Madaxweyne Dhegaa ilaahay iga maqal W/Q Xuseen Xasan Badmaax

0
Sunday December 22, 2013 - 21:33:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Dhegaa ilaahay iga maqal W/Q Xuseen Xasan Badmaax

    Dadkan iyo dalkani ma qaadi karo xasarad iyo iska hor keen.Madaxweyne sidan maamulkaagu wadaana waxay abuuraysay kicin iyo xasilooni darro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkan iyo dalkani ma qaadi karo xasarad iyo iska hor keen.Madaxweyne sidan maamulkaagu wadaana waxay abuuraysay kicin iyo xasilooni darro. Ma dastuuri-baa mise waa xeer fara gelinta go?aanka ka soo baxay (House of representatives) ee cod aqlabiyad ah lagu ansaxiyay.Maxaa keenay Madaxweyne inaad dacwad ku lid ah u gudbiso maxkamada Sare/Dastuuri.Maxkamadu se awooda ay ku hakin karto ma jeebka ayay kala soo baxday.Miyaanu go?aanka wakiiladu codka aqlibayada ah ku ansaxiyeen ahayn xeer hoosaad golaha u gaar ah.Madaxweyne ummada waxa qanciyaa waa cadaalad iyo dastuur,amar ku taalaynta iyo awood sheegashadu waa waxii dalkani hore ugu haligmay,umana baahna mar labaad inaynu raadkii dib u raacno.

Madaxweyne,waa maxay sababta aad ku diidayso qabsoomida Dooda Qaran.Miyaanay la mid ahayn taad qabatay 2006dii.Madaxweyne lagaa yeeli maayo sidaan doono ayaan ka yeelayaa arrimaha qaran.Hadaad cod ku fadhidid kursiga ogow inay 2da xisbi mucaarid-na cod ku fadhiyaan oo ay xisbiyo qaran yihiin,talada dalkana wax ku leeyihiin,toosin iyo tusaalayn-ba uu dastuurku xaq u siiyay,inay kaa hor joogsan karaan talaabooyinka ku lid-ka ah arrimaha qarank.
Madaxweyne dhegaha ilaahay iga maqal:
1.Waa inaad ogolaataa qabsoomida Dooda Qaran.
2.Waa inaad hogaan ka noqotaa.
3.Waa inaad agendaha isla qaadataan.
Sidaa ayaa dalka iyo dadka-ba u dan ah,waa sida degenaanshaha dalku ku jiro,waa sida danyarta aan dhibaato u horseedayn.Dastuur iyo shuruucda dalka ayaa ummada isu haya.Hadii lagu dur-duriyo shuruucda iyo dastuurka sideenii ayay-nu madaxa isla geli,baarqab-yadu hirdami,danyartuna ku baro kici doontaa.Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/jsl



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured