Xoggo oo ka soo baxaya weerar lagu laayey dhakhaatiir Soomaali iyo Ajaanib ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

0
Wednesday December 18, 2013 - 17:34:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoggo oo ka soo baxaya weerar lagu laayey dhakhaatiir Soomaali iyo Ajaanib ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

    Muqdiisho(xogreebnews.com-Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay gaadhi noociisu ahaa “Noah” ama Mini-bus tacshiirad ooda kaga qaadeen Gaadiid ay la socdeen dhakhatiirta la laayey oo u dhashay dalka Suuriya iyo kuwo Soomaali ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdiisho(xogreebnews.com-Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay gaadhi noociisu ahaa “Noah” ama Mini-bus tacshiirad ooda kaga qaadeen Gaadiid ay la socdeen dhakhatiirta la laayey oo u dhashay dalka Suuriya iyo kuwo Soomaali ah, kuwaas oo xiligaas Muqdiisho(xogreebnews.com-Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo watay gaadhi noociisu ahaa “Noah” ama Mini-bus tacshiirad ooda kaga qaadeen Gaadiid ay la socdeen dhakhatiirta la laayey oo u dhashay dalka Suuriya iyo kuwo Soomaali ah, kuwaas oo xiligaas marayey nawaaxiga degaanka Siinka dheer.
Ilaalo la socotay dhakhaatiirtan ayaa la sheegay iney rasaas iska caabin ah fureen, hase yeeshee waxaa halkaas ku dhintay sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan Afar dhaqtar oo 3 ka mid ahi u dhasheen dalka Suuriya, halka kan 3aadna uu yahay Soomaali, waxaana dhaawacmay dhaqtar kale oo Suuriyaan ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sidoo kale ay weerarka ku dhinteen dad kale oo ay ka mid yihiin nin turjubaan u ahaa dhakhaatiirta, qaar ka mid ah ilaaladii difaaceysay iyo dareewalkii waday gaadhiga dhakhaatiirtu la socdeen.Dhaqaatiirtan ayaa la sheegay iney ku sii jeedeen Cusbitaalka Fiqi oo ku yaala meel ku dhow goobta lagu weeraray ee Siinka dheer, kaasoo la sheegay iney ka howlgalayeen, waxaana Cusbitaalkan uu yahay mid gaar (Private)loo leeyahay.
Magacyada dhaqaatiirta Suuriyaanka ah ee ku dhimatay weerarkan ayaa lagu soo kala koobay Dr. Ayman safwan, Dr. Cabdalla mudiic, Dr. C/xamiid, iyo Dr. C/kariin oo Soomaali ah, waxaana ku dhaawacmay Dr. Maahir oo u dhashay isla dalka Suuriya.Waxaa weli iska soo daba dhacaya faahfaahinta weerarkan oo illaa hadda aysan ka hadlin dawlada Somalia.
Geesta kalena Ururka Al shabaab ayaa iska fogeeyay in ey weerarkaadi iyagu geysteen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured