Difaacayaasha Suxufiyiinta Dunida Ee CPJ Oo DUULAAN Ku Tilmaamay Qufulka Boolisku Ku Dhejiyey Xarunta HUBAAL iyo afar saxafi lagula kacay tacadi

0
Wednesday December 18, 2013 - 17:27:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Difaacayaasha Suxufiyiinta Dunida Ee CPJ Oo DUULAAN Ku Tilmaamay Qufulka Boolisku Ku Dhejiyey Xarunta HUBAAL iyo afar saxafi lagula kacay tacadi

    Hageisa(xogreebnews.com-arWarbixin CPJ ka soo saartay Qaddiyada HUBAAL Nairobi (Hubaal/CPJ)- Golaha (Guddida) Ilaalinta iyo Difaaca Suxufiyiinta Dunida ee Magacooda loo soo gaabiyo CPJ ayaa ka hadlay xayiraadii xukuumadda Somaliland kula wareegtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hageisa(xogreebnews.com-arWarbixin CPJ ka soo saartay Qaddiyada HUBAAL Nairobi (Hubaal/CPJ)- Golaha (Guddida) Ilaalinta iyo Difaaca Suxufiyiinta Dunida ee Magacooda loo soo gaabiyo CPJ ayaa ka hadlay xayiraadii xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta dhexe ee Hageisa(xogreebnews.com-arWarbixin CPJ ka soo saartay Qaddiyada HUBAAL
Nairobi (Hubaal/CPJ)- Golaha (Guddida) Ilaalinta iyo Difaaca
Suxufiyiinta Dunida ee Magacooda loo soo gaabiyo CPJ ayaa ka hadlay
xayiraadii xukuumadda Somaliland kula wareegtay xarunta dhexe ee
Wargeyska HUBAAL iyo xadhigii aan Waaranka Wadan ee xabsiga lagu
dhigay laba kamid ah Hawl-wadeennada HMN. CPJ oo habeenkii Isniintii
Qoraal ka soo saartay xafiiskooda qaabilsan bariga Qaaradda Afrika oo

ku yaalla Magaalada Nairobi waxa ay sheegeen in Dibin-daabyada lagu
hayo Xorriyatul-qawlka Somaliland ay cawaaqib xumo dhaxal-siinayso
geedi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland doonayso inay ku hawlan tahay
ka midho dhalinteeda. Warbixinta ay Soo saareen guddida Difaaca
Suxufiyiinta Somaliland (CPJ) oo Cinwaan looga dhigay ‘Booliska
Somaliland oo ku duulay irridahana u laabay Wargays Madax banaan”,
waxa kale oo ay ka hadashay amarkii xabsiga lagaga sii daayay Ninkii
Weeraray soo weeraray Hubaal iyo Hanjabaadii Cabdillaahi Fadal hawada
u mariyey Hawl-wadeennada Hubaal. Warbixintaas oo aad u dheeraydna
waxa lagu bilaabay sidan:
“Ciidammada Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 13-kii bishan
December Duulaan ku qaaday xafiiska Jariirada aan habran (Critical) ee
HUBAAL oo Maalinle uga soo baxda Hargeysa, sidoo kalena xabsiga u
taxaabay laba xubnood oo kamid ah hawl-wadeennadiisa. Waxaana ay
amreen (Boolisku) in la damiyo Qalabka isla markaana aan wax caddad ah
la daabicin. Waa markii Saddexaad ee sanadkan [2013] la
bartil-maameedsado Wargeyskan”. Ayaa lagu yidhi Qoraalka CPJ ay soo
saareen. Mr. Tom waxa uu ka hadlay hab dhaqankii bilayska ee markii ay
xarunta HUBAAL galeen, waxaanu yidhi “ Boolisku markii ay galeen
xafiiska waxa ay shaqaalaha u sheegeen inay bakhtiyaan telefoonnadooda
(Cell-phones) kana soo baxaan xafiiska, waxaanay xidheen Mustafe
Maxamed oo Weriye ah iyo Cismaan Axmed oo ah khabiir IT ah, inkastoo
laba maalmood ka dib la sii daayay. Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee
SOLJA ayaa CPJ u sheegay in xadhig lala raadinayo Maareeyaha HUBAAL
Maxamed Axmed Jaamac oo ay ciidanku ku daba jiraan. Madaxa Ciidanka
Booliska Cabdillaahi Fadal ayaa warbaahinta u sheegay in tallaabada
lagu xayiray wargeyska iyo xadhiga lala raadinayo Masuuliyiintisuba ay
ka dambaysay kadib markii dhawaan lagu daabacay wargayska warbixino
uu ku dooday in ay lid ku yihiin Amniga, isaga oo dhinaca kale dafiray
awoodda dawladnimo ee uu u adeegsaday wargeyska isaga oo maalin ka hor
xayiraada Eedo hanjabaad huwan Telefishanka u soo mariyey
hawl-wadeennada HMN”.
Tom Rhodes oo ka tirsan xafiiska CPJ ee Bariga Qaarada Afrika oo
isna arrintan iyo hawl-galka lagu cabudhinayo HUBAAL Media Network ka
hadlay ayaa sheegay in cabudhinta saxaafadda Somaliland ay Cawaaqib
xumo u keeni doonto guulaha la rabo in ay ka gaadho dimuqraadiyadda. “
Somaliland weligeed kuma guulaysan doonto Midho-dhalka dimuqraadiyadda
ay doonayso haddii aan la xoojin xorriyadda saxaafadda sida madaxa
banaan dawladda ugu sheegta dhaliilaheeda” sidaa ayuu yidhi Mr. Tom,
Wakiilka CPJ ee Bariga Afrika.

Bishii June markii la xayiray wargeyska waxa xeer ilaalintu dacwad ku
soo oogtay Maxamed Axmed Jaamac [Maareeyaha] iyo Hassan Hussein,
Tifaftiraha guud ee HUBAAL xadhig iyo ganaax-na waa lagu xukumay in
kastoo Bishii August Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu cafis u
fidiyey labadoodaba xaruntiina dib loo furay.

Waxa dhacdooyinkan ka horeeyey in laba nin oo hubaysan wejiyadana
qarsaday ay weerareen Hubaal 24-kii bishii April iyagoo dhaawacay
gacantana ka jebiyey Maareeyaha HUBAAL. Labadii nin midkood baa
Hawl-wadeennadu ku guulaysteen inay qabtaan iyadoo Markii dembe la
aqoonsaday in ay labadooduba ahaayeen saraakiil Boolis ah oo
weerarkoodu daba socday warbixino HUBAAL si taxane u daabici jiray
waqtigaas, kuwaas oo dawladda ku dhaliilaya eexo iyo musuq ka dhan ah
Nidaamka sharciga ah.
Ninkii ay qabteen Masuuliyiinta Hubaal waxa ay gacanta ka galiyeen
ciidanka ammaanka oo waa la xidhay, laakiin dib ayaa loo sii daayay
dhawaan iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin maxakamadina aanay xukun
ku ridin.
Guddomiyaha Maxakamada Militariga Brigadier Yuusuf Faarax ayaa ku
dooday in aan eedaysane Axmed Xasan Xaashi aanu xabsiga ku jiri Karin
wax ka badan 180 maalmood, isaga oo sheegay in uu damiin ku sii daayay
Eedaysanaha bilayska ah. Suxufiyiinta Madaxa banaan ayaa 3dii December
Isugu soo baxay Mudaharaad Salmi ah oo ay ku diiddan yihiin sii daynta
eedaysanaha laakiin Boolisku waxa ay kaga jawaabeen xadhig aan waaran
lahayn oo ay lix maalmood ku xidheen Weriyayaal ka mid ah
mudaharaadayaashii. ayaago la siidaayay maalmo kadib markii la xusaayay maalinta xaquuqil insaanka ayaado wararku sheegayaan in la doon doonaayo waxaanu cambaareynayna in la isku daayo xadhig danbe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured