Qormadii 55 -aad Waan Yaabey! "Waxaan La yaabey Bar-barad Weliba Khushi-talaabsaanaya" ! qalinkii A/rahman Fidhinle–

0
Saturday December 21, 2013 - 17:43:02 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormadii 55 -aad Waan Yaabey! "Waxaan La yaabey Bar-barad Weliba Khushi-talaabsaanaya" ! qalinkii A/rahman Fidhinle–

    Waa Taxanaheenii iyo Tirsiyadeenii Tusmada iyoTilmaanta ahaa.- Waa Qormooyinkeenii qiraayey Qusumka, Qoonta iyo Qaleylkii lagu qeybsadey maalkii, moodkii, magantii iyo mooradii ummaddena baahan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Taxanaheenii iyo Tirsiyadeenii Tusmada iyoTilmaanta ahaa.- Waa Qormooyinkeenii qiraayey Qusumka, Qoonta iyo Qaleylkii lagu qeybsadey maalkii, moodkii, magantii iyo mooradii ummaddena baahan Waa Taxanaheenii iyo Tirsiyadeenii Tusmada iyoTilmaanta ahaa.- Waa Qormooyinkeenii qiraayey Qusumka, Qoonta iyo Qaleylkii lagu qeybsadey maalkii, moodkii, magantii iyo mooradii ummaddena baahan ee debedyaalka u-ah dacdarada dabeecada iyo duruufaha adag ee is barkan.
Waa taxanaheenii iyo tirsiyadeenii turuntureynaayey isbaarooyinka hor taagan danta ummadda, danta qaranka iyo dariiqa loo socdo.
Waa tirsiyadeenii duraayey kuwa dawaada ka maraareystey ee doobinaaya ee dhibishaxleynaaya ee idinkuna doobir ii dhaha!--.Waa qormooyinkeenii qeexaayey qaran jabka inagu dhacey markii kuwii xilalkii qaranka loo igmadey ay noqdeen damiir-laawe, ma-dirgade, dan-la-orod, doogin-carar iyo daneystayaal daba ka wer wer qaba oo dal-qada uun wax ka arka.---Waa qormooyinkeenii qaawinaayey kuwa kooxeysan, isireysan, xasabeysan, xigaaleysan ee ku-caan baxey doog-dhabashada, habaq-leysiga, habqan-socodka iyo hormo-qamaamka joogatada ah ee ay ku-gadoodayaan xeyn-daabka madaxtooyada iyaga oo reemaaya, guuxaaya oo u-gunuunucaaya sidii loogu sad burin la haa, mansabka,anfaca,iidaanka iyo ilaha dhaqaalaha yar ee wadanka, Waa qormooyinkeenii qawlalaayey ee qodbaayey kuwa aan laheyn xaqdhowrka, xishmada iyo xishoodka ee xeyn-daabkii xilalkooda ku xoogsanaaya ee leh xil-fulin,xeer-dejin,xeer-beegti,xisbi iyo xildhibaano is-xanbaar wada ah ee xeerarkii yaraa ee wadanka u-yaaley wax ku xaal-marin waayey ku xadeyn waayey ee ku xakameyn waayey ee xil-gudashadoodii isku xisaabin waayey ee xaalkoodii uu noqdey uun xansha-shaq iyo xanjadaada meel ku-xejiso iyo ii-xantoobi aan kuu xan-toobiyee, ii xoq aan kuuxoqee, ii-xaadh aan kuu xaadhee iyo ii-xaquuuq aan kuu xaquuqee- hadda waa ilaa iyo sagxada hoose. Dab-liqa!! ayaa ladinka yidhi!

Waxaan la yaabey markii ay Xukuumadeenii bahdilantey ee ay qaadey selel,sas iyo sakati ee ay taangi iyo tiro ciidan ah ku karbaashtey saxaafadii madaxa banaaneyd iyo xorriyal-qowlkii guud ee shacabkii dirtey ee doortey. Waxaan la sii yaabey dhawaanahan xaq-dhowr la'aanta, caga-jugleynta , cabudhinta iyo baaqyadii xuquuqda Aadaha ee caalamiga ahaa oo lagusii tumanaayo maalin kasta iyadoo indhihii caalamku ay ina arkayaan..Waxaa iyana la yaabey Xukuumadeena dul-yar, dareen nugul, diihaal badan, kur-ka nool markii ay Aleel, Alleh bari,salool, shaadali, turub iyo tusbaxba rog-rogtey ee ay ka quusatey ee ay talo qaran iyo dood qaran hada ku miyirsatey. Taasina waxa ay ka markhaati kaceysaa asqada iyo daalaa-dhaca giraantii ay saarneyd siyaasada xukuumada Siilaanyo oo marin habowsan.Waxaan la yaabey Madaxtooyadeenan gaadhigii wadey shidhkiisii ay dad aan loo igman oo aan loo dooran oo aan hore loo aqoon oo gadaal dhalad ahi ay ka dhextooseen ee shukaantii gaadhigana ay sida yar ee fudud uga buuxsadeen ee u-haleeleen. Waxaans'e aan la sii yaabey bar-barad afka taagaaya oo khushi ta-laabsanaaya oo aan cidna waxaba weydiineyd kaas oo xukuumadii ka dhigay deris ku-nool "is-nuug ah" .Waxaas'e taana ka sii darneyd ileen wadaniyad baa wadan lagu dhisaay'e intii nin mujaahid ahaa iyo intii nin muxaafid lahaa oo sidii ay il-qoodha wax-ugu eegayeen indhihii qaloocdeen oo qaadey xiqdi, xajiin iyo xaasaasiyad markii ay u-dhabo galeen cida uu dalka gacanta ugaley waqtigan xaadirka ah.
Waxaan la yaabey dhulkii danta guud ahaa iyo guryihii dawlada oo xaalkoodii uu noqdey dusha waa ka milyan hoostana waa ka sumini!. Yaase laga iibinayaa tallow ? Waa adiga oo ilma jini boqor uun ah.Waxaan la yaabey Wasiiro is xaqira oo u-kala-sareeya sida loogu kala dhaw yahay muska iyo miscirirta xayndaabka madaxtooyada, taas oo kuwa qodinka, udub-dhexaadka iyo dhigaha xayn-daabka haysta ee ka buuxsadaa ay mansabka ku-ugaadh-sadaan oo la soo huluushaan xayndaabka raqdii hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda kadhaxeysey ka-dibna ay isugu habar-wacdaan oo ay halkaa ku xalaaleystaan oo ay xawaaladaha ku dhigtaan.Waxaan la yaabey hantidii ummaddan baahan ee badaha isku gureysa wax loogu qaban lahaa oo lagu tagri falaayo oo loo isticmaalayo awoodii dawladnimo oo la isu qaarobo kiilaayo oo lagu kala fur-furaayo oo lagu kala qeybinaayo midnimadii shacabkii walaalaha ahaa ee danta guudi ka dhaxeysey. Waxaan aad ula yaabey dhamaan xeerarkii dawliga ahaa ee anfaca iyo iidaanka lahaa ee shaqo abuurka ahaa oo miiska hoostiisa la dhigay sida xeerka kala xadeynta ganacsiga, xeerka maalgashiga, xeerka tamarta, xeerka batroolka.Waxaa nasiibdaro ah in ay maanta Somaliland ay shidhka ugu jiraan duul aan kala garaneyn hantidii qaranka, sharciyadii qaranka iyo awoohihii qaranka kuwaas oo lumiyey midnimadii, milgihii iyo karaamadii qaraninmo.
Guntii iyo Geba-gebadii Qormadan: Maanta jiritaankii qaranimada S/land wuxuu ku soo ururay in shaqsiyaad kooban lagu laa-luusho oo loo sadqeeyo intii u-soo dhafartey ee dhiiga iyo dheecaankaba usoodaadiseyna in la bahdilo oo ay indhaha ka daawadaan filinkaa ay hore usoo daawadeen.Intii nidaamkan uu Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay uu qabtey hogaanka S/land, Waxaa ramiimka noqdey oo baaba'ay oo meesha ka baxey hanaankii iyo sharaftii dawladnimo, bro-takoolkii, burjigii, buruudkii iyo burhaantii qaranimo,kala-danbeyntii, karaamadii maa-mul iyo maareyntii dawladnimo iyo higsigii, horumarkii iyo habsami u-socodkii himilooyinkii dawladeed ee la higsanaayeey oo wada hintaaqmey.wada majare-habaabey oo wada gaabis noqdey. Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa maanta iyo mar-walba in xal la raadiyo oo wadanka la bad-baadiyo laguna soo dabaalo maamuus,midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd, waxaana hada shacabka Somaliland la gudboon in la taageero oo talooyin lagu biiriyo Shirka Dooda Qaranka ee xisbiyada qaranku ku baaqeen si loola xisaabtamo oo miisaanka loo saaro wax-qabadka xukuumada looguna toosiyo tubta toosan.
Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured