Marwo Aamina Waris Waxey Gudatey Waajibaadkeedii Shaqo ee Hala Bogaadiyo Hagardaamadana Ha Laga Daayo

0
Monday December 23, 2013 - 20:16:16 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwo Aamina Waris Waxey Gudatey Waajibaadkeedii Shaqo ee Hala Bogaadiyo Hagardaamadana Ha Laga Daayo

    By:- Ciise Cali Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

By:- Ciise Cali Xasan Waxaan salaamayaa dhamaan saxaafadda madaxbanaan iyo dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee xiiseysa maqaaladeyda waxaan manta u holodey inaan iftiimiyo umadana u sheego in Marwadda koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina waris kaalin weyn ay kaga jirto doorka haweenka Somaliland walibana ay ka firfircoontahey marwooyinkii soo marey qarankan kana aqoon badan taheyHaddaba hadaan usoo noqdo nuxurka maqaalkeygan waxa beryahan dambe ilaa intii ay marwadu safarka salaxley ay ku tagtey aan arkaayey dad maqaalo been abuur ah ku soo qora.

ayey shabakadaha internetka kuwaas oo ku aflagaadeynaayey marwada qaranka ee inaga mudan karaamada , kuwaas oo ku andacoonaya in marwadu ay taladii qaranka maroorsatey oo ay marwadu wadanka u taliso taasina waa been waxaana wadanka ka taliyo Madaxweyne cod aqlabiyad ah lagu doortey oo shacabkiisu ay doorteen mar labaadna ay dooran doonaan .
Doorkii ay marwadu qaranka ku laheyd hadey qabsatey oo ay daryeeshey agoontii dadkii taagta darnaa, waxbarashadii iyo caafimaadkoogana ay ka warheyso ma waxa la odhanayaa taladii ayey maroorsatey , waxaasi waa dhaqan aan hore inoo soo marin balse imika daaha dabadiisa ka hagayaan dad aan ehel u aheyn horumarka Somaliland oo doonaya iney shacabka iyo dawlada isku diraan balse shacabku wuu garanayaa wadada saxda ah iyo qofka maslaxadooda ka shaqeynaya .
Guntii iyo gababadii marwada sharafta leh marwo aamina waris waan kugu hambalyeynayaa dedaalka aad ka wado wadanka ,waxaad tahey marwo buuxisey kaalintii ay qaranka kaga jirtey , dadka warxumo tashiilka ah ee meelaha waxa kasoo tuurtuurayana yey ku niyad jabin alle haku garab galo dedaalka aad wado.By:- Ciise Cali Xasan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured