Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Ah Hormuudka Xildhibaanada Burco Ma Geyo Cay Dhaleecayn Ninka Ka xun Horumarkiisoow Alle Hakusoo Hadeeyo–

0
Saturday December 28, 2013 - 21:17:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi Bidhi Oo Ah Hormuudka Xildhibaanada Burco Ma Geyo Cay Dhaleecayn Ninka Ka xun Horumarkiisoow Alle Hakusoo Hadeeyo–

    Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo kamida Xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco waa shikhsi ku sifaysan daacadnimo iyo hawl kar, waxaa maanta ayaan daro ah ninka inta uu afkiisa kala furay is yidhi wax ka sheeg qof ilaahay iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo kamida Xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco waa shikhsi ku sifaysan daacadnimo iyo hawl kar, waxaa maanta ayaan daro ah ninka inta uu afkiisa kala furay is yidhi wax ka sheeg qof ilaahay iyo dadkiisuba jecelyihiin lagana wada Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi oo kamida Xildhibaanada golaha deegaanka degmada burco waa shikhsi ku sifaysan daacadnimo iyo hawl kar, waxaa maanta ayaan daro ah ninka inta uu afkiisa kala furay is yidhi wax ka sheeg qof ilaahay iyo dadkiisuba jecelyihiin lagana wada dheregsan yahay Kartidiisa iyo Aqoontiisa iyo dedaalka uu leeyahay oo qofkastaaba uu ka makhraati kacaayo maanta.
Waa ayaan daro waa nasiib xumo inaad ka masuugtaan maanta Haldoorka Golaha Deegaanka Degmada Burco, Mr Bidhi waa qofka keliya ee maanta Golaha deegaanka Degmada burco ugu bulshaawiyeysan aanad iska fahmi kartaan, Mubaariga waa nin Qurba jooga waa nin leh waayo aragnimo balaadhan waa nin kasoo shaqeeyey Dawladaha hoose ee Sweden aqoonyahan kasoo baxay jaamacado abdan oo ku yaala dalka UK waa nin garanaaya la dhaqanka bulshada iyo habka lagu hor marin karo dal iyo dad.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi waa ninka keliya ee is waafajin kara codka Golaha deegaanka burco dhamaantoodna isu keeni kara isagoo taasi ku kasbaday hawlkarnimadiisa iyo aqoonta xeeladaysan ee uu u leeyaahy sharciyada kala duwan ee caalamigaa waa nin jecel midnimada iyo maslaxada ummadiisa waa nin ka shaqeeya caam ahaan maslaxada qarankan aanu dhisanay.
Xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi Bidhi waa Xildhibankii keliya ee ka ka dhiidhiyey rabshadihii ka dhacay burco waa ninkii madaxda dawlada u sheegay kuna dhiiri geliyey in sida ugu dhakhsaha badan looga hortago rabshadahaasi loona dhameeyo isagoo xusay inaanay dan u ahayn bulshada somaliland ayna nasiib xumo tahay in dad walaalo ah oo gacal iyo xidid soo jireen ahi maanta fawdo laga dhex dhaliyo aanay banaanayn taasi oo ay Wasaaradii Xukuumadu madaxa u ruxeen ugana mahad celiyey caqliga wanagasan iyo maskaxda fayow ee uu keenay Xildhibaan bidhi.
Waxaan u sheegayaa shikhsigaas damiir laawaha ah ee ay caadifadu qaaday gadhkaaga iyo gumadaada waxaa buuxiyey cuqdad iyo xanuun aan daawo lahayn dushaada waxaa kasoo baxay cunsuriyad, hadaba waxaan xaal iyo boola jiis ka siinaynaa Xildhibaanka ixtiraamka naga mudan qoraalkaas lagu afla gaadeeyey aanu maanta ahayn nin geya balse uu yahay nin abaal lama ilaawaana ku leh gobolka togdheer waanu ka xunahay xildhibaan yar yar kaas ay caadifadu qaaday ee ay daaha dabadisa kasoo hagayaan ragga ku caan baxay fidma walayaasha rabshadaha burco oo dhawaan jeelka laga soo buuxin doono.
Ilaahay Cimriga Caafimaadka Caqliga iyo Dedaalkaba haw barakeeyo Xildhibaan Mubaarak Yuusuf Cilmi (Bidhi) waa nin Dhalinyaro ah oo aad u dedaal abdan umaduna wax xumaan ah kamay arag shikhsiyaadkaa ka xun horumarkiisana alle ha tuso wanaaga.
Faysal Daahir
Burco -Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured