Maareeyaha Tv.ga Qaranka iyo Wasiir Cukuse Midna Shaqaalaha Umay Cadaalad Sameyn Gaar ahaan Shaqalaaha Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil.

0
Sunday December 29, 2013 - 07:56:09 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Tv.ga Qaranka iyo Wasiir Cukuse Midna Shaqaalaha Umay Cadaalad Sameyn Gaar ahaan Shaqalaaha Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil.

    taariikhdu waa ma guraan oo hadba way soo noqnotaa ninba waxbay ka qortaa hadii uu xil hayo iyo hadii kaleba, waxaan uga socdaa qormadaydan cadaalad daro tii ugu weyneyd oo ka taagan tv.ga qaranka somaliland oo ah hayada labaad ee dalka ugu miisaaniy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

taariikhdu waa ma guraan oo hadba way soo noqnotaa ninba waxbay ka qortaa hadii uu xil hayo iyo hadii kaleba, waxaan uga socdaa qormadaydan cadaalad daro tii ugu weyneyd oo ka taagan tv.ga qaranka somaliland oo ah hayada labaad ee dalka ugu miisaaniyada badan, hadaba waxaan qormadan doonaya in
taariikhdu waa ma guraan oo hadba way soo noqnotaa ninba waxbay ka qortaa hadii uu xil hayo iyo hadii kaleba, waxaan uga socdaa qormadaydan cadaalad daro tii ugu weyneyd oo ka taagan tv.ga qaranka somaliland oo ah hayada labaad ee dalka ugu miisaaniyada badan, hadaba waxaan qormadan doonaya in aan kaga hadlo cadaalad daro weyn oo ka taagan tv.ga qaranka somaliland oo haba yaratee shaqaalaha ka soo jeeda gobolka saaxil laga siin wax agaasime waaxeed ah ama aan loo samayn wax dalacaad ah, halka gabi ahaanba shaqaalaha kale ee ka soo kala jeeda beelaha kale mid weliba ay ku leedahay agaasimo waxaadyo iyo dalacaado loo sameeyey shaqaalahooda,


hadaba tv.ga qaranka somaliland oo uu maareeye ka yahay Khadar Cali Gaas ayaan haba haraatee wax tixgelin ah siin shaqaalaha ka soo jeeda gobolka saaxil oo marka horeba tirada ka hawl gasha xarunta tv.ga qaranku iska yaraayee oo tiraba ilaa 3 wariye ay kaga hawl galaan, taasi oo baalmarsan cadaalada iyo saami qaybsiga beelaha somaliland ee hayadaha xukuumada somaliland, markaa hadii maareeyaha tv.ga qaranku wax ka qaban waayo cadaalad darada shaqaalaha ka soo jeeda gobolka saaxil ay ka tirsanayaan tv.ga qaranka waxay arintaasi gaadhi doontaa meel khatar ah.

inkastoo aysan wanaagsanayn in warbaahinta lagu soo bandhigo cabashada iyo cadaalad darada haysata shaqaalaha tv.ga qaranka ee ka soo jeeda gobolka saaxil hadana waxaa lagama maarmaan noqotay si dadweynaha reer somaliland meel kasta oo ay joogaan u ogaadaan sida ay wax yihiin , oo qofkii akhriya qormadani uu isaga laftigiisu baadhitaan ku soo sameeyo arintan aan ka hadlayo, oo weliba uu tago xarunta lafigeeda oo uu soo waraysto dadka xog ogaalka ah ee wasaarada, waxa kale oo ay tahay in ay arintan ka hadlaan xukuumada madaxweyne siilaanyo oo balan qaaday in ay cadaalad iyo sinaan dadku u yihiin, ta kale waa in salaadiinta,aqoon yahanada, siyaasiyiinta gobolka saaxil arintan baadhitaan gaara ku sameeyaan isla markaana meel cad iska taagaa cabashada shaqaalaha ka soo jeeda gobolka saaxil oo xaqoodii ka dulmiyey, maareeyaha oo ah nin qurba joog ah ayaan wax aqoon ah u lahayn dadka, inkasta oo isaga laftigiisu xooga saaro kala dhaweysashada shaqaalaha oo uu inta badan soo dhaweysto shaqaalaha reerkooda oo uu u qoray gunooyin badan isla markaana uu u taxay xilal badan.

wasiir cukuse oo isagu bishii dhaweyd sheegayey in uu u dagaalamayo xaqa shaqaalaha ayaan habaraa arintan aynu ka hadleyno aan waxba ka qaban oo doonaya in uu isagu shaqaalaha ka dhaadhiciyo dano gaar ah iyo ujeedooyin kale oo u leeyahay, wasiir cukuse ayaa had iyo jeer sheega in uu doonayo sidii xaqa shaqaalaha loo soo celin lahaa balse su’aashu waxay tahay hadii aad doonayso wasiir cukusow in aad shaqaalaha u doodo wax ka qabo cadaaald darada weyn ee ka jirta guud ahaanba wasaaradaada?!

guntii iyo gabagabadii hoos xukuumadu ha u eegto sinaanta iyo cadaalad darada ka taagan guud ahaanba wasaarada warfaafinta oo shaqaalaha ka soo kala jeeda beelaha ha loo simo shaqada, waayo beelaha qaarkood waxay leeyihiin 6 agaasime waxeed ugu yaraan qaar kalena 5 ugu yaraan ,arintaasi waa wax ka fog cadaaladda iyo sinaanta shaqaalaha wasaarada warfaafinta guud ahaanba.

Qore:Maxamed Cumar

Berbera/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured