Kulan lagaga hadlaayey ka qayb galkagalka siyaasada iyo xuquuqda beelaha lahayb sooco ayaa lagu qabtay Xamdi Hutel ee magalada laascaanood ee gobolka sool
Hargeisa(xogreebnews.com-Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka codka haweenka laga tirada badan yahay ee vosomwo
Ugu horeyn waxaa kulankasi ka hadlay agaasimaha fulinta ee ururkaKhalid Mohamed jama ,waxaanu sheegay in kulankani ka mid yahay kulamo xidhiidh ahaa oo sanadkan sii dhamanayaay ku qabteen dhaman gobolada Somaliland , Waxaanau sheegay in kulankaan lagu daraasayn doono wixiicaqabadaha ahaa ee soo wajahay musharixiintii ka soo jeedaybeelaha lahayb sooco ee ka qayb galay doorashooyinkii golaha deegaanka Islama markaana looga gashaanto in ayna dhicin sida dhacaday imika. doorashooyinka danbe ee soo socda sidaynu wada ognahay doorashooyinkii dalka ka dhacay waxaa isa soo sharaxay 27 musharax oo ka soo jeeda beelaha lahayb sooco nasiisb daro musharaxna kuma gulaysan doorashiddii golaha deegaanka ee dhawan ka dhacdey gobalada Somaliland oo dhan , sidaa darted waxaa xaqiiqo ah in dadkani aanay ku soo baxayn doorasho toos ah oo ay ka qayb galaan sidaa darted waxaanu ka codsanaynaagolayashay sharci dajinta ee jamhuuriyada somaliland inay hoos u eegan oo ayansixiyaan kootadii uu madaxweynahu ku soo celiyey golaha baarlamanka oo ay ku darsadaan aajandahooda ay kaga dooddi doonaan kalfadhiyadooda soo socda , golaha wakiilada waxa xusidoonta taariikhda hadaba sida ay ka yeelaan beelahan walaahooda ah ee ka maqan siyaasada iyo talada ., isla markaana looga faa’iidaystoxirfadahooda iyo kartidooda guud ahaan, taas oo ay wax weyn ku biirin karaan wanaagga iyo horumarka guud ee qarannimadeenna Waxaa iyanakulankas ka hadashay isu duwaha wasaarada shaqadiyoarimaha bulshada marwoshugri Aadan Bulaal waxaanay sheegtayin ay lagamamaarmantahay in beelahani ay ka dhex muuqdaan saaxada siyaasada sidoo kale waxay beelaha la hayb sooco u soo jeedisay inay isku tashadaanu diyaar garooban sidii ay uga muuqan lahayeen talada dalkacaruurtoodana ay u diraan waxbarashada Sidoo kale waxaa iyana halkasi ka hadashayaagaasimaha guud ee isbitaalka laascaanood Fahiim Jaamac waxaanay aad iyo aad ugu mahad naqaday hayada vosomwo oo soo abaabushay kulankan iyo kulamo horoba sidoo kale waxa ay u mahad naqaday hayada maalgalisay e NED waxaanay sheegtay inayay aad iyo aad ugu faraxsantahay inay ka soo qayb gasho kulan lagaga hadlaayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay eek u dhaqan gobolkan sool gaar ahaan magalada laascanod Waxaanay sheegtay in sidakaliya ee aay kaga dhex muuqan karayantalada dalku ay tahay in ay helan saami kooto ah waxaanay ka codsatahay golayasha sharci dejinta Somaliland in ay xil iska saaraan sidii dadkasi ay uga muqan lahayeen saaxada siyaasada waxa isna goobtaa ka hadlay ku xigeenka badhasaabka gobolka Sool C/rashiid Xirsi waxa uu aad iyo aad ugu mahad celiyey ka soo qayb galayaasha kulankaniyo cidii so abaabushay waxaanu sheegay in ay gobol ahaan aad iyo aad u soo dhaweynayan cid kasta oo ka hadlaysa xuquuqda beelahan isla markaana ay waajib tahay in aay helaan xuquuqda ka qaybgalka siyaasada dalka waxan u soo jeediya golayaasha sharcidajinto in ay ansixiyaan kootadi uu madaxwaynoho ku soo celiya golaha barlaamaanka
Leave a comment |
|
Kulan lagaga hadlaayey ka qayb galkagalka siyaasada iyo xuquuqda beelaha lahayb sooco ayaa lagu qabtay Xamdi Hutel ee magalada laascaanood ee gobolka sool
Hargeisa(xogreebnews.com-Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey ururka codka haweenka laga tirada badan yahay ee vosomwo