“Arrintaasi Waxaan U Arragnaa In Axsaabtu Garanayaan Inta Sharciga Ku Leeyihiin, Axsaabtuna Way Nala Shiraan…”…Cali Maxamed Waran-cade

0
Thursday December 19, 2013 - 21:57:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Arrintaasi Waxaan U Arragnaa In Axsaabtu Garanayaan Inta Sharciga Ku Leeyihiin, Axsaabtuna Way Nala Shiraan…”…Cali Maxamed Waran-cade

    London(xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay rajeenayaan shirka qaran ee xisbiyada mucaaridka ah ku dhawaaqeen wadahadal ku dhamayn doonaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde,ayaa sheegay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay rajeenayaan shirka qaran ee xisbiyada mucaaridka ah ku dhawaaqeen wadahadal ku dhamayn doonaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde,ayaa sheegay in London(xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inay rajeenayaan shirka qaran ee xisbiyada mucaaridka ah ku dhawaaqeen wadahadal ku dhamayn doonaan. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde,ayaa sheegay in wasaarad ahaan si-weyn ugu dedalayaan ilaalinta ammaanka dalka, waxaanu tilmaamay in wadahadal dhex-mara xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo asxaabta mucaaridka lagu soo af-meerayo muranka siyaasi ee u dhaxeeya.
Wasiirka arrimaha gudaha oo socdaal shaqo ku jooga dalka Ingiriiska oo xalay u waramayey Tv-ga Qaranka, waxa uu sheegay in baabuurta 999-ka ah ee deg-dega ah, kuwaas oo uu tilmaamay in qayb-tii labaad ee loogu talo galay Gobalada ay yimadeen dekede magaaladda Berbera. “Shirka dooda qaran ee xisbiyada mucaaridka ah ku dhawaqeen waxaanu doonaynaa runtii innaanu ku dhamayn wadahadal. Amniga dalku waa mid xasiloon, waxaa kaliya ee la wada ilaalinayaa waa nabadgelyadda ILLAAHAY baa mahad leh.

Arrintaasi waxaan u arragnaa in Axsaabtu garanayaan inta sharciga ku leeyihiin. Axsaabtana way nala shiraan kolba marka uu arrin soo kordho, waana axsaab qaran tallo way soo jeedin karaan, haddii ay cabasho qabaan hoos waa loo eegi-karaa, ”ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade. Waxa kale oo Wasiirku hadalkiisa sii raaciyay, “Waxaanu Wasaarad ahaan si-weyn ugu fogannahay ilaalinta nabadda waxaanan muddadii aanu joognay ku soo kordhinay wax badan oo aanu wax kaga qabanayno ammaanka, waxaanu ku soo kordhinay ciidamadda booliska baabuurta 999-ka ee deg-dega ah.” Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in baabuurta yar-yar ee loogu talo galay inay habeenkii ka shaqeeyaan amnia xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka waa weyn qaybtii labaad ee loogu talo galay Gobalada dalka, waxaanu yidhi, “Qeybtii labaad ee baabuurta gurmadka deg-dega ah ee loogu tallo galay Goboladda dalka waxay yimaadeen immika dekadda Magaaladda Berber.
xogreebnews.com- London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured