"Guddoomiye Ciro Meel Lagu Ridayo Ma Ogin, Laakiin Xamaasada Xaga Wadani Ayaa Laga Wadaa Oo Malaha Qaadhaankii Ayaa Usoo Bixi Waayay"Xil. Cali Mareexaan

0
Wednesday December 18, 2013 - 17:03:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guddoomiye Ciro Meel Lagu Ridayo Ma Ogin, Laakiin Xamaasada Xaga Wadani Ayaa Laga Wadaa Oo Malaha Qaadhaankii Ayaa Usoo Bixi Waayay"Xil. Cali Mareexaan

    Hargeysa, (xogreebnews.com-Xoghayaha guud ee guddida maaliyada golaha wakiilada, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada muxaafidka xisbiga Kulmiye ayaa xisbiga mucaaridka ee Wadani oo uu hogaamiyo gudoomiyaha golaho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com-Xoghayaha guud ee guddida maaliyada golaha wakiilada, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada muxaafidka xisbiga Kulmiye ayaa xisbiga mucaaridka ee Wadani oo uu hogaamiyo gudoomiyaha golahoodu Hargeysa, (xogreebnews.com-Xoghayaha guud ee guddida maaliyada golaha wakiilada, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah xildhibaanada muxaafidka xisbiga Kulmiye ayaa xisbiga mucaaridka ee Wadani oo uu hogaamiyo gudoomiyaha golahoodu ku eedeeyay inay iyagu wadaan arrimaha lala xidhiidhinayo in mooshin xilka lagaga xayuubinayo Ciro uu jiro.
Md Mareexaan ayaa sidoo kale wax aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay inay jirto dhaqaale saxaafada qaarkood ay ku sheegeen in xukuumadu u qoondaysay ridista gudoomiye Ciro, taas oo uu ku

tilmaamay arrimihii ay samayn jireen xilliyadii ay mucaaridka ahaayeen ee maamulkii Daahir Rayaale ee Udub uu xilka hayay.
Xildhibaan Cali Mareexaan ayaa intaa ku daray in gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro yahay masuulka maamuuska saddexaad ee qaranka leh, taas darteedna xilliga uu doono madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay kulmi karaan.
Waxaanu shirgudoonkooda ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkii sharci ee ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golaha oo uu sheegay inay laba kulan ka yeesheen xubnaha shirgudoonku.
Md Cali Mareexaan ayaa sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay Wargeyska Haatuf xarunta wakiilada kula yeeshay, ayaa su?aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay ay u dhaceen sidan:-
S: Waxa la sheegayaa in xildhibaanadiina muxaafidka Kulmiye aydun wadaan mooshin lagu minjo xaabinayo gudoomiye Ciro, maxaa ka jira arrinkaasi?
J: Anagu Cabdiraxmaan Ciro meel lagu ridayo ma ogin, cid ku tashatay hala ridana anagu war uma hayno, meel ay ka soo baxdayna ma ogin, laakiin waxaanu ognahay arrin golaha ka taagnayd oo shirgudoonku sharci ahaan ay isku hayaan, arrinkaana laba kulan bay ka yeesheen balamo kalena way leeyihiin.Goluhuna waxa uu shirgudoonka ka sugayaa inay talo midaysan ula yimaadaan oo goluhuna isku raaco, laakiin arrimahan ridista gudoomiye Ciro ee suuqa laga shubayaa inta badan waxay ka socotaa arrintan la leeyahay gudoomiyaha waa la ridayaa xisbiga Wadani dhexdiisa, markii aanu eegnayna waxaanu u qaaadanay in qolada Wadani qaadhaankii uu u soo bixi waayoo ay doonayaan farsamo ay qaadhaanka ku helaan, laakiin cid ridaysa iyo cid ku tashatay gudoomiye Ciro hala ridana golahayaga kama jirto, wax golaha horyaala oo lagu tashadayna maaha.
S: Waxa kale oo jira warar sheegaya in lacag gaadhaysa $300,000 ay ugu talo gashay xukuumadu ridista Cabdiraxmaan Ciro, taas darteedna xildhibaanadiina muxaafidka oo aad ka mid tahay la idinla xidhiidhinayo arrinkaasi maxaa ka jira?
J: Wax alla waxaanu ka ognahay arrinkaasi ma jirto, balse waxay ka mid tahay arrimihii Bacda ahaa ee aanu samayn jirnay xilligii aanu xukuumadii Rayaale ee mucaaridka aanu ahayn, balse anagu maanu arag $300,000 bac lagu sido, laakiinse waxa jira oo aan arkayay rag sanqadhi u baxday oo uugaamaya oo meelahaa wax ku qor-qorayay, xilligaa xukuumadii Udubna dhawr jeer baa la odhan jiray waxa la ridayaa shirgudoonkii, mucaaridkuna si ay taageero u helaan ayay ku samaysan jireen oo inta mucaaridku meel fadhiisto ayay odhan jireen madaxweynihii Rayaale waxa uu yidhi, shirgudoonka hala rido, waxaanse is leeyahay qoladaa Wadani ayaa xamaasad ku doonaysa, laakiin in la rido gudoomiye Ciro wax miiska yaala maaha, gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro-na waa masuulka saddexaad ee maamuuska qaranka leh, haduu madaxweynaha u tagayo markastaba xafiiskiisa wuu ugu tagi karaa xitaa balamo uma baahna haduu madaxweynaha u tagayo oo golihii koowaad ee sharci dajinta ayuu madax ka yahay.
Anigu waxaan u arkaa in xamaasada gudoomiye Ciro waa la ridayaa ay ka socoto xisbiga Wadani, xisbiga Kulmiye-na kamaba socoto.
S: Sideed u aragtaa khilaafka ka dhex taagan shirgudoonka ee ka dhashay isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha uu ku sameeyay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro, oo la sheegay inuu ahaa go?aan gole?
J: Had iyo jeer goluhu marka uu codaynayo cod hal dheeri iyo sharciyad uu leeyahay ayuu ku kala baxaa, goluhuna marnaba meel kaliya boqolkiiba boqol iskuma raaco waligiina meel uu boqolkiiba boqol goluhu isku raacay ma jirto, laakiin marka khilaafku yahay mid sharci in sharciga lagu kala baxaa way fiicn tahay.
Mid kale waa markii ugu horeysay ee muddadii 8da sanadooda ee golahayagu shaqaynayay ee shirgudoonku arrin isku qabto, arrintani culays weyn bay leedahay oo musraqbalkii golaha ayaa ku idhan.Waxaan u leenahay idinku gaar ahaan wada fadhiista oo wax goluhu ku wada qanco oo sharciga waafaqsan golaha horkeena, sharcigiina miiska ayuu saaran yahay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured