SIILAANYO OO TALAXGABAY IYO TALADDII WADANKA OO GACANTA U GASHAY DUMAR IYO CARRUUR XIRSI TUNTUUN U YAHAY.

0
Tuesday December 24, 2013 - 21:28:09 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIILAANYO OO TALAXGABAY IYO TALADDII WADANKA OO GACANTA U GASHAY DUMAR IYO CARRUUR XIRSI TUNTUUN U YAHAY.

    Waxay umada Somaliland marqudha ku warheshay madaxweynihii ladoortay ee MR. SIILAANYO oo xaalkiisu allaw sahal yahay iyo taladdii waddanka oo gacanta u gashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay umada Somaliland marqudha ku warheshay madaxweynihii ladoortay ee MR. SIILAANYO oo xaalkiisu allaw sahal yahay iyo taladdii waddanka oo gacanta u gashay

Waxay umada Somaliland marqudha ku warheshay madaxweynihii ladoortay ee MR. SIILAANYO oo xaalkiisu allaw sahal yahay iyo taladdii waddanka oo gacanta u gashay dumar iyo carruur uu XIRSI tuntuun u yahay. Markaan leeyay sidan ma’ ihi nin mucaaradnimo ka hadlinayso ama aflaagaado kale wada lakiin waxa lawada socotaan, haddalada khaladaadka ah ee madaxweynaha maalinwalba ka soobaxaaya markasta iyo meelkasta oo uu madaxweynuhu kahadlo waxa ka soobaxa hadalo afkalaqaad iyo argagax ku noqda umadda reer Somaliland guddo iyo debedba meelkasta oo ay joogaan.

Haddaan midh iyo laba ka xuso waxyaabaha umada kanixiyay kuna noqday naxdin iyo afkalaqaad markii madaxweynuhu uu safar debeda ugu baxay xagaayo maraykanka halkaas oo gabadh ajnebi ah oo weriye ah ay waydiisay su’aal ahayd “ waa imisa tirada dumarka ah ee ku jirta golahaaga wasiiradda” su’aashaa oo madaxweynuhu garan waayay wax uu kaga jawaabo si aan hilmaam kujirin, kadibna waxa su’aashii qaatay wasiirka mida ah xubnihii socdaalka ku wehelinaayay.

Arinkaasi waxa uu argagax iyo jawi naxdinleh ku abuuray dhamaan dadweynihii meesha joogay, waxuuna cadeeyay in maxweynuhu uu yahay nin hadda u baahan xanaanayn iyo ka warhayn joogto ah (Home Caring), ee aanu talo iyo awooditoona ku hadhin. Waxa kale oo maragmadoon ah oo dhamaan dadweynuhu shaashadaha aduunka kawada daawanaayeen guddo iyo debedba, socdaalkii ugu danbeeyay ee uu ku tegay ismaamuka somalidu degtoee itoobiya halkaas oo uu kaga qayb galaayay xaflad dhaqameed ay qabsadeen qoomiyadaha itoobiya, waxa islamarkii uu madaxweynaha iyo kooxdii lasocotay oo dhulka ku safraayay gaadheen goobtii xafladu ka socotay oo kutaala magaalo madaxda ismaamulka somalidu degto ee itoobiya lagu soodhaweeyay, waxay hadaba ceebtu dhacday markii kelmedii lasiiyay uu madaxweynuhu ku bilaabay hadalo ay ka midyihiin” waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay in si heersare ah laygu soodhaweeyo Somaliland, waxan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha Somaliyeed”.

Dhamaan dhacdooyinkaa aynu soosheegnay iyo boqolaal kale oo lamid ah ayaa waxa ay noqdeen qaladaadkamaalinlaha ah ee madaxweynaha kadhaca markasta oo uu isyidhaahdo hadal, waxa intaa barbarsocda koox dumar ah oo ay hogaaminayso ISLAANTA AXMED SIILAANYOooay weheliyaan AGAASIMAHASAMAFALKA MADAXTOOYADA iyo WASIIRKA WAXBARASHADA, kuwaasooku dhex asqoobay markii ay silama filaana ugu soomurux satay taladdii qaranku. Kooxdan dumarka ah ee isku urursatay madaxtooyada ayaa markii ay waayeen cidjahaysa ayaa qaarkamidi waxay caadaysteen inay GANBADH ugu soo fadhiistaan MARWO FAADUMO SICIID iyo xubno kale oo dalka iyo dadkaba xurmo iyo sharafka mudan. Hadaba sida ay dhakhaatiirtu cadaysay kadib markii madaxweynaha caafimaadkiisa labaadhay waxaa lacadeeyay inuu haleelay xanuun aan dawo lahay ilaalin iyo xanaanayn mooyaane, kaasoo ah, xanuunka keena xusuus lunka ee layidhaahdo, (vascular dementia), oo ah xanuunka sababa asaasaqa iyo ilawshiiyaa oo ah xusuusta oo lunta. Waxay arintan dhakhaatiirtu ku sababeeyeen madaxweynha oo ah nin imika dadiisu aad u wayntahay iyo muddadii dheerayd ee uu macaaradka ahaa mararna lagaga guulaystay tartankii doorashada ayaa waxay kunoqotay lama filaan iyo farxad maskaxdiisu qaadiwayday kadib markii uu xusbigii kale ee latartamayay kaga guulaystay cod aad ubadan. Waxa intaa weheliya koox dhalinyaro ah oo XIRSI tutuun uyahay iyo ninkale oo madaxweynuhu sodog uyahay oo layidhaahdo MOORGAN oo isaga naasnuujin loosiiyay dhamaan wixii alaabo dawladu leeday ee lagasooo rarayo debeda( logistics) .

Iskusoowada duuboo dhamaan arimahani waxay shacabka reer Somaliland u cadeeyeen in taladii madaxweynuhu meesha kabaxday gebi ahaanba oo ay gacanta ugashay dumar iyo caruur, kuwaasoo taladdi iyo masiirkii umada la anbaday ka nadhigay mid loogu adeego cidgaar ah, waxa intaa dheer sharcigii iyo ixtiraamkii oo meesha kabaxay, kala danbayntii iyo milgihii dawladnimo oon jirin, siyaasadii arimaha debeda oo jahadii kaluntay, siyaasadii arimaha guddaha oo noqotay saxfigaa xidha, xusbiyada mucaaradku ayay dhaqaaqin iyo waxaan dhaamin oo ciddii u fiirsataaba ay garanayso inaanu waxan katalin nin habeen istaagay meel rag ku tashanayo.

QALIKA: AQOONYAHAN AXMED RASHIID (DHANBAAL)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured