Xildhibaan Qabille Oo Ayaandarro Ku Tilmaamay In Madaxweyne Siilaanyo Sii Daawado Dastuur Jebinta Wasiirka Macdanta Iyo Aqoondarradiisa Dhinaca Shuruucda Dalka
Hargeysa(xogreebnews.com-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Tallaabooyinka Taban ee uu Gacanta ku Hayo wasiirka wasaaraadda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ay yihiin qaar si weyn u wiiqaya Wada jirka iyo Jiritaanka Somaliland.
qabileXildhibaan Qabille waxa uu ayaandarro ku tilmaamay in Maanta uu Wasiirka Macdantu garan waayo xeerarka iyo Shuruucda Dalka u taalla, islamarkaana uu shaki geliyo awoodaha wakiilladu u leeyiyihiin ansaxinta Heshiisyada Caalamiga ah ee wasaaradiisu gasho.
Xildhibaan Qabille waxa uu farta ku fiiqay in Haddii uu wasiirku Golaha hor keeni waayo heshiisyada oo ayaamahan saxaafadda Ka Sheegayey uu Goluhu wax iska Weydiin doono Shaqada uu qaranka u hayo, isla-markaana ay suurto gal tahay in xasaanadda laga qaado, maadaama oo Dafirsan yahayb Awoodaha sharciga ah ee Golaha Wakiillada Somaliland. Md Qabille ayaa sidoo kale qayrul distoori iyo arrin khatar ku ah qaranimada Somaliland ku tilmaamay ciidamo ajaanib ah oo dalka loo keeno sugida amaanka shirkadaha shidaal baadhista ka bilaabaya dalka sanadka cusub ee 2014-ka. “May ahayn inuu maanta wasiirka Macdantu Xuseen Cabdi Ducaale uu xil hayo, golaha Wakiilada ayaana dhawr jeer looga yeedhay, waana ayaan darada haysata maamulka madaxweyne Siilaanyo ee layliga ah, hadaanu qofku garanaynin shuruucda u dagsan maamulka dawladeed ee uu ka tirsan yahay waa nasiib daro. Maamulka madaxweyne Siilaanyo-na waa mid ka booday shuruucdii iyo distoorkii dalka u dajisnaa, mana soconayso distoor jabin iyo heshiisyo aan sharciyada la soo marin oo si qarsoodiya lagu galo”. Ayuu yidhi Xildhibaanku oo u warramayey qaar ka mid ah warbaahintu. Hadalkan Xildhibaanka ayaa ku soo Beegmaya xilli uu wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Axmed Ducale uu si cad u sheegay inaanay Baarlamaanku Xaq u lahayn in Heshiisyada uu Galo La Hor geeyo, waxana uu tilmaamay inuu xaq u leeyahay inuu Ciddii uu doono uu heshiis la galo.xogreebnews.com-Hargeysa Office Leave a comment |
|
Xildhibaan Qabille Oo Ayaandarro Ku Tilmaamay In Madaxweyne Siilaanyo Sii Daawado Dastuur Jebinta Wasiirka Macdanta Iyo Aqoondarradiisa Dhinaca Shuruucda Dalka
Hargeysa(xogreebnews.com-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in Tallaabooyinka Taban ee uu Gacanta ku Hayo wasiirka wasaaraadda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ay yihiin qaar si weyn u wiiqaya Wada