Somalilandba?.

Inuu Cigaal la kulmay iyo in kale ma hubo,laakiin Sifir waxa aan Somaliland mar labaad ku dhex arkay somaliland,markii uu badhiwalanimadii ka gaboobay ee uu waraaqihii jaranjjarooyinka dhaadheer ee New York uu la kor kari waayay ee ay soo tuurtay UNtu,caws jiilaal waa lama huraane,maalintaasuu u baahday oo yimid dalkii uu ka khajilayay ee Somaliland. mudooyinkii horena,waxana uu ka agdhodhowaan jiray gudoomiyihii KULMIYE ilaa iyo 2004tii,xillgan oo uu Muqdisho iyo dalkii Somaliya ee uu jeclaa uu u haajiray,isaga oo in mudooyinkaasna u gacan haadin jiray, salaadiinta iyo siyaasiyiinta la ayniga ahayd ee beeshiisa u arrimin jirtay,waar yeedhmadiisiise yeeli mayno ayaa lagaga jawaabay,wax kasoo qabsaday garan maayee,hadana maalin dhoweyd uunbaan arkay ninkii wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliya aan ku ogaa ee Sifir oo Hotel Maansoor dhex taaggan oo la leeyahay, Xamar wuu kasoo cararay oo madaxweynaha jamh.Somaliland ayuuba imika la taliye u yahay,yaabay oo idhi,oo gooni isutaagii Somaliland miyaa laga noqday,mise cadanbaa laga heesayaa,ninkii iiga warramayay ayaan ku idhi,waaryaa mudane imika Madaxtooyadeenu ma bahalo galeenbay noqotay?,sideebuu Sifir oo shalay wasiir ka ahaa Somaliya uu imika ugasoo baxayaa qasrigeenii qaaliga ahaa?.

In yar dabadeed ayaaban wargeysyada ka akhriyay, Sifir oo safiirka Somaliland u fadhiya Kenya loo magacaabay, geeridii Eebbe ha u naxariistee, safiirkeenii dalkaas mudane Indhabuur dabadeed,nin diblomaasi hore ahaan jiray,ayaanumagaacaabida Sifir ka sheekeysanay,waxana uu igu yidhi,haddii Sifir safiir loo magacaabay,waxa dhab ah,in aanay xukuumadda madaxweryne Siilaanyo rabi in la citiraafo Somaliland.maxaayeelay sideebuu gooni isutaaga qaddiyadda Somaliland ugala hadli karaa,diblamaasiyiinta shisheeye ee Nayroobi Joogta iyo madaxda dowladda Kenya ee uu shalay,la hadlayay isaga oo wasiirkii arrimaha dibadda ee Somaliya ahaa?

Horta maalintii aan amqlay magacaabidda sifir, mar waan walwalay,marna waan cadhooday,marna waan qoslay gariiray,marka hore waxaan ka walwalay,fidmada uu qasriga dhex keeni doono Sifir,waxana aan xasuustay,ninkii fidmawalaha ahaa ee uu Nebi Maxamed (nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) xaruntii dowladdii Islaamka ee Madiina uu ka masaafuriyay, ee uu masoo gali karo yidhi,ee amiir Abiibakarna uu masoo gali karo Madiina yidhi,ee cahdigii Cumar binu Khadaabna aan foodda soo gelinin Madiina kaasoo xilligii Amiir Cusmaan bin Cafaan soo galay Madiina,welibana amiirkii lataliye uu ka dhigtay,kadibna sida ay taariikhdu sheegayso isaga lagu eedeeyo,dushana loo saaro,fidmaddii weynayd ee amiiir Cusmaan bin Cafaan lagu dilay iyo kicinta colaaddii xumayd ee ka dhex qarxayday axsaabtii Nebi Maxamed, ee ay 5 kummannaanka axsaabi ay ku nafwaayeen.dabadeedna waxaan ka baqay in fidmada uu Sifir abuuri doono ay halaagto Madaxweyne Siilaanyo,hadana ay colaad cusub bulshada reer Somaliland ka dhex abuurto,oo ay tiro badan ku nafwaayaan.

Marlabaadkiina waan cadhooday oo madaxweyne Siilaanyo oo Sifir la taliye ka dhigtay ayaa aad ugu cadhooday,mar saddexaadkiina waan qoslay gariirayoo,hadana waxaan naftayda ku idhi,ninkii abeeso koriyaa isagaa u aayiye, iska dhaaf.

Ugu dambaynta muwaahin ahaan,waxaan kula talinayaa,madaxweyne Axmed Siilanayo iyo madaxda sare ee qasriga madaxtooyada Somaliland kala shaqeysaba,inay ninkaas oo aad u neceb qaddiyadda Somaliland, ay xilka qaran si degdeg ah uga fadhiisiyaan.

Haddii aan ka hadlo,hagardaamooyinkii uu qaddiyadda Somaliland u geystay,wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Somaliland mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar,lamasoo koobi karo laakiin bal aan idin xusuusinayo,inuu wasiirkaas uu ka horeeyay ninkii uu bedelay,ee citiraafka jamh.Somaliland soo xero gelin gaadhay,kaasi wuxuu ahaa,mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale,ninkaasoo ka faani jiray,inuu masuul magaca dowladda Somaliya matalaya uu la hadlo ama uu miis la fadhiisto,islamarkaana ka xaragoon jiray,inuu kharashaadkii safaaradaha dibadda loogu talagalay uu meelaysto,oo uu inta uu jeebka ku shubto,ay xafiisyadii safaaradaha ee la furay ay lacag la,aan u wada xidhmaan,taas kasoow,waxaan la yaabi jiray,harraadkii uu u qabay inuu shirarkii kooxihii Somalida dhex fadhiisto,meesha uu ku maqlo inay Somaliya ku shirayso,jasiirad bad dhexdeed ahba ha noqotee,loogama taag heli jirin, wuxuu isugu dhex tuuri jiray,sidii LAX harraadan oo biyo aragtay, sababtuna waxay ahayd,xiiso iyo jeceyl uu u qabay,midnimo Somalilweyn isaga u fahmayay, inay ka qaybgalkii iyo galitaankii shirarkii kooxaha somaliya, ee ay miiska qudha wadaagayeen Somaliland iyo Somaliya ay wiiqi doonto, ka noqoshadii Somaliland ee la midowgeedii Somaliya ee 1960kii iyo madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland ee lagu dhawaaqay 1991kii,isu imaatinadaas labadii dal ee Somaliya iyo Somaliland oo ay aad ugu farxeen dowaldihii gooni isu taagga Somaliland diidanaa,,aadna ugana nexeen dalalkii doonayay inay aqoonsadaan jamh. Somaliland, maxaayeelay aqoonsigii ay siin lahaa Jamh.Somaliland ayaa wadahadalaas lagu dabrayay,waxana ugu khatarsanaa shirkii London 2012kii iyo kulamadii ka dambeeyayay ee dalalka kale ka dhacay.,taariikhda ayaana qaran fadarayntiisaas ku ciqaabi doonto.

Wakhtigan qaddiyadda Somaliland iyo siyaasadeeda dibaduba,waxay u baahan yihiin, in si wanaagsan faraha loogu xalo oo wejigana si buuxda loogu maydh gooni isutaagii Burco iyo aqoonsi raadintii madaxa bannanayd ee Jamh. Somaliland,

calidool1@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured