Dilki Foosha Xuma ee Loo Geystay Muwaadin Somalilander ah Marxuum Xassan Cumar Maxamed oo Lagu Toogtay London

0
Sunday December 29, 2013 - 20:40:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1086
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilki Foosha Xuma ee Loo Geystay Muwaadin Somalilander ah Marxuum Xassan Cumar Maxamed oo Lagu Toogtay London

    Waxaay ahaayd fiidnimadii 26kii December 2013 fiidnimo markii Xassan Cumar Maxamed(Cumar madoobe) ahaana AYR

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaay ahaayd fiidnimadii 26kii December 2013 fiidnimo markii Xassan Cumar Maxamed(Cumar madoobe) ahaana AYR Waxaay ahaayd fiidnimadii 26kii December 2013 fiidnimo markii Xassan Cumar Maxamed(Cumar madoobe) ahaana AYR nin dhalinyara ah oo Dhalasha ahaaana ka soo jeeday dalkan UK, balse asal ahan u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, uu gurigisii uga baxay si nabad gelyo iy xasilonaani ku jirto isaga oo aay qalbigiisa ku negidahay inuu ku noolyahay ama uu dhex maraayo dal amaana oo nabadiisa iyo sharcigiisuba suganyihiin(The Law and Order),waayo hadii mara aay sina maskaxdiisa ugu soo dhacday mid taa ka duwani oo gaar ahaan naftiisa uu khatar uga baqaayo waxaa hubaala inuu jeebka atleast ku sidan lahaa hub ama wax uu isku difaaco sidaay Africa iyo meeshii isagoo laba jirka ah xabada lagaga soo qaxiyay ka dhici jirtay, waxaa loo soo qaxiyay sii uu helo nolol cisi leh iyo nabad gelyo waarta. Ilahaay naxariistii jano ha ka waraabiyee Xassan, madaaba lagu jiray xiliyadii fasaxii diinta maseexiga ahaayd,shaqana aanay jirin waxa uu niyaaysatay inuu saxibadii kula soo caweeyo goob ka mida goobaha aay ku caweeyaaan dadka dabaqada loo yaqaano mandaqada dhexe oo sida la sheegay dabcan aay ku sugnayeeen dad badan oo aaynigiisa ah iyo qaar ka da'a duwaniba.

Xassan waxaa isaga oo ilaa 3ddex sano jiray aabihii oo ahaa A.Y.R. nin seaman ah kana mid ahaa ragii ugu horeeyay ee
ka soo tacabira Somaliland Protected staekii Jiri jiray xiligaa muda ka badan 50 sanadood, Abihii Cumar MC oo geeri kaga horeeyay waxa uu Xassan iyo Qoyskiisaba u soo daad gureeyay ka dib markii guryihii uu kulahaa magaalada Burco Somaliland taliskii macangaga ahaa uu ku dumiyay madaafic iyo hubka lidka diyaaradaha isagaay taasi keliftay in Xassan oo caaydiya duurka lala galo, ,Taas waxaa ka adkaaysan kari waayay AYR Aaabihii oo saan xusay ahaa nin ka mid ahaa ragii reer Somaliland ee bada ka shaqaayn jiray kana midka ahaa dadkii dalkan uGu soo horeeyay ee magaca Somaliyeed sheegta, waxaanu goostay inuu Xasan iyo
qooyskiisa ka soo samata bixiyo kalana soo qaxo dhibaatada kaga habsatay dalkoodii hooyo ee isaga iyo ubadkiisuba u dhasheen. Arrintanina waxaay ahaayd mid uu kala sinaa dhamaan dadka u dhashay Somaliland oo xasuqooda loo kala midaan deyin.
Xasaan sidiibuu UK nasiibkiisa kaga qaaday, ku koray, wax ku bartay kuna shaqeeyay, iyada oo sida qooyskiisa oo aanan anba kafogeeyn ii sheegeen inuu u sheegay inuu niyaaysanaa inuu marka u horeeysee sumehan Somaliland booqasho ku tegi doono, ta alaa ka qornaayd.se
Hadaba ta alloo mar kasta qoran meela laga dhafaayn iyo geeridoo xaqa mar kasta..miyaanay nasiib daro iyo boog madow ku ahaayn daawladan ingiriiska in ubaxii dalkan aan waxba galabsan badheedh cad baas loogu mariyo badhtanka faras magaalada London, iyada oo goobtan dilku ka dhacay ka yar laba maayl xaga waqoyi ka xigto aqalka uu degenyahay Priministerka dalkani(DS) halka uu isna u muuqdo goobta lagu toogtay Xassan aqalka dalka Ingiriiska looga taliyo(PP), waxaa iyana koonfur bari kaga began oo ilaa laba maayl u jiirto qasriga weeyn ee aay degentahay Boqorada dalku, waxaana dhinac kasta kaga hareeraaysan goobtan xafiisba xafiiska uu dalkan UK ka muhiimsanyahay.
Hadaba aniga oo marka hore dhamaan qooyskaayga reer Cumar Maxamed ama Reer Maxamed Cismaan ka tacsiyadaaynayaa wiiLKENII qaaliga ahaa ee Inaga wada baxay,ilaahayna uga baryaaya inuu janadii farduusa ka waraabiyo, ayaan waxaan Boqortooyadayada Ingiriiska u soo jeedinayaa inuu dilka Xasaan u noqdo qaaylo aay ku toosaan(Wake up call) waayo waxa uu arinkani cadaaynayaa sida aan runtii u jirin qof aay nabad gelyadiisu sugantahay dalkan , ama weeynoow,ama yaroow,ama muhiim ahoow ama qof caadiya ahoow, ama taajir ahoow ama faqiir ahoow, waxaa iyaduna wax laga naxo ah sida Hubka sida deg dega ah wax u gumadaa uu manta available uga yahay dariiqyada UK gaar ahaan magaalamadaxda London.
Waxaan Poliska dalkan si xoogle u farayaan inaay raadshan oo la helo cidii dhigtay mu,aamaradan lagu qaarajiyay wiilka dhalinyarada ah ee aan cidna wax u geeysan waxna galabsan.
Waxaan kaloo jaaliyada Somaliyeed ama Somaliland xasuusinayaa nin qaayrkii loo xiirayoow soo qooyso wax badan ayaaynu aragnay Yarad Somaliyeed oo la toogtay ama la gaawracay aan laba Cali isweeydiin,maanta waa Xassan alaa yaa raxma Berina it could be your son, fadlan meel kastaad joogto anaga iyo poliska dalkanba naga caawi sidii cidii Dhiiga Xassan Cumar qubtay cadaalad loo horkeeni lahaa.. Mar kale waxaan geeridan anfariirka ah ka tacsiyadaaynayaa Qooyskaayga reer Cumar amaba reeer Maxamed fara badane iyo dhamaan eheliyadayadii kaluu ka gerriyooday Xassan.... INAA LILAAHU WAA INALILAAHU RAAJUCUUUN.

Jama Ali Musa
UK




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured