Muxaafid iyo Mucaaridba waa Geel-kiis ,Qalinkii Cabdiqadir Muuse-Taydh

0
Wednesday December 25, 2013 - 20:53:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxaafid iyo Mucaaridba waa Geel-kiis ,Qalinkii Cabdiqadir Muuse-Taydh

    Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabay jaaba-jaaba ah Jajab iyo guraangura Geel-kiiska maansada Gabay jaaba-jaaba ah
Jajab iyo guraangura
Geel-kiiska maansada
Suugaanta gocorka ah
Xulka inan gumeedka ah ?Maansaddii
Isa-sudhan Abwaan Hadraawi?
Geela Magta lagu bixiyo waxa laga soo uruuriyaa Reeraha wax gaystay reerkastaana wuxuu soo bixiyaa Neefka ugu xun oo uu magta iskaga bixiyaa, waxana laysku keenaa geel isku keen-keen ah oo intii ugu xumayd ah, geelaas ayaa loo yaqaanaa Geel-kiis, lagama doono in ay noqdaan geel anfacleh oo waxtara

Hadaba, marka aynu dooranay, magacaaabnay, iyo inta Madaxtinimadda doonaysaa (Mucaaridka ah) ay yihiin dadka intii ugu liidatahay oo ah Geel-kiis ah, hadhoow ma ka sugaynaa in ay dalka wax u qabtaan, Abwaan Gaariye ilaahay ha u naxariistee waxa uu yidhi:-
Dayo iyo Sabeenaha
Daawo kama Dhaxaysee
Hadii laygu dawgalay
In Aan Dacawga Weeraro
Midhaa waxa dooroon
In aan doqonka Eersado
Dunyadda ku aaminay
Looma baahna in aad dawladda canaanato, oo waxqabadka dhaliisho, Mucaarid iyo Muxaafidba waa Geel-kiis, Moraalka waxa dilay, Markii Geela loo diaray, ninkii Maqasha Daayacay Abwaan Gaariye, in badan ayaynu ku jiraynay Ididiilo ah Bari ayay ka wanaagsanaa doontaa, bari ayuu mid ka wanaagsan iman, lakiin manta waynu ognahay in cid kurisga fadhiisan doonta iyo inta fadhidaaba ay isku mid yihiin oo waliba ay isku group yihiin intii dawladii siyaad barre ka Burburtay ama Burburiyey, waxaad arkaysaa mid shalay Mucaarid ah oo Maanta Muxaafida ah Xilna loo dhiibay, waxaan kaloo arkaysaa mid shalay Muxaafid ah (Xil hayay) oo manta xilkii markii laga qaaday Mucaarid ah, oo ka sheekaynaya in dalku meel halisa marayo, waxaanad garanayn dadkan uu lahadlayaa dad caqli leh maanay ahayn, ma markii xilka laga qaaday ayuu dalku meel halis ah marayaa, marka loo xil loo dhiibana waxa uu leeyahay Dalkeena Nimcaa Fadhidda, ninbaa Halhays u laha Caqliga Bili?aadanka ayaad Caayaysaa, maanta cida ?Caqliga Bili?aadankaad Caayaysaa? waa kuwan Muxaafidka iyo Mucaaridka ah.
Baribaa nin meel Kayn ah maraya ayuu Waraabe ku soo Lugta ayuu qabsaday (Ka-qaniinay), Ninkii ayaaa Qayliyay si loo gu soo gurmado, misna waxa qayladii maqlay Waraabe kale, oo intuu soo orday isna Lugtii kale qabsaday, ninkii hadaba kama samrin in uu gurmad helo , hadala uu Qayliyay, misna waraabe kale ayaa maqlay, oo inta uu soo dul istaagay Ninkii oo Labadii wareebe ee labadda lugood haystaa ayuu isna Gacmaha Qabsaday, Ninkii waxa uu garowsaday in meesha aanay gurmad joogin, ee waraabasha aanu isku sii badan intan qaniinsan sidii uu iskaga furfuri lahaa falawgeed uu galo.
Hadaba waxa loo baahan yahay dadkii dalkan lahaa si aynu iskaga furfurno waraabayaashan inagu habsaday, Mucaarid iyo Muxaafidba
Cabdiqadir Muuse-Taydh
Qaadiro707@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured