Qisadii Qaar- waraabe : Cumar Seerbiya

0
Saturday December 21, 2013 - 17:20:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisadii Qaar- waraabe : Cumar Seerbiya

    Hargeysa (xogreebnews.com- Aabanimada ka sawkaw waxaaanu ahayn saaxiibo isku dhaw walaw aanu da’ahaan aad u kala weynayn hadana sheekadu way iskugu kaayo bixi jirtay waxaan sugu jiray markasta oo uu guriga ka maqan yahay. walaalaha kale ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Aabanimada ka sawkaw waxaaanu ahayn saaxiibo isku dhaw walaw aanu da’ahaan aad u kala weynayn hadana sheekadu way iskugu kaayo bixi jirtay waxaan sugu jiray markasta oo uu guriga ka maqan yahay. walaalaha kale ee ila dhashay waxaanu tartan kula gali jiray in aan ka xiga xagiisa aniga oo isku dayaaya in aan sheekooyinkiisa wax kala soo Hargeysa (xogreebnews.com- Aabanimada ka sawkaw waxaaanu ahayn saaxiibo isku dhaw walaw aanu da’ahaan aad u kala weynayn hadana sheekadu way iskugu kaayo bixi jirtay waxaan sugu jiray markasta oo uu guriga ka maqan yahay. walaalaha kale ee ila dhashay waxaanu tartan kula gali jiray in aan ka xiga xagiisa aniga oo isku dayaaya in aan sheekooyinkiisa wax kala soo jeediyo dadka intiisa kalena ay nawada dhagaystaan.
9kii sanno ee ugu horeeyey noloshayda waxaan ku soo qaatay deegaanka miyiga ah ee Aw-barkhadle iyo agagaarkeeda halkaasi oo aanu ahayn qoys xoolo dhaqato ah waxaanu inta badan xaafada u qaabilsanaa in aan raaco maqasha yar yar ee guriga lagu soo reebo ee xanuun ama yaraan darteed u raacikari waayey, sidaasi ayaan ku waday muddo sanado ah.

xoolaha lagu dhaqdo miyiga gaar ahaan adhiga inta badan waxay u kala calaamadsan yihiin qaarkood xubnaha uu qoysku ka kooban yahay .
Qaar Waraabe waxa uu ahaa orgi (Orgac/ Ceesaan ) aabahay Cali Xasan Geelle oo ii magacaa bay in aan leeyahay balse lahaanshiiyahaasi maaha mid uu qofku go,aan ka gaadhi karo nolosha neefkaasi
badhtamihii sannadkii 1994kii aniga iyo Aabahay Cali Xasan Geelle oo waqtigaasi ka yimi dalka Jabouti waxaanu isku raacnay tuulo lagu magacaabi jiray Xorfada oo sidaan filaayo deegaanka Aw-barkhadle ee bariga Hargeysa kaga beegan dhanka Koonfureed waxaanu wadnaa ogrigii Qaar Waraabe oo isagu ahaa ogri u dheer xaga sare ama tunka , taasi oo loogu magac baxshay sidaasi
ma saarnin baabuur balse waqti kooban oo aan orgiga la waday aabo waxaanu goor barqo dheer ah galnay tuuladii xorfada .
tuuladu waa tuulo ay ku noolyihiin dad koobani oo markaasi aan ku qiyaasay ilaa sadoneeyo qof. waxaanu fadhiisanay mid ka mid ah meherado halkaasi ka furnaa oo ay laba haween ahi lahaayeen waxaanu salka dhignay cawo ku hoos gog lahaa meheradaasi.
Qaar-waraabe waxa uu ku xidhan yahay geed ku dhex yaala tuulada waxaanu diyaar u yahay in aanu ka iibino ganacsade hilibka ku qala Xorfada .
dhinac waxay iiga ahayd farxad waxaan la socday aabahay waxaanan u arkaayey in aan deegaan kale u dhoofay , dhinac kalena waxaan dareensanahay in la iibinayo ogrigaygii , waxaan kala sheekaystay aabahay arrinta ku saabsan orgiga waxaanu ii sheegay in marka aanu qaadano lacagta lagu iibshay orgiga uu iiga iibinaayo kabo iyo nacnac markaasi loo yaqaanay Shaag-laydh oo uu ogaa in aan aad u xiiseeyo.
isla safarkaasi aanu wada galnay Aabahay waxaan ka xusuustaa in ay ahayd maalintii iigu horaysay ee aan d hagaysto hees markaasi lagu tumaayo music iyada oo ka horna aan ka qayb-galay aroos isagu lagu qaadayo heeso basle waxa heestaasi ahayd mid cod ahaan uun lagu qaadayo .
hees aan muddo dheer ka dib ogaaday in uu lahaa alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Huryo, taasi oo uu hal abuuray sannadkii 1969kii uuna u dhibay fanaankii geeriyooday ee Xuseen Yuusuf Tarabi oo magaceeda la yidhaahdo : Indho Deeralay: ayey ahayd markaasi heesti iigu horaysay ee aan maqlo iyada oo music ama cajalad ka baxaysa .waxaanan ku dhagaystay meheradaasi aanu markaa fadhinay aniga iyo aabahay Cali Xasan Geele.
ka dib waxaanu iibinay orgigii aabahayna waxa uu sameeyey balanqaadkii uu aniga ii sheegay kaasi oo samir siin iiga noqday iibka orgigaygii .
Cumar Seerbiya
omarserbia1@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured