Madaxweyne Siilaanyo oo amar ka soo saaray cabasho ka soo yeedhay Beelaha Gabooye

0
Wednesday December 18, 2013 - 19:32:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 926
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo amar ka soo saaray cabasho ka soo yeedhay Beelaha Gabooye

    Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Hay’adaha dhinaca ammaanka ku amray in dhaqso wax looga qabto cabashada dadka ku dhaqan Xaafadda Daammi ee magaalada Hargeysa ee ka soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Hay’adaha dhinaca ammaanka ku amray in dhaqso wax looga qabto cabashada dadka ku dhaqan Xaafadda Daammi ee magaalada Hargeysa ee ka soo jeeda Beelaha Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Hay’adaha dhinaca ammaanka ku amray in dhaqso wax looga qabto cabashada dadka ku dhaqan Xaafadda Daammi ee magaalada Hargeysa ee ka soo jeeda Beelaha la-hayb-sooco ee Gabooyaha oo rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay Xaafaddaa ku dhex-mareen Xaafado kale oo ay halkaa wada deggan yihiin.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha bulshada oo ka soo jeeda Beelaha dadka la hayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo amar ku bixiyay in Hay’adaha amniga u xil saaran yihiin inay wax ka qabtaan cabashooyin ka soo yeedhay bulshada la hayb-sooco ee deggan degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Barkhad Jaamac Xirsi oo shalay warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in amarka Madaxweynuhu ku yimi, ka dib markii ay kulan yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Salaaddiin ka soo jeeda Bulshada la hayb-sooco, isla markaana ay halkaas ugu soo bandhigeen waxyaabo ay ka cabanayaan.
La-taliye Barkhad Jaamac oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Salaadiin iyo Waxgarad ka soo jeedda beelaha la hayb-sooco ayaa qasriga Madxtooyada shalay Madaxweynuhu ku qaabbilay, cabashoodiina way u gudbiyeen, madaxweynaha dareen damqasho leh ayuu ka bixinayaa, tallaabada la qaaday.”
“Hadday bahda garsoorka tahay Xukuumadda way ka madaxbanaan tahay, haddii ay tahay dhinaca amniga salaadiinta hortooda ayay madaxtooyada amar ku siisay in dadkaasi waxay tirsanayaan wax laga qabto, si fiicanna xukuumaddu way ugu dadaal-gashay.” Sidaa ayuu yidhi La-taliye Barkhad.
Barkhad Jaamac Xirsi waxa kale oo uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo yahay hoggaamiye danaynaya sidii Bulshada laga tirada badan yahay u heli lahaayeen Xuquuqda ay kala siman yihiin bulsho-weynta kale ee Somaliland, waxaanu soo qaatay khudbad madaxweynuhu ka jeediyey baarlamaanka, waxaanu yidhi, “Khudbadii dambaysay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor aakhriyay baarlamaanka wuxuu si adag uga hadlay dadkaasi inay ka maqan yihiin siyaasada dalka, sharafna Somaliland u tahay in goleyaasha qaranka ka muuqdaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured