Marwada 1aad ee Qaranka: Marwo ka Midho-dhalisay Saddex Arrimood oo laf-dhabar u ah Horumarka Dalka

0
Sunday December 29, 2013 - 21:27:01 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwada 1aad ee Qaranka: Marwo ka Midho-dhalisay Saddex Arrimood oo laf-dhabar u ah Horumarka Dalka

    Waa sababta bulsho kastaa iyagoo ka duulaya rabitaankooda u xushaan kalsoonidoodana ku aaminaan hoggaamiye ay ku ixtiraamaan masayrkooda iyo mustaqbalkoodaba, waana sababta loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa sababta bulsho kastaa iyagoo ka duulaya rabitaankooda u xushaan kalsoonidoodana ku aaminaan hoggaamiye ay ku ixtiraamaan masayrkooda iyo mustaqbalkoodaba, waana sababta loo waa hubaal inaynu nahay bulsho u heelan ka midho-dhalinta qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Haddaba, si aynu u rumayno riyadani ayaad dareemaysaa inay dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland u xusul-duuban yihiin xaqiijinta ahdaafta iyo himilooyinka inoo gaarka ah.
Waa sababta bulsho kastaa iyagoo ka duulaya rabitaankooda u xushaan kalsoonidoodana ku aaminaan hoggaamiye ay ku ixtiraamaan masayrkooda iyo mustaqbalkoodaba, waana sababta loo tiraabo in qaranimada la sheegaa ka soo bilaabanto qoyska, waana sababta NABIGEENII SUUBANAA (NNKHA) uu talada qayb ka mida kalatashan jiray haweenkiisii.

Haddaba, in laga wada qaybqaato horumarka dal iyo dad ayaa u baahan in ay isla jaanqaadaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, waana taas ta aynu ugu baahanahay masuuliyad wadareed (collective responsibilities) oo haweenkuna u yihiin udub dhexaad.Sidaa darteed,
ayey marwada 1aad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina-weris ugu gorgortantay in xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay saygeedu hoos u eegto cabashooyinka haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo iyagu aalaaba ku baraarugsanaa inuu qaranku tabayo ka qaybqaadashada haweenka ee talada dalka, runtiina way ka midho-dhalisay, waana sababta meesha ka saartay cabashadii joogtada ahayd ee haweenkeennu hadh iyo habeenba ka socon jirtay qaybaha kala duwan ee war-isgaadhsiinta. Hadaba ana aan ku horreeyo qodabkani aan xusay oo ahmiyadiisa gaarka ah leh:
1- ka qaybgalka haweenka ee talada dalka inay marwo Aamina-weris ka midho-dhalisay waxa markhaati inoogu filan saamiga haweenku ku leeyihiin xukuumaddan Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo meelaha muhiimka ah ee ay bulshadu tabaysay in haween madax looga dhigo. Bal si kooban aan u tilmaamo xilalka muhiimka ah ee haweenka Somaliland hayaan;
a) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
b) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga
c) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka
d) Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada
e) Maareeyaha Xafiiska Samofalka Mucaawimooyinka
f) Guddoomiyaha hay?adda Xuquuqal Insaanka qaranka.
Sidaa darteed, Marwada 1aad ee qaranku iyadoo ka duulaysa inaannu kala dhantaalmin horumarka dalkeenan curdinka ah ayey geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay in la helo haween ku habboon oo ka soo bixi kara kaalinta shaqo ee looga baahanyahay hay?adahaasi aan kor ku soo xusay, Eebena Marwo Aamina-weris wuu ku guuleeyey arrintani, waana hubaal inay qaybaha kala duwan ee bulshadeenu mahadiyeen.
2- Taakulaynta iyo caawimada joogtada ah ee qoysaskeena danyarta ahi waa tallaabo wax ku?oola oo marwada 1aad ee qaranka Somaliland iska saartay xil iyo masuuliyad gaar ah, waana sababta saddexdii sanno ee xukuumaddani jirtay aynu u aragno raashin mucaawimooyina oo loogu talogalay bulshadeena danyarta ah, iyadoo aynu dhammaanteen ka warqabno in si joogto ah danyarteena ku nool gobollada kala duwan ee dalka oo loo qaybinayo raashin, waana arrinta keentay in badan oo bulshada ka mid ahi uga doodo raashinkani danyarta loo qaybinayaa ma qorshe cusub oo xukuumadda Axmed Siilaanyo la timid baa mise horeba raashinkani dalka wuu u soo gaadhi jiray ee si kale ayaa loo maamuli jiray.
Aan ku soo koobo tallaabadani inay tahay mid marwada 1aad khayr iyo xasanaad Alle kaga helayso tallaabadan muhiimka ah oo ah kuwa uu ku xusay kitaabkiisa Qur?aanka ah, inagana waxa inala gudboon inaynu ugu mahadnaqno, uguna hiilino kuna dhiirigalino joogtaynta tallaabooyinka noocan oo kale ah.
3- Horumarinta xarumaha agoomaha ee dalka oo aad moodo in aynaan bulsho ahaan hore ugu baraarugsanayn xilka iyo waajibaadka culus ee loo baahnaa inaynu ka gudano xarumahaasi, balse nasiib-wanaag marwada 1aad ee qarankeenan Somaliland Marwo Aamina-weris xil iyo waajibaad culus ayey iska saartay quudinta iyo kobcinta dhan kasta ee xarumaha agoomaha ee dalka, waana sabata aynu u aragno in xukuumaddu ahmiyad gaar ah siisay arrintan oo inta badan dalalka Islaamka ah aynu ka codsano inay wax inagala qabtaan dhismayaasha xarumaha agoomaha, balse intii ay xukuumadan Madaxwayne Axmed Siilaanyo talada dalka haysay waxa la hirgaliyey fooqyo waawayn oo loogu talogalay in lagu xanaaneeyo agoonta Somaliland, sidoo kalena, lagu kobciyo caqligooda iyo caqoontoodaba.
Sidaa darteed, tallaabadanina waa mid wax ku?oola oo ay marwada 1aad ee qaranku Marwo Aamina-weris waysada u biyeysatay Allena ku asturay ka midho-dhalinta arrintani wax ku?oolka ah.
Haddaba, muwaadiniinta reer Somaliland ee aan ka mid ahay waxa la gudboon inaynu waanaga dhiirrigalino marwada 1aad Marwo Aamina-weris iyo muwaadin kasta oo la midana ku dhiirrigalino waxqabadka ay muujiyaan si loo dardargeliyo hagaajinta iyo daryeelka dantaguud iyo guud ahaan horumarka dalkaba.
Qalinkii Cabdiqani Daahir Ismaaciil



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured