Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo ku fashilmay adeega Madaarka iyo Diyaarada African Express oo banaanka soo dhigtay

0
Wednesday December 18, 2013 - 17:43:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo ku fashilmay adeega Madaarka iyo Diyaarada African Express oo banaanka soo dhigtay

    Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda maamusha adeegyada Madaarka Hargeysa ayaa maanta ku fashilmay diyaaradda Afrikan Express in ay u kiciyaan Injiinka kadib markii diyaaradaasi oo saaka soo fadhiisatay ay Duuli kari wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda maamusha adeegyada Madaarka Hargeysa ayaa maanta ku fashilmay diyaaradda Afrikan Express in ay u kiciyaan Injiinka kadib markii diyaaradaasi oo saaka soo fadhiisatay ay Duuli kari weyday baytariyadii oo ka seexday darteed. Hargeysa(xogreebnews.com- wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda maamusha adeegyada Madaarka Hargeysa ayaa maanta ku fashilmay diyaaradda Afrikan Express in ay u kiciyaan Injiinka kadib markii diyaaradaasi oo saaka soo fadhiisatay ay Duuli kari weyday baytariyadii oo ka seexday darteed.
bnreeaWasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA oo si wadajir ah u maamula siinta diyaaradaha adeegyada noocan oo kale ah isla markaana diyaarad kasta ka qaada marka ay soo caga dhigato $1000(kun Dollar) ayaa maanta tahli kari waayey in ay diyaaraddaasi siiyaan dab ku filan oo ay ku kiciso baytariyadeeda.

Shirkadda African Express oo ah shirkadda ugu casrisan shirkaddaha Duulimaadyadoodu yimaadaan madaarada Somaliland ayaa kici kari weyday iyadoo Rakaabkii ay siday qaarkood Muqdisho iyo Boosaaso u kala saartay diyaarado yar yar halka kuwii Nairobi tagi lahaana la dajiyey hotelada Hargeysa.
Fadeexadan ayaa banaanka soo dhigtay tamar darida qalabka ay Wasaaradda Duulista iyo Shirkadda NASHA shirkaddaha diyaaradaha kaga urursadaan lacagta, iyadoo aanay Xukuumaddu waxba hore uga qaban cabashooyin caynkan oo kale ah oo ay shirkaddo qalab kala soo dagayey diyaaradu cabasho uga muujiyeen awood la’aanta Wiishashka Rarka ee NASHA.
Ilo wareedyo u dhuun daloola Fadeexadan ayaa sheegaya in qalab lagu kiciyo diyaaradan laga doonay Kenya, taasoo ku tusaysa in mudadii sadexda sano iyo saa’idka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayey waxa qiimayn ah lagu samayn madaarka, halka dhabada diyaaradaha lagu dhisay kaalmo aya Dawladda Kuwait ku caawisay xiligii Rayaale, isla markaana qalabka NASHA uu yahay kii ay keeneen wakhtigii C/laahi Maxamed Ducaale.
Diyaaradaha waaweyn ayaa la sheegay in aanay Madaarada Dalka u hoyan, waxaana taas sabab looga dhigay fadeexadan maanta soo baxday oo kale oo ay hore u qarsanayeen kadib markii ay shirkadda NASHA iyo wasaaradda Duulista ka waayeen in ay qalabka lagu kiciyo mishiinada ka waayeen madaarada, taasoo geysay in ay u hotdaan Madaaradda kale ee dalalka Jaarka ah.
Diyaaradda African Express ayaa saaka ka soo duushay Dubai, waxaanay rakaab kala duwan u siday Somaliya iyo Nairobi, iyadoo lugteeda labaadna Rakaab ka soo qaadi lahayd Kenya, Somaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ku hoyan lahaa Dubai.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured