WASAARADA DUULISTIYO HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA EE SOMALILAND MA DAD QABIILBAA KA HAWLGALA MISE DAD QARAN.

0
Monday December 30, 2013 - 20:30:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASAARADA DUULISTIYO HAWADA IYO GAADIIDKA CIRKA EE SOMALILAND MA DAD QABIILBAA KA HAWLGALA MISE DAD QARAN.

    Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee afka soomaaliga ku hadasha marka xigta waxaan halkan rabaa inaan idinku soo gudbiyo maqaal taxane noqon doona oo wiig walba aan qayb idiin soo gudbin doono oo aan kaga hadli doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee afka soomaaliga ku hadasha marka xigta waxaan halkan rabaa inaan idinku soo gudbiyo maqaal taxane noqon doona oo wiig walba aan qayb idiin soo gudbin doono oo aan kaga hadli doono Ugu horeyn Marka hore waxaan aad u salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee afka soomaaliga ku hadasha marka xigta waxaan halkan rabaa inaan idinku soo gudbiyo maqaal taxane noqon doona oo wiig walba aan qayb idiin soo gudbin doono oo aan kaga hadli doono Ugu horeyn dhalinyarada G/saxil oo eedaymo iyo canaan dusha ka huwisay wasaarda duulista hawada iyo gaadiidka cirka somaaliland ayaa ah eedaymihii aan mar iyo lababa ahayn ee ay u soo jeediyaan dhalinyaradu wasaarada taas oo ay ku tilmaameen mid iska dhago tirtay saamigii shaqo ee ay ku lahaayeen madaarka Berbera taas oo ay walaac badan ka muujiyeen dhalinyarada reer saxil dawlada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne axmed maxamed maxmuud ( siilaanyo ) oo indhaha ka lalisay jiritaanka dhalinyarada reer saxil wax mihiimad ahna iska saarin dhankooda baahiyihii ay xaq u lahaayen xag waxbarasho xag sports shaqo abuurid wacyigalin dhalinyaro dhamaan baahiyihihii aas aasiga ahaa oo aad moodo in gobolka saaxil ka dambeeyo gobolada kale ee dalka markastana xukuumada madaxweyne siilaanyo ay mar walba ka dhiidhinayso waxyaabaha ay dhalinyarada gobolka saaxil ay hore ugu mari lahayd taas oo keentay in ay dhalinyaradii gobolka saxil ay maanta ku madheen aafada dalka faraha baas ku haysa ee loo yaqaan (tahriib ) khaas ahaana saamayn weyn ku yeelatay dhalinyarada G/saxil kuna madheen badaha waaweyn taasina waa mid ayna dhalinyarada gobolka saaxil ay kaga duwan yihiin dhalinyarada kale ee dalka.

Hadaba waa xili ay ku soo beegmayso wakhtigii ay dawladu ku dhawaaqday shaqo kordhin shaqaalaha lagu kordhinaayo sanadka cusub ee 2014 dhamaan laamaha wasaaradaha iyo goobaha shaqo ee dawlada sidaa daraadeen waxay dhalinyarada g/saxil aysan ka dhex muuqan waayeen shaqalahaas lagu kordhiyey madaarka Berbera.
waxaana iswaydin mudan sababta ay dhalinyarada g/saxil ay uga muuqan waayeen arinkii shaqaalaysiinta madaarka Berbera uu wasiirka wasaarada duulista hawada iyo gaadiidka cirku uga balan qaaday wakhtigii lagu hawl jiray dibu udhiska madaarka caasimada hargaysa
Hadaba waxa kaloo is waydiin mudan sababta ay uga hadli waayeen maamulka kala duwan ee magaalo madaxda gobolka saaxil ee Berbera arintaas iyada ah?
Jawaabtaas ayaa noqonaysa in ay ka gaabsadeen maamulka kala duwan ee G/saxil arintaas iyada ah taas oo micnaheedu tahay in xilkii ay u hayeen dhalinyarada iyo shacbiga reer saxil ujeedada xilka loogu dhiibayna ay ahayd inay gobolka wixii uu xaq u leeyahay ay usoo dhicayaan Taasina waxay waji wajigabax ku noqotay dhamaan bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalo madaxda G/saxil ee Berbera
Hadaba ma dhalinyarada reer saaxil ma aqoon la?aan ayaa haysa oo dhalinyarada gobolada kale ku dhaqan ayaa ka aqoon saraysa maxay tahay sababta dhalinyarada reer saaxil ay maruun uga muuqan waayeen shaashadaha goobaha muhiimka ah ee haayadaha laamaha dawlada eek ala duwan sida Madaarka Berbera, Kaydka haamaha shidaalka, wasaarada maaliyada gobolka saaxil iyo haayadaha kale ee laamaha dawlada
Qaybta koobaad ee maqaalkaygan waxan manta kusoo koobayaa intaa hadii allaha awooda lihi idmana waxaan idinku soo maqan qaybo kale oo kamid ah maqaalkan.
W/Q: Gudoomiyaha guud Dhalinyarada Gobolka saaxil
Wixii talo iyo tusaalaba ah kusoo hagaaji Emailkan: GudoomiyahaDhalinyaradasaaxilDuqa@outlook.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured