Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ugu Baaqay Axsaabta Mucaaridka Somaliland In Aanan Wakhti Xaadirkani Loo Baahnayn Shir Qaran, Kana Dhawaajiyay In Laga Soo Gudbay Shir-beeleedyo.

0
Tuesday December 17, 2013 - 22:06:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ugu Baaqay Axsaabta Mucaaridka Somaliland In Aanan Wakhti Xaadirkani Loo Baahnayn Shir Qaran, Kana Dhawaajiyay In Laga Soo Gudbay Shir-beeleedyo.

    Hargaysa(xogreebnews.com-— Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah waxgaradka ugu da’da weyn Somaliland, ayaa sheegay in shir beeleedyada lagaga baxay shirkii Burco ee lagu heshiisiiyey beelaha Somaliland markii dalka dib lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-— Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah waxgaradka ugu da’da weyn Somaliland, ayaa sheegay in shir beeleedyada lagaga baxay shirkii Burco ee lagu heshiisiiyey beelaha Somaliland markii dalka dib loogu soo noqday. Xaaji Cabdi-waraabe, oo ka hadlayay Xaflad lagu soo bandhigay Buugga taariikhdiisa lagu ururiyey ee SAMO-TALIS, ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyay xisbiyada Mucaaradka ah ee abaabulaya shirka loogu Magac daray Talo-qaran.
Xaaji Cabdi-Waraabe, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Shir beeleed waxaynu kaga soo baxnay Burco, markii la isku keenay beelaha Somaliland, ninka shir beeleed hadal haya isagaa is dilaya, Mucaaradku Madaxnimo ayuu doonayaa iyo inuu dawladnimada qabto ayuu doonayaa, xaq-buu u leeyahay, laakiin hadduu waayo waa inuu waxa dhiman sheegaa, waa inuu sheegaa Shidaalkii lama soo saarin, Warshaddii Sibidhka lama dhisin oo waa qabyo, dhulkeenuna sibidh badan ayuu leeyahay, istanbar badan ayuu leeyahay, shidaal badan ayuu leeyahay midna looma dhaqaaqin, waxaa inoo ku canaanto weeyaan”

Xaajiga oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray “Innagana waxaan idinkula dardaaramayaa, walaalayaal kala raali noqda, dhalinyaradeenu ka wanaagsan dhalinyarada kale, iyaga oo wada bilaa Camal ah ayay raali yihiin, ragga siyaasiga ahi yaanu seedhi u tumin, ninka kursi doonayaa miyir ha u doono, donna waa la leeyahay, ninka Mucaaradka ah dadku way jecel yihiin oo waa dabeecaddeena ee idinku dadka ha is-nacsiinina qoladiina xisbiyada Mucaaradka ahi, caydana iska ilaaliya, Shir beeleed iyo carruurta iyo dumarka dabka ku gura oo suuqa mara oo waxba lanooma hayo dhaha, xabadda hala idin mariyana iska ka daaya Madaxnimo maaha
Isku soo wada duuduuboo hadalka Xaaji Cabdi ayaa ku soo beegmaaya xili ay xaalada Somaliland u eegtahay mid inay khalkhalgasho laga boqaayo iyada oo arintaasina ay sobabteedu noqonayso muranka xukuumada iyo axsaabta mucaaridka ah ee Somaliland, waxaana xusidmudan in aanay ilaahada aanay jirin wax talaabo ah oo ay dhinac sameeyeen marka laga reebo kulano la isku dayay oo aan qabsoomin.
xogreebnews.com-office Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured