Ninka Ka Cadaalad Fali Waayey Aasaasayaashii Akaademiyada Ma Lagu Aamini Karaa Dood Qaran

0
Friday December 20, 2013 - 19:13:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninka Ka Cadaalad Fali Waayey Aasaasayaashii Akaademiyada Ma Lagu Aamini Karaa Dood Qaran

    Hargeysa(xogreebnews.com-Agaasimaha cusub ee Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta Md.Maxamed Faarax Xirsi, ayaa markii tilmaan khaldan ka bixiyey xubnihii seeska u dhigay Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta (Academic for Peace and Development), isla m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Agaasimaha cusub ee Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta Md.Maxamed Faarax Xirsi, ayaa markii tilmaan khaldan ka bixiyey xubnihii seeska u dhigay Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta (Academic for Peace and Development), isla markaana Hargeysa(xogreebnews.com-Agaasimaha cusub ee Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta Md.Maxamed Faarax Xirsi, ayaa markii tilmaan khaldan ka bixiyey xubnihii seeska u dhigay Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta (Academic for Peace and Development), isla markaana marin habaabiyey xuquuqda Muwaadiniintii lahaa bud-dhiga hay’adan maxaliga ah.
Agaasimaha kub-ku-siigaalaha ah oo xilka loo cimaamaday laba toddobaad ka hor, ayaa Waraysi uu Arbacadii Doraad siiyey Shabakada Wararka ee Hadhwanaag, waxa uu tilmaamay magacyada shakhsiyaad uu sheegay inay yihiin xubnihii aasaasay Akaademiyada Nabada iyo Horumarinta, kuwaasoo kala ah Cabdiraxmaan Cismaan Raage, Mack Bowden iyo Axmed Yuusuf, sida uu xusay geeriyooday.

Agaasimaha Fulinta ee Akaademiyada Nabada Maxamed Faarax Xirsi oo arintaa ka hadlaya, waxa uu yidhi; “..Waxaan u mahad-naqayaa aasaasayaashii Akaademiga nabadda iyo horumarinta Cabdiraxmaan Cismaan Raage, Mack Bowden iyo Nin dhintay oo la odhan jirey Axmed Yuusuf, kuwaasoo ilaa imikana la shaqeeya Akaademiga iyo sidii uu u noqon lahaa meel caalamka laga ictiraafsan yahay..” .Dhacdada ku saabsan sida wax uga jiraan xubnahan Agaasimaha cusubi ku tilmaamay aasaasayaasha Akaademiga, ayaa xog-baadhis Wargeyska “Yool” ku sameeyey waxa uu ku ogaaday in Aqoonyahanadii lahaa fikirka aasaaska Akaademadiyada ee albaabada u furay Madalihii bulshadu ku baratay abuuritaanka hay’adan maxaliga ah aanay ku jirin xubnahan la magac dhabay. Sidaa darteed-na xubnaha rasmi ah ee xaquuqda aasaaska hay’adan leh ay ka koobnaayeen Sideed xubnood (8), kuwaasoo kala ah;
1. Prof. Xuseen Cabdillaahi Bulxan
2. Dr. Maxamed Cismaan Fadal
3. Sucaad Ibraahim Carmiye
4. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
5. Maxamed Cabdi (Awoowe)
6. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe)
7. Cabdiraxmaan Cabdulle Tukaale
8. Maxamed Xasan Ibraahin (Gaandi).
Waxa kaloo, Wargeysku xog-baadhistaa ku xaqiiqsaday, in wax yar kadib bilowgii dhismaha hay’adan Marxuum Maxamed X. Ibraahin Cigaal xubno ka mid ah aasaasayaasha Akaademiyada kusoo daray Golihiisa Wasiirada, tallaabadaas oo dadka Siyaasada faaqidaa ku fasireen inay ahayd mid Madaxweynuhu ku damacsanaa inuu fuyuucyada kala baxo Akaademiyada Nabada, oo sida dadkaasi tilmaameen isagu [Marxuum Cigaal] waqtigaa u arkayey Akaademiyada Mawlac ama Xarun bar-tilmaameed u noqota dadka Siyaasadiisa dhaliila.Inkastoo Wargeyska aan bar-tilmaameedkiisu ahayn inuu labada xubnood iyo Marxuumka muduci ku noqdo, balse raad-raaca arintan ay ku kelliftay in aan la majaro habaabin xuquuqda lahaanshaha fikradaha iyo ficilada togan iyo kuwa tabanba, isla markaana aan la lumin shakhsiyaadkii xuquuqda u lahaa, hase-ahaatee waxa fajac iyo amakaak noqotay sababta Agaasimaha cusub ku kelliftay inuu durbadiiba bulshada kusoo dhex tuuro hadallo fidno ah, oo ay hubanti tahay in dad badani ka cadhoonayaan, kuwana kaloo taariikhda hay’ada wax badan kala socday ku abuuraya khalkhal, halka inta dooc iyo dareen midna aan u lahayn na uu ku tacliiminayo taariikh iyo xog aan rasmi ahayn.
Waxa kaloo Iyana af kala qaad ku noqotay Wargeyska kalsoonida lagu qabi karo garsoorka iyo dhex-dhexaadnimada Agaasime Maxamed Faarax Xirsi ee Shirka Doodda Qaran ee Akaademiga Nabada masuuliyadiisa dusha loo saaray, masuulka labaataan Maalmood isagoon fadhiyin Kursiga durba ka cadaalad fali waayey xuquuqda Muwaadiniintii lahaa bud-dhiga Akaademiga, oo iyagu Magac mooyee Maanta aan manfac ka doonayn.Arimahan oo kale marka ay dhacaan, waxa ay keenaan in waayo hadafkii iyo ujeedadii la rabay in la gaadho, waxa kaloo tallaabooyinkani dhaliyaan murug iyo muran dhinaca afkaarta ah, maadaama uu marin habow ku yimi xogta natiijadii rasmiga ahayd. Sidaa awgeed, mar haddii la arkay oo ay dhacday in Agaasimuhu isagoo kursiga weli ku afartan bixin hadalkiisii u horeeyey noqday mid dhaawac ku ah kalsoonidii Xisbiyada iyo bulshadu ka qabtay hay’ada uu madaxda ka yahay, waxa haboon in Guddida Fulintu fiiro gaar ah u yeeshaan masuuliyada iyo hawsha culus ee Doodda Shirka Qaran, kaasoo Goleyaasha Qaranka iyo Axsaabta ka sokow, bulshada qaybaheeda kala duwani naawilayaan natiijada kasoo bixi doonta, isla markaana hawsha Shirka Doodda Qaran aanay ku halayn Shaqaale ku cusub xilkan, iyagoo Maskaxda ku haya Xasaasiyada iyo culayska Shirka.
Wargyska Yool



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured