Saddexda Gole ee Dawladu Ka Kooban Tahay Sida ay U Kala Madax banaanyihiin Waxaa Qeexaya Dastuurka Somaliland Qobkiisa 37 aad Farqadiisa B, Maxakamada Sarana Ma laha Awood ay Ku Hakin Karto Sharcinimada Gudiyadii La Ansixiyey.

0
Tuesday December 24, 2013 - 21:39:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Gole ee Dawladu Ka Kooban Tahay Sida ay U Kala Madax banaanyihiin Waxaa Qeexaya Dastuurka Somaliland Qobkiisa 37 aad Farqadiisa B, Maxakamada Sarana Ma laha Awood ay Ku Hakin Karto Sharcinimada Gudiyadii La Ansixiyey.

    Maal mahan danbe waxaa warbaahinta ku soo noqnoqonayey khilaaf u dhaxeeyey gudoomiyaha golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen oo ay maxkamada sarena gudoomiyaha golaha wakilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maal mahan danbe waxaa warbaahinta ku soo noqnoqonayey khilaaf u dhaxeeyey gudoomiyaha golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen oo ay maxkamada sarena gudoomiyaha golaha wakilada

Maal mahan danbe waxaa warbaahinta ku soo noqnoqonayey khilaaf u dhaxeeyey gudoomiyaha golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen oo ay maxkamada sarena gudoomiyaha golaha wakilada ay u soo dirtay qopraal ay sheegtay in ay ku hakinayso isku shaandhyntii lagu sameeyey gudi hoosaadyada golaha wakiilada ee goluhuna ansixiyey.

Hadaba akhristow waxaa is weydiin u baahan maxkamada sare ma leedahay awood ay ku hakin karto ama ku joojin karto isku shaandheynta golha wakiladu ansixiyeen jawaabtu waa maya, oo qodobka 37 aad farqadiisa B ,ee dastuurka somaliland waxa uu si cad u qeexayaa in sadexda waaxood ee dawladu ka kooban tahay ay kala madax banaan yihiin

1: Fulinta

2: Garsoorka

3: Sharci Dejinta

Oo saddexdooda aysan midina ta kale wax farogein ah ku sameyn karin. Su’aasha labaad ee is weydiinta u baahani waxay tahay khilaafkan ka taagan golaha wakiilada ee u dhaxeeyey gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa ka garqaadaya waxa la isku hayo maxkamada se dacwadooda loo gudbinayaa waa tee taa jawaabteedu way fududahay, maxkamdii kala xukumaysay labada dhinac ee is hayaa waa xildhibaanada golaha wakiilada oo cod ku kala saaraya wixii wal ee la isku qabtaba waa marka golaha la dhex keeno arintaasina waxay dhamaatay oo lagu kala baxay markii goluhu cod u qaadeen wixii la isku hayey.

Hadaba khilaafkii ka dhashay isku shaandheyntii gudi hoosaadyada golakha wakiilada ee kala qaybiyey shir giudoonkii golaha wakiilada wuxuu dhamaaday 21/12/2013-ka markii ay golhu cod aqlibiyad leh ku ansiixyeen. Su’aasha saddexaad ee is weydiinta u baahani waxay tahay waa goorma marka ay maxkamada sare waraaq u soo qori karto madaxweynaha iyadoo ka hadlaysa arin ku saabsan golaha wakiilada waraaqdaasi se maxkamada sare soo qori kartaa waa mid noocee ah sidoo kale maxkamada sare goorma ayay warqad u soo qori kartaa gudoomiyaha golaha wakiilada jawaabahani wey fududu yihiin waxaana qeexaya qodobka 56 aad ee dastuurka somaliland.

Hadii golaha wakiilada laba kala fadhi oo is xiga albaabda loo furi waayo xarunta golaha oo ay cidiba ka soo xaadiri weydo sabab la’aan ama cudur daar la’aan maxkamada sare waxay xaq u leedahay in ay madaxweynaah u qorto waraaq ay kaga dalbanayso in uu ka soo war bixiyo waxa sababay baaqashada labadii kala fadhi ee is xigay ee golaha wakiilada taasina may dhicin.

Hadii golaha wakiilada somaliland oo ka kooban 82xldhibaan ay ku timaado xil gudasho la’aan baahsan oo xildhibaanada golaha saddex daloolow laba oo ah 55 xildhibaan ay is casilaan, maxkamada sare waxay xaq u leedahay in ay waraaq u soo qorto gudoomiyaah golaha wakiilada oo ay kaga dalbanayso wixii sababay mashaqada ku habsatay golaha taasina may dhicin.

Hadaba labada gudoomiye ku xigeen markii ay tegayeen maxkamada sare waxaa suurto gal ah in waxan aan sheegay oo dhan ay garanayaa balse ay xanbaarsanaayeen maah maahdii soomalaiyeed ee ahayd dameero isku haleyn bay hooyadood dabada uga nuugaan.waxaana muuqata in maxkamada sare ay lumisay dhexdhexaadnimadii sharci ee laga filayey, arintaasina akhristow ma lagu sifeyn karaa aqoon daro xaga dastuurka ah oo soo waajahday maxkamada sare ay la mid tahay aqoon daradii xaga hubka ee wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii somaliya ee sanadkii 1964-kii HILOWLE MACALIN. Kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Hilowle macalin wuxuu ahaan jiray wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii somaliya badhtamihii sanadihii lixdamaadkii iyadoo aynu wada xasuusanahay in 1964-kii uu dagaal ba’ani xadka tog-wajaale ku dhex maray dawladihii somaliya iyo boqortooyadii itoobiya waxaana magaaalda hargeysa safar ku yimid HILOWLE MACALIN si uu u dar dar geliyo niyadana ugu dhiso ciidamadii dagaalka ku jiray.

Hadaba hilowle macalin intii uu hargeysa joogay wuxuu booqday xeradii milateri ee ugu weyneyd hargeysa oo ahayd xerada birjeex ee dhinaca bari ka xigta garoonka kubada cagta ee la odhan jiray hawl-wadaag studuim iyadoo ay weheliyaan koox suxufiyiin ah oo ka kala socotay qaybihii kala duwanaa ee warbaahinta iyo saraakiil milateri markii uu wasiirku tegay xerada birjeex wuxuu war bixin ka dhegeysatay sarkaalkii xukumayey xerada birjeex iyo saraakiil kale iyadoo xiligaasi ay goobta ku sugnayd booyad ciidanka biyaha u dhaamin jirtay oo markaa indhaha wasiirka ku cusbeyd oo laga yaabo in uusan iyadoo kale hore u arag waxaanu wasiir hlilowle markiiba maskaxdiisu u sawirtay in ay booyadani tahay taangi ka mid ah taangiyadii ay mucaawinada ku heleen.

Hadaba arintii mucjisada ahayd ee meesha ka dhacday waxay ahayd markii uu wasiirku dhegeystay warbixintii la siiyey ee uu hadalkii la wareegay ayuu markiiba dhaqaaqay waxaanu gacanta midig saaray booyadii ciidanka biyaha u dhaamin jirtay waxaanu yidhi isagoo kor u dhawaaqaya lana hadlaya taliyihii xerada taangigan imisaa ka DHACA !suxufiyiintii goobta joogay iyo saraakiishii ciidamadadu ee wasiirka hareero taagnaa inta ay is wada eegeen ayuu goor danbe taliyihii xeradu isagoo yaaban wasiir HILOWLE MACALIN ugu jawaabay wasiir taangi maaha ee waa booyadii ciidanka biyaha u dhaaminasay.

Hadaba saaxiibayaal marka ay halkaasi marayso ee ay maxkamadeenii sare aqoonta dastuurka halkaa ka taagan tahay waxaan xasuustay mid ka mid ah heesihii soomalaida ee xigmada badani ku jirtay ee uu qaadi jiray Allaha u naxariistee Fanaankii Axmed Maxamed Good Shinbir ee ahayd.

Ayaan Daranaa dhulkeygu Aqoon Daranaa dhashiisu Ilahay markuu wax siiyo ilowsha dhawaa sabuulku.

Madaxweynaha ,gudoomiyaha maxkamada sare, labada gudoomiye baarlabaan ,wasiirada iyo qofkasto qarankan xil u haya wuxuu wax ku yahay sharciga aynu heshiiska ku nahay hadii isaga la ilaalin waayana waxaa meesha ka baxaya kala sareyntii iyo is xukunkii oo waxaynu noqonaynaa garba siman, wax yaalaha kale ee aan la yaabay waxaa ka mid ah hadii ay jirto in warqadii maxkamada sare u soo qortay golaha wakiilada uu u keenay wasiirka xidhiidhka golayaasha oo mar wax laga weydiiyey warqada maxkamada sare u soo dirtay gudoomiyaha golaha wakiilada ku sheegay in ay warqadaasi ahayd kaar jebin oo lagu dejinaayey khilaafkii shir gudoonka golaha wakiilada ,waana ayaan daro marka la miisaabo aqoonta golaha wasiirada ee xukuumada siilaanyo in ay ku jiraan rag noocan oo kale ahahi.

Hadaba isku soo wada duuduboo Saddexda Gole ee Dawladu Ka Kooban Tahay Sida ay U Kala Madax banaanyihiin Waxaa Qeexaya Dastuurka Somaliland Qobkiisa 37 aad Farqadiisa B, Maxakamada Sarana Ma laha Awood ay Ku Hakin Karto Sharcinimada Gudiyadii La Ansixiyey.

Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured