Dawlad bilaa waxqabad ah W/Q, Hibo Maxamed Cali,

0
Friday December 27, 2013 - 22:45:15 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlad bilaa waxqabad ah W/Q, Hibo Maxamed Cali,

    Dawlad bilaa waxqabad ah W/Q, Hibo Maxamed Cali,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlad bilaa waxqabad ah W/Q, Hibo Maxamed Cali, Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan shaqaalaha shabakada hadhwanaagnews. Marka labaad waxa aan salaamayaa dadweynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaaba. Qormadan waa tii u horeysay waxaana igu qasbay in aan qalinka qaato markii aan arkay war ku soo baxay shabakada hadhwanaag oo ka hadlaya mudaharaad ay dhigeen booyadaha biyaha dhaamiya ee Hargeisa.
Anigu waxa aan deganahay mid ka mid ah wadama Yurub laakiin waxa aan ku dhashay Somaliland dhawr jeerna waan ku noqday oo waan ku noolaa Hargeisa. Waxa aan arkay dhibaatada dadka haysata ee dhan walba ah. Waxaa magaalada ka maqan

waxyaabihii aasaasiga ahaa sida biyaha. Booyaha biyaha dhaamiyaa waxa ay hayaan hawl adag oo wax ay buuxiyeen booskii dawlada oo iyaga ayaa dadweynaha biyaha gaadhsiiya.
Uma malaynayo in ay faaiido badan ku qabanaa. Markaa dawladu intii ay isku dayi lahayd in ay dadka sidaas u shaqaynaya in ay dhiirigaliso ayay cashuur ku soo rogtay. Taasi waxa ay adkaynaysaa noloshii dadka booyadaha biyaha ka shuban jiray iyo kuwii soo dhaamin jiray labadaba.
Dawlada cashuurta iska urursanaynay ee kolba dal ugu dalxiistaysa waxa aan kula talin lahaa in ay dadka u naxariisato oo cashuurtoodana ay wax ugu qabato. Magaalada caasimada ah in 50% ka badan biyo ma helaan. Dawlada ayaa looga fadhiyaa in ay biyo gaadhsiiso dhamaan qaybaha kala duwan ee dadkaasi.
Ugu danbeyntii waxa aan taageeranahay mudahaaraadka ay dhigeen dadka ku shaqaysta booyadaha biyaha ee Hargeisa. Cabashadaasi waa in ay dawladu wax ka qabato
W/Q, Hibo Maxamed Cali,
Oslo, Norway





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured