ASXAABTA MUCAARIDKA AH OO WADAA QAATAY BANAAMIJKA DOODA QARAN.

0
Thursday December 19, 2013 - 15:29:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASXAABTA MUCAARIDKA AH OO WADAA QAATAY BANAAMIJKA DOODA QARAN.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wasdani ayaa maanta siwadajir u ah isula qaatey go,aan ay ku cadeynayaan in wadajir loo qabanayo Doodii talo qaran islamarkaana, ay daadihin doonaan Akadamiga Nabada iyo Hurumarka oo u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wasdani ayaa maanta siwadajir u ah isula qaatey go,aan ay ku cadeynayaan in wadajir loo qabanayo Doodii talo qaran islamarkaana, ay daadihin doonaan Akadamiga Nabada iyo Hurumarka oo u dhaxeynaya Sadexda Hargeisa(xogreebnews.com-Sadexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Ucid iyo Wasdani ayaa maanta siwadajir u ah isula qaatey go,aan ay ku cadeynayaan in wadajir loo qabanayo Doodii talo qaran islamarkaana, ay daadihin doonaan Akadamiga Nabada iyo Hurumarka oo u dhaxeynaya Sadexda Xisbi, oo khaas ah oo aanay kujirin Xukuumadu.Kulan ay Warbaahinta ugu qabteen Xarunta Akadamiga Nabada iyo Hurmarka Somaliland ayay Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka Somaliland Wadani C/raxmaan Ciro, Kulmiye Muuse Biixi

iyo Ucid Faysal Cali Waraabe wadajir uga sheegeen in lasoo afjarey murankii ka dhexeeyay Sadexda Xisbi iyo arinta Dooda Qaran taas oo ay sadexda Xisbi qaranba wadajir uga Qeyb qaadan doonaan.
Kulankan waxa goob joog ka ahaa Sadexda Gudoomiyeee Xisbiyada Qaranka Somaliland, Murashaxa jagada Madexweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax oo katirsan Akadamiga Nabada iyo Hurumarka Somaliland, Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,Dr Maxamed Fadal oo isaguna kamid ahaa Xubnihii gudida Qabanqaabada Dooda Qaran ee Xisbiyada Mucaaridka ahi u xuleen arintaasi.
Gudoomiyaha XCisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadley ayaa cadeeyay in ay Sacdexda Xisbi heshiis kuyihiin, qabashada dooda Qaran iyadoo akadamiguna u dhexeyn doono Waxaanu Muuse farta ku fiiqeyn in talaabvadani soo gabagabeyn doono khilaafkii mudooyinkan dambe Warbaahintu hadalheysay ee u dhexeysay Xisbiyada Qaranka.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadley Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridkaah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo sheegay wixii ay intaas oo dhan ku daaleen in ay afar maalmood kusoo afjareen. Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadfani ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi(ciro), ayaa isaguna dhinaciisa ka
xusey in arintaasi tahey sida ay Gudoomiyayaashu sheegeen oo lagu soo afjarey in wadajir loo qabto, Waxaany Gudoomiye Ciro hoosta ka xariiqey mahadnaq uu ujeediyay Madexweyne Siilaanyo oo uu xusey innay shaley kulmeen.Waxa kale oo isaugana halkaasi hadal kooban ka jeediyay oo uu kusoo dhaweynayo heshiiska Xisbiyada Qaranka ee Doodoo talada Qaranka Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax oo katirsan Akadamiga Nabada iyo Hurumarka Somaliland oo isaguna guud marey in ay soo dhaweynayaan talaabadan doorlkoodana kaga Qeyb qaadan doonaan. Kulankan ayaan habayraatee waxa aan ka muuqanin Siyuaasiyiintii, Golaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo iyagu fikirkan soo Bandhigay Islamarkaana ku wareejiyay Xisbiyada Mucaaridka ah iyadoo dad badfani u arkaan fikirkoodii guuleystey halka kuwa kalena u arkaan, in aanay wali fikirkooda ka dhiiban wajigan Cusub ee ay Siyaasada Somaliland u diga rogatey.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured