Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Gartooda lagu galay Madaxtooyadda

0
Thursday December 19, 2013 - 20:08:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga oo Gartooda lagu galay Madaxtooyadda

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo khilaaf ka dhashay falkii bbbbbbbbblagu weeraray Xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo khilaaf ka dhashay falkii bbbbbbbbblagu weeraray Xildhibaan Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland C/laahi Abokor iyo Maareeyaha Dekedda Berbera oo khilaaf ka dhashay falkii bbbbbbbbblagu weeraray Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile u dhaxeeyey ayaa la sheegay in xalay markii ugu horaysay la isku soo hor fadhiisiiyey Qasriga Madaxtooyadda kadib markii Suuqa la soo galiyey khilaafkooda.
Lama oga waxa lagu dhameeyey khilaafka u dhaxeeyey labada masuul hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in labadoodaba laga dhagaystay arrinta ay isku hayaan oo la sheegay in wasiir ku-xigeenku ka gudbiyey cabasho la xidhiidha in uu gacan ku siiyo Xildhibaan qabile canbaaraynta uu la taagan yahay in uu ka danbeeyey falkii lagu weeraray.

Eeda Wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay Cali Xoor xoor inuu iska fogeeyey, isagoo ku tilmaamay in wasiir ku-xigeenku kula gal-galanayo hawl aanu waxba ka ogayn, isagoo dhinaca kalena Qasriga u muujiyey in aanay waxba ka jirin eedaha loo soo jeedinayo ee la xidhiidha xidhiidhka isaga iyo Qabile ka dhaxeeya oo warbixinahoodu madaxtooyadda buux dhaafiyeen.
Cali Xoor Xoor ayaa la sheegayaa tan iyo intii falka Qabile lagu weeraray dhacay inay xayiraad ka saarnayd dhinaca Madaxtooyadda kadib markii wasiir ku-xigeenku ku eedeeyey inuu ka gaabiyey inuu ka difaaco xukuumadda Eedaha uu Qabile dusha ka saarayo xukuumadda. Waxanu kulanka xalay ahaa mid lagu soo af-jarayey amuurtaas.
Xukuumadda Somaliland illaa hadda wax talaabo ah oo ay ka qaaday weerarkii Xildhibaan qabile ma jirto, marka laga reebo Hal qof oo u xidhan mooyee, waxaana laga cabsi qabaa in loo dambabaso sidii Kiiskii Wargeyska Hubaal oo kale.
Cali Xoor xoor ayaa dhinaca kale, la sheegayaa in uu Madaxtooyadda uga Irdhoobay dood ku saabsanayd in Dekedda Berbera lagu wareejiyo Shirkadda Faransiiska ah ee Blore, taasoo la sheegay in madaxtooyaddu ku kala aragti duwan tahay illaa hadana aan xal laga gaadhin, iyadoo koox uu Cali xoor xoor ka mid yahay diideen Heshiiskaasi halka Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo koox uu hogaaminayaana ku adkaysanayaan in lagu wareejiyo.
Si kasta ha ahaatee arrimahani waxay ahaayeen kuwo culays kala duwan ku hayey Cali Xoor xoor iyo xukuumadda oo u muuqday kuwo suuqa isu galay balse waxa loo tirinayaa in kulanka xalay qaboojiyey qaybo ka mid ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured