Ciidamada Bilayska Somaliland Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Nin Dhaawac U Geystay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

0
Friday December 20, 2013 - 21:44:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Bilayska Somaliland Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Nin Dhaawac U Geystay Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Xukuumada Somaliland.

    Hargeisa(xogreebnews.com- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuft

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuftay madaxii Hargeisa(xogreebnews.com- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuftay madaxii shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa Ilyaas Daa’uud.
Taliyaha oo galabta u warramayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay “Ciidanka Boolisku waxay hawl-gal balaadhan oo ay shalay galab illaa xalay wadeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo Khamiistii dhaawacay Ilyaas Daa’uud oo ahaa madaxa shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa oo dhaawaciisa lagu baxnaaninayo cisbitaalka guud ee Caasimadda Hargeysa.”

Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu sheegay in ninkan la qabtay uu laba xabadood ku dhuftay sarkaalkan ka tirsan wakaaladda korontadda Hargeysa.
“Ninkan gacanta ayaanu ku dhignay, waxaanan ammaan halkan uga soo jeedinayaa ciidanka Booliska ee ku guulaystay inay soo qabtaan eedaysanahan, waxaanan ku rajo weyn nahay in sida ugu dhakhsahaha badan aanu u horkeeni doono sharciga,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured