Al-Shabaab Oo Is Ka Fogeysay Masuuliyada Dhakhaatiirta Maanta Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
Wednesday December 18, 2013 - 18:35:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Is Ka Fogeysay Masuuliyada Dhakhaatiirta Maanta Lagu Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

    Muqdisho(xogreebnews.com-Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu iska fogeeyay masuuliyada afarta nin ee dhakhaatiirta ah, ee maanta lagu dilay deegaanka Siinka Dheer, oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu iska fogeeyay masuuliyada afarta nin ee dhakhaatiirta ah, ee maanta lagu dilay deegaanka Siinka Dheer, oo dhaca duleedka Magaalada Muqdisho. Agaasimaha Isbitaalka Fiqi Dr. C/raxmaan Macalin Fiqi, ayaa wuxuu sheegay in ragga weerarkaan fuliyay ay wateen gaari NOAH ah, sidoo kalana waxay xirnaayeen buu yiri dareyska Ciidamada Dowladda.
Sarkaal u hadlay Ururka Al Shabaab, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa wuxuu sheegay inaanay Ururka Al Shabaab ka dambeen dilka afarta nin ee dhakhaatiirta ah.
Dhakhaatiirtaan, ayaa waxaa lala dilay nin turjubaan u ahaa iyo nin kaloo isna ilaalo u ahaa, sidoo kalana waxaa lagu dhaawacay dhakhtar afaraad oo Suuriyaan ah iyo darawalkii gaariga.

Dhakhaatiirtaan, ayaa waxay muddo laba bilood ay ka hawlgalayeen Isbitaalka Fiqi, oo ku yaala deegaanka Siinka Dheer, oo qiyaastii 15km u jira Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Ma cadda cidda dhabta ah ee geysatay weerarka abaabulan ee maanta lagu ugaarsaday dhakhaatiirtaan, oo maalin u dhaaf kaga hawlgali jirtay Isbitaalka Fiqi.
xogreebnews.com- Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured