Maaha Sir Culus ee Waa Been Culus Oo Aan Baadhis Cadayn By: Siciid Faarax Cali–

0
Saturday December 28, 2013 - 21:10:17 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maaha Sir Culus ee Waa Been Culus Oo Aan Baadhis Cadayn By: Siciid Faarax Cali–

    Maaha Sir Culus ee Waa Been Culus Oo Aan Baadhis Cadayn By: Siciid Faarax Cali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maaha Sir Culus ee Waa Been Culus Oo Aan Baadhis Cadayn By: Siciid Faarax Cali Ma jirto, mana hayno goob Xukuumad iyo Booliska Waxa baadhaa ku soo bandhigay cidii abaaabulaysay ama soo qabanqaabisay mudaharaadkii ka dhacay Burco.
Ma jirto Boolisku cid uu la xidhiidhiyey ama uu qabtay rabashadahaasi, oo illa hadda la ogyahay .
Hadaba waxa ayaan daro ah inta qof uu soo qoro aragtidiisa oo cid iska eedeeyo ama wax aanay gayn dusha ka saaro.
Waftiga Xukuumadda ee ku sugan Burco iyo sarkaakiisha booliska ee jooga maxay u sheegi waayeen arrintaasi. waa wax lala yaabo cidda soo baadhay ee soo caddaysay, ka dibna eedaysay raggan mala odhan karaa waa nacayb shakhsi, oo lagula dul kufay dad birmi gaydo ah, mise waa arin kale oo aynaan garanayn.

Waxa ka sii daran taa, warbaahinta hubsiina la'aanta ku qorta,war aanay hubin,ciddi soo dirtay, oo la hubin warkaasi in uu jiro , Balse iska daabacda marka laga reebo kuwo hayb qabiil ku daabaca, Hase Yeeshe kuwa dhex dhexaadka ah ma galiyaan mana daabacaan wax aanay iska hubin oo boro bagaando ah.
Tallo ahaan waxaan u sooo jeedinaynaa in layska hubiyo qoraaladda been abuurka iyo cuqdadaysan, ee isku dirka xanbaarsan ee la doonaayo in lagu kala fogeyo bulshadda, wax haboon in nabadda iyo isku soo dhawaynta Bulshadda laga shaqeeyo Ebbena laga cabsado.
Siciid Faarax Cali
Burco/ Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured