XUKUUMADDA SOMALILAND OO KA MAAMNUUCDAY URUR KA SHAQEEYA HOORUMARKA DHALINYARADDA GAROONADEEDA

0
Wednesday December 18, 2013 - 18:10:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADDA SOMALILAND OO KA MAAMNUUCDAY URUR KA SHAQEEYA HOORUMARKA DHALINYARADDA GAROONADEEDA

    Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta Agoomaha Hargeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta Agoomaha Hargeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda waxbarashada Somaliland oo maamusha xarunta Agoomaha Hargeysa (Ex-dhalinta Kacaanka) ayaa la sheegay in ay Amar ku bixisay in aanay garoonkaasi ku ciyaari Karin kooxda ODHA ee Faadumo Siciid.
kubadWasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Maamulaha Xaruntaas ayey dad goob joog ahi sheegeen in ay Ciidanka Asluubta ee xaruntaas ilaaliya fareen in kooxdaasi aanay garoonka mar danbe ku ciyaari Karin, iyagoo waliba u raaciyey in aanay Wareeg danbe oo ay Hay’adda ODHA Maamulayso aanay lagu qaban Karin.

Amarka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka dhashay kadib markii doraad lagu soo gabagabeeyey Garoonkaasi wareeg ay Hay’adda ODHA ee Faadumo Siciid u qabatay kooxaha ka jira Xaafadda Jig jiga yar kuwaas oo ay u qabatay xaflad ay ku guddoonsiisay Kooxdii ku guulaysatay Koobkii ay u dhigtay.
Talaabadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ay Xukuumaddu kula kacdo Faadumo Siciid oo ah Xoghaya dhaqaalaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, iyadoo hore uga hor istaagtay Gabilay oo ay booqanaysay.
Dagaalka Faadumo Siciid iyo Wasiir Samsam ayaa la odhan karaa waxa uu salka ku hayaa loolan dhinaca Haweenka ah oo salka ku haya xiligii UDUB iyadoo dumarka Kulmiye iyo xukuumaddiisa hormoodka ka ahi Ololihii ku lidiga ahaa ay u adeegsan jireen Ururadii samafalka ahaa ee ay gacanta ku hayeen, halka maantana ay kala dagaalamayaan kuwa Mucaaradka ku ah oo iyana gacanta ku haya Hay’addo samafal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured